Hadii berigii hore welwelka ugu badani ahaa  xatooyo    hanti  nool iyo moodba  leh   imika waxaad halis  ugu jirtaa   xatooyo  macaluumaadka gaarka ah ee ku kaydsan shabkada internetka .Waxaa   Aad u soo batay waxa loo yaqaano Electronic Crime oo ah danbiyada dhinaca elektaroonika.

Hadaba waxaa dhawaan soo shaac baxay eedeymo loo jeediyay Shirkada  Cambridge Analytica oo ah Shirkad ka shaqaysa aruurinta xogta , taxliilinteeda iyo   daraasad ku samaynaysa halka uu u badan Yahay dheeliga taageerida codbixiyaayaasha  si loo saamaeyo lana farageliyo cida ay   u Codaynayaan . Sida ay ku warantay warbaahinta reergalbeedku  shirkadan ayaa u dhaqantay hab Baalmarsan anshaxa   si ay u taageerto murashaxiinta qaar  iyada oo adeegsanaysa warar been ah oo loo marayo kaanbayn  dhinaca warbaahinta ah. Shirkadu Waxa ay ka soo shaqaysay kaanbayno siyaasadeed ilaa laba Boqol oo dal  oo ku filiqsan   dacalada aduunka,  shirkadan Ayaa saldhigeedu yahay magaalada london ee cariga Ingiriiska .

Arintan waxaa lagu ogaaday baadhitaan uu sameeyay channelka 4aad ee ingiriiska oo siidaayay Barnaamij dabgal ah oo uu ku sheegaya in shirkada Cambridge Analytica ay ka danbaysay dhaca loo Gaysatay akoonada Facebook dad kor u dhaafaya  50,000 iyaga oon ogayn si ay u badhitaarto Doorashadii Trump iyo weliba ololahii Brexit ama ka baxitaanka ingiriiska ee midowga yurub. .

Milkiilaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg ayaa qirtay in shirkaddiisa ay sameysay khaladaad Kaddib markii xog khaas ah oo ku saabsan dadka isticmaala Faceboogga ay u gudbisay shirkad Britain Laga leeyahay oo lagu magacaabo Cambridge Analytica. Mr Mark ayaa  war qoraal ah oo uu Soo saaray sheegay “in meel ka dhac lagu sameeyay aaminaaddii”.

Waraysi uu la yeeshay CNN ayuu ku sheegay “in uu ka xun yahay” wuxuuna ballanqaaday in uu Tallaabo ka qaadi dooni “App-abka aan daacadda ahayn”.

Arintan ayaa hadaba u muuqata mid gilgilaysa imbiraadooriyadii facebook iyada oo durba khasaare Dhinaca maaliyada ah soo gaadhay waxaa kale oo suuragal ah in ganaax lacageed  la duldhigo intaa waxaa sii dheer  kalsooni la’aan la soo deristay dadka macmiilka u ah Facebook iyada oo laga yaabo In dad badani ay ka wareegaan.

Xigasho: wakaaladaha wararka ee Caalamka

 

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.