Weerarkii u waynaa ee soo maray taariikhda internetka ayaa sababay jahwareerka Shirkado ganacsi, Xafiisyo dawladeed iyo Cisbitaalo ku yaal in ka badan 150 waddan sidoo kale dad tiradoodu gaarayso 200,000 ayaa dhibane u ah xilligan. Waxaa la filayaa maalinta isniinta ee berri marka shaqada lagu laabto inay tirada dhibanayaasha fayruuskan oo wargaysyadu ugu yeereeen magaca WannaCry sii kordhi doonto.

Fayruuskan WannaCry ayaa xiraya dhamaan faylasha ku jira koombuyutarkaaga ilaa aad bixiso lacagta madax furashada ah ee ay dalbanayaan qolyaha Hackers (Jabsadayaasha) oo ah $300 adiga oo isticmaalaya adeegga lacagaha la isku waydaarsado ee BitCoin oo ka madax banaan nidaamka bankiyadda sidaa darteedna ay adag tahay daba galka raadka cidda lacagta helaysa.

Sidee ku ogaan kartaa Fayruuskan WannaCry?

Marka koombuyuutarkaaga uu haleelo fayruuskani waxa kor soo maraysa warqad kuu sheegaysa in lagu sameeyey encryption dhamaan faylasha ku kaydsan koombuyuutarkaaga oo macnaheedu yahay in lagaa xiray dhamaan macluumaadkaagii iyada oo la adeegsanyo qoraalo, tirooyin iyo calaamado sir ah taas oo badelaysa booska faylashaada ayna adag tahay furitaankeeda iyo soo celitaankeeduba.

Waxa sidoo kale warqaddan ka muuqanaya laba saacadood oo mid kamid ahi tilmaamayso xilliga lacagta ay laban laabmi doonto hadii aad ku bixin waydo muddo saddex maalina gudahood ah, halka saacadda labaadi tirinayso mudada ka dhiman xilliga faylashaada la tirtiri doono gabi ahaanba.

Wararka ayaa sheegay inay jabsadayaashu isticmaaleen qalab laga soo xaday hayadda amniga qaranka ee maraykanka NSA oo lagu magacaabo Eternal Blue ayna u isticmaali jirtay hawlaha jaajuusidda isticmaalayaasha Windows.

Qaabkee ayuu u fidayaa fayruuskan?

Fiditaanka WannaCry ayaa ka duwan kuwii hore isaga oo aana u baahnayn inaad riixdo link hallaysan ama soo dejisid barnaamij xun laakiin si madax banaan u faafaya isaga oo isticmaalaya qaab shabakad isku xiran ah taas ayaana ah dhibka u wayn ee keenaysa inay adkaato xakamayntiisu.

Khubaro arrimaha amaanka xogta iyo internetka ayaa sheegaya inaana la xaqiijin karin helitaanka faylashaada kadib marka aad lacagta bixisid iyaga oo sidoo kale meesha ka saaraya sheegashada hackers-ka inuu jiro encryption ay ku sameeyeen faylasha, waxayna leeyihiin maaha wax ka badan lock dusha soo maraya kaas oo aana kuu ogolaanayn inaad furtid koombuyuutarkaaga laakiin liqidda warka khubaradan ayaa adag marka aad eegtid fayruuskan oo dadka uu ka xiray faylashooda u ogolaanayo in qaar kamid si bilaash ah u soo ceshan karaan iyaga oo istcmaalaya barnaamij Decryptor ah oo la socda fayruuskan.

Wadamada uu sida xun u saameeyey waxa kamid ah Russia, Taiwan iyo Ukraine, Waxaana jira Cisbitaallo badan oo waddanka UK ah gabi ahaanba joojiyay adeegyadoodii sidoo kalana dib u dhigay qaar kamida qalliimada culus ee maanta qorshaysnaa.

WannaCry waxa uu bar tilmaameedsanaya koombuyuutarada ku shaqaynaya nidaamka Windows ee aana la cusboonaysiin bilihii u danbeeyey.

Sidee uga hortigi kartaa Fayruuskan?

Shirkadda Microsoft ayaa bixinaysa tallaabooyin ay mudan tahay inaad raacdo si aad ugu feejignaato fayruuskan.

  • Isticmaal mid kamida barnaamijyada ka hortaga Fayruusyada waliba nuskhadiisa u danbaysa, waxaad isticmaali kartaa Microsoft Security Essentials nuskhadiisa u danbaysa.
  • Hubi in software-ka aad isticmaalaysaa uu yahay nuskhadda u danbeesay maadama ay jiraan nuskhada hore oo ay shirkadda Microsoft joojisay horumarintooda lagana helayo daloolo badan oo fududaynaya in weerar lagu qaado koombuyuutarkaaga.
  • Iska ilaali inaad riixdo linkiyda ka imanaya shirkado ama dad ayna idinka dhaxay wax ganacsi ah.
  • Isku day inaad isticmaasho adeegyada xanniba mareegaha beenta ama dadka khiyaamaynaya oo badanaa qaab xayasiis ahaan ah loogu soo bandhigo mareegaha internetka, Waxaad isticmaali kartaa adeegyada xira xayaysiisyada sida Ad-Block oo aad ka soo dejin kartid halkan adiga oo dooranaya nooca browser-ka aad ku daalacatid bogaga internetka.
  • Isticmaal adeegyada xira Pop-up ama warqada kor soo maraysa xilliga aad daalacanayso mareegaha, taas oo mararka qaar aan kuu ogolaanayn inaad sida caadiga ah u xirto, Hadii aad isticmaalayso Chrome Browser waxaad ku duubi kartaa Extensionka Pop up blocker for Chrome™.
  • Badanaa ku kaydi faylashaada muhiimka ah meel kale oo kabaxsan koombuyuutarkaaga sida hard disk banaanka ah ama rukumo mid kamid ah adeegyada Cloud Storage sida JustCloud iyo Dropbox.
  • Hadii aad wali isticmaalayso nuskhadihii hore ee Windows sida Windows XP/7/8 waxay samaysay shirkadda Microsoft update cusub oo ah dhinaca amaanka, waxaad galaysaa boggan adiga oo dooraya nuskhada windows ee ku duuban koombuyuutarkaaga kadibna soo dejinaya software-ka update-ka ku samaynaya.

Waxaa jirta isku dayo badan oo loo galay hakinta fiditaanka Fayruuskan iyada oo la isticmaalayo hal wado ka badan ilaa immikana xalka lahayaa maaha mid caawinaya dadkii ay hore seefta u qaadatay inkasta oo joojinta fiditaankiisa laga yaabo inay qayb ka qaadato.

Marcus Cutchin | Khabiir IT

Marcus Hutchins oo ah oo 22 jir isagu is baray koombuyuutarka kuna sugan UK oo ah meelaha uu sida xun uu saameeyey fayruuskani ayuu abaal wayn u hayaa adduunka kadib markii tallaabadii uu qaaday joojisay fiditaanka fayruuskan oo malaayiin qof saacadaha soo socda dhibane u noqon lahaayeen.

Marcus ayaa ku baraarugay in mid kamida Domain-da fayruuskani ku xiriirsanaa aana hore cidina u diiwaan gelin isla markaana isagu diiwaan gashaday lahaanshaha Domain-ka taas oo ku khasabtay fayruusku inuu joojiyo fiditaanka maadaama bogga uu ku xiriirsanaa immika uu yahay mid ku jira gacanta qof wanaagsan.

Marcus cabsi ayuu ka qabaa in fayruuskani soo laabto maadaama xalkan uu soo bandhigay yahay mid ku meel gaadha hadii ay jabsadayaashu wax ka bedelaan koodhka fayruuskanna ay suurta gal tahay inay mar labaad suuqa ku soo laabtaan iyaga oo wax ka bartay khaladkii hore isticmaalayana waddooyin hor leh oo u baahan xeelado kale si loo joojiyo  mar kale.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.