12 September, khudbad taariikhi ah oo uu jeediyay John F Kennedy magaalada Houston ee gobolka Texas ayaa waxa uu ku sheegay go’aanka maraykanku uu ugu dirayo hawada sare dad bili’aadan ah.

Hadaba khudbadaa oo ay warbaahintu ugu magacdartay “waxaanu dooranay inaanu dayaxa tagno” ayaa Waxa uu Kennedy ka hor jeediyay dad ka badan  32000 garoonka jaamacada Rice.

Hadaba waxaanu ka soo dheeganay qayb ka mid ah khudabadaas  oo taariikhda gashay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

 

” Waxa ay sameeyeen kuwii naga horeeyay in ay noqoto dowladani kuwa ugu horeeya ee towrada dhinaca Wax soo saarka iyo sancada cusub iyo weliba  Nuclear Energy . Jiilkani ma ogola dib u dhac iyada oo Lagu jiro casrigii dayax-gacmeedka, laakiin waaxnu doonaynaa inaanu qayb ka noqono casrigan oo aanu  weliba hogaamino annagu”.

Waxaa kale oo uu yidhi

“waxa ay hormuudkayaga dhinaca Sayniska iyo rajada nagu dheehan, nabadgalyada, amaanka  iyo waajibaadkayaga iyo ka  naga saaran dadka kale oo ay  nafarayaan inaanu dadaalkaa iyo ceelalyada hawada sare  loogu jiro sii xoojino,waxaas oo dhamina waa faa’iido dadka oo dhan u soo hoyonaysa”.

“Laga-yaabo in ay dadka qaar is wediiyaan waa maxay sababta hawada sare loo aadayo? Maxaase loo doortay? Waxaan innaga laftayadu isweyddiiyaa maxaynu  dhakada sare ee buurta u fananaa? Maxaynu  uga talownay badweynta baasifiga dhinaca cirka?

Hadaba 20-july 1969 , ayay dhabowday hadafkii madaxweyne Kennedy iyada oo uu caga-dhigtay cirbixiyeenkii maraykanka ee la odhan jiaray Neil Armstrong dayaxa dushiisa.

John kennedy waxa uu ka mid ahaa madaxweynayaashii ugu shacbiyadda badnaa ee soo mara dalka maraykanka, waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa nin xukun ama ku fiican maaraynta arrimha dowladda , hogaamiye kariisma ama soo jiidasho leh, iyo weliba aqoon yahan, waxaanu ahaa madaxweynahii 35aad ee maraykanka balse waxaa toogasho lagu dilay 1963 xilli uu marayay magaalada Dallas ee gobolka Texsas.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Aqoon
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.