Dhacdo ugub ah oo fajaciso iyo layaab ku noqotay dad badan ayaa  ka dhacday    gobolka  la yidhaahdo    ( Bretagne)  ee galbeedk faransiiska markii ay  qof dumar ahi dacwad ku soo oogtay ninkeeda iyada oo ku eedaysay  in uu ku khasabay  ciyaalkooda cunida khudrada . waxaa kale ay  afadaasi sheegtay  in uu ninkeedu ku kacay fal cadowtinimo ah sida laga soo xigtay Website la yidhaahdo “bfmtv”.

Laakiin  maxkamadii ayaa markii  uu kiisku gaadhay u aragtay in aanu  istaahilin mid laqaado , ama aanay ahaynba wax dacwad noqon karta .

Waxaa kale ay maxkamadu layaabatay arintan iyada oo meesha ka saartay in ficilka  uu ninku sameeyay  ee ah in uu ciyaalka ku khasbay cunitaanka khudaartu uu yahay mid laga dheehan karo cadowtinimo.

Hadaba Waxaa yar ama aan suura gal ahayn  marka la eego xidhiidhka qoyska iyo dacwooyinka u dhaxeeya lamaanaha inaad aragto kiis noocan oo kale ah in uu soo gaadho fadhiyada maxkamada .

Korinta ubadka iyo xanaanyntooduna waa masuuliyad wada saaran labada waalid , balse sheekadan ayaa ahayd mid leh xiise gooni oo layaabna aanu ka madhnayn marka la eego waxa ay ku eedaynaysay qofka dumarka ahi ninkeeda.

Si kasta ay tahay hay’ada cuntada aduunka ayaa ku baaqday in la cuno shan nooc oo ka mid ah khudaarta maalintii , waxaa kale ay  cunida jaaadad kala duwan oo khudaar ah maalintii qayb ka ahayd   dardaaran lagu sheegay barnaamijka cuntada iyo quudinta ee faransiiska.

 

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Barbaarinta ubadka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.