Waxaa kaa xiga inaad taabato badhanka telefoonka dabeeto waxaa goobta  aad joogto iyo weliba wakhtiga aad rabto   kuu imanaya Tagsi kuu qaada meesha aad u socoto.  tani waa arin ay ku Dheehan tahay   hal abuurnimo iyo fikrad aad loola ashqaraaro.

Hadaba qofka ay fikradaasi ka soo maaxatay waa Travis Kalanick, oo ah  aasaasaha  shirkada Tagaasida ee Uber.

Fikradu waxa ay ku soo dhacday 2008 isaga oo shir kaga Qaybgalaya magaalada Paris , markii uu shirka ka soo baxay uu u jihaystay albaabka laga baxo si uu u helo  Tagsi,balse Wakhti badan ay ku qaadatay inuu helo.

Uber in kasta ay gaadhay  fikta sare oo ay noqotay Shirkadaha kuwooda ugu guusha badan , hadana sidii uu Travis, jeclaa wax kasta uma dhicin.

Waxa la soo darisay caqabado iyo dacwado  badan oo la xidhiidha  dhinaca qaanuunka .   Arintaasi Waxa ay ka cadhaysiisay saamilayda shirkada oo ku khasbay Travis, in uu iska casilo maamulka  Shirkada .

Haatan waxa shirkada Uber saamiyo ka iibsaday shirkadaha waaweyn ee dalka jabaan oo ku bixinaya Qiyaastii 8 bilyan oo doolar  Travis, waxa uu  noqday nin bilyaneer.

SoftBanka ayaa 15% qaadanaysa  saamiga shirkada Uber , sida uu dhigayo heshiis ay wada Gaadheen labada dhinac ,waxaa kale oo ay laba qof ku yeelanayaa gudiga go’aangaadhista ee Uber.

Uber waxa ay leedahay waxyaabo u suuragelinaya qofka in uu la socd.  sida in uu arki karo Masaafada uu Tagsigu u soo jiro , daqiiqadaha uu ku imanayo, halka uu geynayo , magaca iyo sawirka wadaha iyo weliba taarikada gaadhiga . macluumaadkaas oo dhan ayaa dadka ka caawinaya dhinaca Badbaadada.

Travis, oo la ogyahay mashaakiladii iyo muranadii uu ka soo maray ganacsiga  ayaa maalgelintan u Adeegsan doona balaadhinta shirkada.

Uber ayaa ku tala jirta in ay isku balaadhiso magaalooyin badan oo ka tirsan aduunka si ay u xoojiso Aasaaskeeda iyo weliba macaashkeeda.

Xigasho: wakaaladaha wararka Caalamka

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Dhaqaale
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.