Calaamada Hollywood waa astaan u gaar  ah magaalada  Los Angeles ee dalka maraykanka, qofka arkaana  waxa uu u malaynayaa in ay tahay calaamad  la sudhay taag sare  oo qudha balse waxaa ku duugan arimo badan oo u baahan inaad wax ka ogaato.

Hollywood  waxaa aasasay Harvey iyo Daeida Wilcox bilowgiina waxaa la odhan jiray Hollywoodland, Laakiin si dhab ah cidina uma oga waxa ay magaca u doorteen.

Waxayna  ahayd  “real-estate” ama aag ay  ku yaalaan aqalo laga ganacsado oo lagu magacaabo Hollywoodland, Laakiin Calaamadda waxaa si dhab ah loo sameeyay 1923 waxaana iibsaday nin la yidhaahdo Harry Chandler oo Ku iibsaday lacag dhan $21,000  oo maanta ka badan  qiimaha $250,000.

Dhererka Calaamaddu waxa uu gaadhyaa 14m, waxayna ka laalaadaa dheegga buurta la yidhaahdo Lee.

Waxaa iyana halkaa  ku yaala Istuudiyo-yaal  waaweyn oo ah shirkadaha filimada sameeya sida : “Walt Disney ” “paramount” ” Universal Studio” oo ah shirkado caan ah  .

Magaca Hollywood waxaa lag soo dheegtay sheekoonka khiyaaliga ah ee ay jecel yahiin dadka badankiisu, hadaba si dhib yar looguma dhawaan karo waxaana lagu dayray Seere, qofka seerahaa dhaafana  waxa uu la kulmayaa ganaax.

Meesha ay ku taalo calaamada Hollywood intii aan la sudhin ma ahayn meel indhaha u roon oo soo jiidasho leh sida ay tahay maanta.

Calaamada Hollywood sidii hore uma iftiimayso

Bilowgii markii la sudhay calaamada waxay lahayd ilays laakiin ilayskii waa laxaday, intii mudadaa ka danbeysayna layskuma shuqlin in dib loo hagaajiyo laydhkaa.

Calaamaddu waxay dhowr jeer ay  la kulantay burbur soo gaadhay , laakiin tabarucaad ay aruuriyeen jilayaasha aflaamta ayaa dib loogu dayac tiray.

Arimaha kale ee calaamada Hollywood lagu xasuusto waxaa ka mid ah in  Jilaayad caan  oo aflaanta matashaa ay isku deldeshay goobta markii ay iska soo tuurtay fikta sare ee calaamada Hollywood .

Dhacdooyinka kale ee ay calaamadu u soo taaganayd waxaa ka mid ah in dhowr jeer xaruufta calaamadu isbedel lagu sameeyay, inkasta oo aan la oglayn in loo dhawado hadana dad ayaa dhowr jeer magaca badalay. Koox la yidhaahdo Danny Finegood and friends ayaa u bedelay Hollyweed laakiin dib ayaa loogu celiyay asalkeedii.

Xigasho: History.com

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Aqoon
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.