Marka uu ilmuhu galo xilliga qaan gaarka waxa uu dareemayaa madax banaani iyo ka dhex bax qolkii uu ku xidhnaa (waa sida ay la thaya isagee) laakiin wali waxa uu ubaahan yahay beer nugayl, daryeel iyo waanin.
Waxa uu dhibka u wayni ka taagan yahay sida aad ugu shubi lahayd ilmahaaga software-ka aad doonayso inuu ku shaqeeeyo.Waalidka ayey tahay inay ogaadaan arrintan, hadaba annaga oo xoogga saarna mar walba wax ka qorista Arrimaha qoyska, waxan u soo jeedinaynaa waalidiinta soomaliyeed ee halganka ugu jira sidii ay caruurtooda uga dhigi lahaayeen kuwa tusaale noqda inay raacaan waanooyinka soo socda:

  • marka uu kuu baahan yahay waa inaad joogtaa hortiisa, waxa in badan cabaso ka timaadaa in marka ay la hadlayaan ama ay wax waydiinayaan waalidkood inayna helin dhago u furan sidii ay rabaan inay ugu gudbiyaan fariinta ay rabaan inay gaadhsiiyaan waalidkood.
  • marka aad lahadlayso wiilkaaga ama gabadhaada qaan-gaarka ah waa inay indhahaagu toos ugu dhacaan indhihiisa, dareenkaaga si buuxa u siisaa, waa inaad damisaa telifishinka ku dhaafaa musalsalku, xidhaa taleefankaaga, shaqada aad hayso aad faraha ka qaadaa… si uu u dareemo inaad danaynayso arrimihiisa.
  • ku celi ereyga (hadalka) qaabka uu u yidhi si ay kuugu cadaato waxa uu ka wado ama umuujiso inaad ahmiyad siinayso, tusaale ahaan; “ma sidaasaad ka wadaa/u jeedaa?, ma sidaasaad samaysay”.  Arrintani waxa ayka caawinaysaa waalidka inuu ka badbaado fahanka khaldan, warka ilmihiisuna u cadaado.
  • waydii su’aalo, hadii arrinta uu kuu sheegayaa ayna caddayn waydii inuu faah-faahiyo, waxa laga yaabaa inay ku adkaato inuu sharax dheeraad ah ka bixiyo ama hadalo iska hor imanaya ku hadlo.
    Ka dhig su’aalahaaga kuwa u baahanaya faah-faahin badan, iska ilaali inay noqdaan kuwa jawaabtoodu ku kooban tahay Haa ama Maya.
  • eedda dusha ha ka saarin, inbadan oo ka mid ah dhalinyarada marka ayu lahadlaynu waxa aynu ku deg-degnaa inaynu xukunno ama eeda u xanbaarinno iyaga, iskuday inaad is celiso inta aad awoodo inta ay ka dhamaynayaan warkooda, hala soo boodin “Been ayaad sheegaysaa” ama erey kale uu dhibsanayo laakiin isku day inaad runta ugu sheegto qaab waano ah –hadda canaan ma dhihin-, ha ciqaabin ama dhiigga ha isku kicin hadii kale taasi waxa ay keenaysaa inuu kula sheekaysan waayo mar danbe, maadaam uu igyahay waxa ay natiijadu noqonayso.

Soo  qabo labada gacmood ee willkaaga/gabadhaada oo hab sii, waxa ay daremayaan amaan, jacayl iyo naxariis, si guud da’da qaan-gaarku waxa ay u baahan tahay jacayl, beer-nugayl iyo Isfahan sida aan bilowgii kusoo xusay.

Fadlan la wadaag farriintan oo gaarsii waalidiinta kale ee u baahan taladan Adiga oo riixaya Adeegyada ay bulshada ku wada xiriirta ee hoos ka muuqda.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Barbaarinta ubadka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.