Su’aasha ugu khajilaada badan ee la  waydiiyo qofka shaqo doonka marka waraysi laga qaadayo waxaa weeye :  ” waa imisa mushaharka  aad jeclaan lahayd in aad qaadato?   ama ” waa imisa mushaharka aad imika ku shaqaysaa?

Caadi ahaan sida qabsata qofka marar badan waxa uu uga jawaabaa su’aashaa si degdeg isaga oo isku dhexyaacsan.

Laakiin qoraaga buuga loogu iibsiga badan yahay ee ku saabasan sida uu qofku naftiisa u maareeyo Mr Ramit Sethi waxa uu leeyahay ka digtoonow jawaabta su’aashaa waayo waa god ama bohol.

Barnaamij lagu magacaabo The Tim Feriss Show ayaa lagu soo bandhigay casharada uu bixiyo Sethi  ee ku saabasan arrintaas iyo sida aad uga dabaalan karto.

Hadaba Mr Setthi waxa uu leeyhay

marka uu maqlo maamulaha shaqaalaynta ee khibradda badan jawaaabtaa markiiba wax ayuu ka fahmayaa qofka shaqa doonka.

Tusaale ahaan hadii  shaqa bixiyayaashu diyaar u ahaayeen bixinta mushahar dhan $5000  dib ayay uga noqonayaan marka ay ogaadaan inaad doonayso mushahar  $3000 oo kaliya.

Waxa uu intaa ku daray ka warwareegida jawaabata su’aashaa laga yaabo inay siiso maamulaha  fikrad xun, laakiin shaqa doonaha  waa in uu ka feejignaado arrintaa  taa badelkeeda  waxaa u banaan  in uu isku dayo xeeladaha iyo qaababka ay isticmaalaan siyaasiyiintu   ee ah ka warwareegida jawaabata tooska ah.

Mr Sethi  waxaa haboon ayuu leeyhay hadii ay su’aashaasi ku qabsato inta aad waraysiga ku guda jirto inaad ugu  jawaabto ereyadan oo kale: “Aad ayaan ugu faraxsanahay ka sheekaysiga arimaha khuseeya maaliayada, laakiin waxa aan doonayaa in aan ogaado in ay shaqadiiinu i  cajabiso iyo in kale  adigana waxaan filayaa inaad  sidaa oo kale jeceshahay”.

Mr Sethi waxa uu aaminsan yahay in ka warawareegida jawaabta tooska ah  ay kalsoonida labada dhinac xoojiso. Dhinaca kalana waxa ay muujinaysaa in qofka shaqo-doonka ahi haysto shaqooyin  ama fursada kale. kana fagow ayuu leeyahay  ka hadalka mushaharka ilaa ninka maamulaha ah ee shaqada bixinayaa uu kuu soo bandhigo qiimaha mushaharka uu isagu damacsan yahay.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Shaqada
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.