Sabankii la joogaba  raga ayaa ku caan baxa dhiraandhirinta iyo wax ku soo kordhinta garaadka iyo Aqoonta bini’aadamka ,waxaana  aduunka soo maray culumo badan oo qayb ka qaadatay kor u Qaadida culuumta sayniska.  Ragaasi  waxaa ka mid  Stephen Hawking oo u dhashay dalka ingiriiska oo geeriyooday   14-3-2018 .

Ma jirto hadaba cid muran gelin karta caalimkii dhinaca Fiisigiska ee jaamacada Cambridge in uu ahaa haldoor Dhinaca sayniska

Stephen, waxa uu   ku caan baxay wax ka ogaanshaha cuf-is- jiidadka hawada sare ee loo yaqaano Black Holes.

Wuxuu ahaa ninkii koowaad ee curiyay fikradda loo yaqaano Cosmology oo ku saabsan cilmi falaga iyo aqoonta uunka.

Waxa kale oo uu qorey buugaag uu ka mid yahay buugga A Brief History of Time.

Stephen isaga oo 22 jir ahaa ayaa laga helay  xanuun daran oo  kursi ku fadhiisiiyay waxaanay Dhakhaatiirtu ku wargeliyeen in uu u dhimanayo xanuunkaa .

Xanuunkan ayaa lagu magacaabaa Motor  Neurone kaa oo ku dhaca neerfaha maskaxda,  hadaba Cudurkan dhakhaatiirtu umaanay helin  jawaab cimiyaysan  oo  lagu ogaan karo waxa sabababa . Xanuunkan ayaa la sheegay in aanay ka kacain dadka uu ku dhacaa 5%  mooyaane.

Laakiin cudurka  naafeeyay jidhkiisu kama  reebin in uu sii wado aragti cilmiyeedka fiisigiska isaga oo Ku soo kordhiyay aduunka  iktishaaf hor leh.

Mar uu xaaladiisa ka hadlaya waxa uu yidhi” inkasta oo mustaqbalkayga uu mugdi soo food saaray Hadana waxa aan aad ugu faraxsanahay waxayaabaha ii suuragalay taa oo markaan eego aniga Laftayda  lama filaan igu ah”.

Marka aad eegto aaradiisa siiba dhinaca diinta waxa lagu tilmaami karaa mulxid aan aaminsanayn wax layidhaahdo jano iyo naar midna ,waxaanu ku tilmaamay arintaa mar ay waraysi la yeelatay Jariirada gaardiyaan janadu in ay tahay wax khuraafaad ah oo aan jirin.

Dhinaca siyaasadana waxa uu ka horyimi dagaalkii fiyitnaam waxaanu u olalayn jiray in la mamnuuco Hubka kiimikada , sidaa oo kale waxa uu dhaleecayn jiray israaiil tacadiyda ay ku hayso dadka reer Falastiin.

Soo daadi qormooyin la xiriira Ma ogtahay?
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.