Horumarka baaxadda wayn ee tiknoolajiyadda iyo tartanka shirkadaha ku hawlan soo saaritaanka qalabka elektarooniga sida Laptopyada ayaa adkeeyey go’aan qaadashada saxda ah marka ay timaado nooca laptop ee aad u baahan tahay ama ku habboon hawshaad qabanaysid.

Waxa aan halkan ku arkaynaa qaar kamida qodobo muhiim ah oo mudan mar walba inaad tix geliso  inta ayna ku qaadin xamaasadda aad u hayso mid kamid ah koombuyuutarada oo ammaantiisu dhagahaaga ku badatay.

Tallaabada u horraysa ayaa ah inaad ogtahay nooca nidaamka uu ku shaqaynayo koombuyuutarka aad dooranaysid, waxa ugu caansan nidaamyada computeradu ku shaqeeyaan xilligan  Windows, Mac, Linux iyo Chrome OS, waxaana ugu adeegsadayaal badan marka la eego heer adduun nidaamka Windows oo ku duubaan 70% noocyada kala duwan ee koombuyuutarada yaalla daafaha caalamka.

Nidaamyada aan kor ku soo xusnay mid waliba waxa uu leeyahay wanaag iyo xumaan,  noocyada kala duwan ee shirkadaha soo saara laptopyada ma wada qaataan dhamaan nidaamyada aan soo xusnay, qodobka u danbeeya ayaad ku arki doontaa qaar kamida shirkadaha iyo nidaamyada ay ku shaqayn karaan.

Waxa aan soo koobnay qodobada kale ee iyaguna muhiimka ah xilliga xulashada laptop cusub.

1- Cabbirka shaashada laptopka iyo culayskiisa

  • 27 ilaa 30 cm waa laptopyada ay aad u yartahay shaashadoodu, badanaa culayskoodu waxa uu u dhaxeeyaa 1.13 ilaa 1.6 kg.
  • 33 ilaa 35 cm hadii aad rabtid inaad badanaa u qaadatid goobtaada shaqo ama waxbarasho iyo safarada dibadda ah cabbirkan yari aad ayuu kuu cawinayaa, culayskiisuna inta badan ma gaaro 2 kg.
  • 38 cm  waa cabbirka dadka badankiisu isticmaalaan, culayskiisuna waxa uu u dhaxeeyaa 2 ilaa 3 kg,  waxa aan kugula talinayaa cabbirkan hadii aad qorshaynayso in aadan badanaa u qaadan.
  • 43 ilaa 45 cm hadii aad guriga ka shaqaysid ama aad qorshaynayso inaad u isticmaasho hawl xirfadeed sida soo saaridda muuqaalada tayada badan ama isticmaalka barnaamijyada nashqadaynta 3D ahaan ama aad jeceshahay inaad ku ciyaarto games cabbirkani waxa uu ku siinayaa goob baaxad wayn oo aad hawlahaaga si dagan ugu qabsatid.

2- CPU (Central Processing unit)

waa qaybta maamusha amarada aad siiso kombiyuutarka  si kale hadii aan udhigno waa maskaxda koombiyuutarka ee xaddida habka shaqada, xawaaraha iyo awoodda isticmaaleed ee uu leeyahay laptop, labada nooc ee ugu caansan CPU waa Intel iyo AMD.

Hadii isticmaalkaaga Computer-ka ku eg yahay Qoraalka, dirista Email-da, daalacashada bogaga internetka iyo daawashada muuqaalada, Waxa kugu filan Intel Core i3 qiimaha computerada noocan ahi aad ayuu u jaban yahay.

Hadii aad rabtid xawaare fiican iyo awoodda xamilaadda qaar kamid ah barnaamijyada culus waxa wanaagsan Intel Core i5 waliba noocyada ku dhamaanaya U (sida  Core i5-7200U) oo qiimo ahaan aanan aad uga fogayn noocii hore ee aan soo xusnay.

Hadii aad raadinayso laptop aanan lahayn xuduud dhinaca wax qabadka sidoo kalana aadan walwal ka qabin in qaar kamid ah barnaamijyada ay ku shaqayn waayaan waxaad dooranaysaa Intel Core i7 inkasta oo mar walba ay jiraan arrima kale oo xadidaya awoodda koombuyuutarka sida RAM-ka oo hadii uu hooseeyo aadan ka filan doonin awoodo badan.

Hadii aad tahay shirkad wayn, Shirkadaha sameeya nocyada kala duwan ee filimada ama aad ku shaqayso xirfadaha  habaynta sawirada ama soo saarid muuqaalo tayada sare leh 3D ahaan waxa laga yaaba inaad u baahatid Intel Xeon oo qiimihiisu aad uga sarreeyey dhamaan kuwa aan soo xusnay sidoo kalana  xilligan ma jiraan noocyo fudud oo aad qaadan karaysid mar walba sidoo kale nolosha battery-ga noocyadan aad ayay u yar tahay.

Noocyada kale ee CPU sida aan hore usoo xusnay waxa kamid ah AMD oo isaguna leh noocya kala duwan qiima ahaanna aad uga jaban Intel waxaana kamid ah AMD A mana xumo marka la eego lacagta la siinayo.

3-RAM hadii aad u baahan tahay inaad ka dirto Email, daalacatid mareegaha internetka oo kaliya 1GB wuu qabanayaa hawsha, sida dadku u badan yahay waxay isticmaalaan inta u dhaxaysa 2GB ilaa 4GB laakiin hadii aad tahay xirfadle dhinaca sawirada iyo samaynta muuqaalada tayada badan ama aad ciyaartid games waxa aad u baahan tahay 4GB ilaa 8GB wixii intaas ka badna sida 16GB dadka u baahani ma badna.

4-Storage Drive Marka ay timaado qaybta kaydinta macluumaadka ee Laptopkaaga waxaad hubisaa inuu yahay SSD oo ka xawaare badan ku dhawaad saddex jeer nooca kale ee HDD, waxaana fiican inaad dooratid mug ka badan 250 GB sida 500 GB ama 1TB si aad waxyaabo badan ugu kaydisid compuyuutarkaaga, sidoo kale hadii aad mug intaa ka badan u baahatid  mustaqbalka waxa aad isticmaali kartaa External Hard Drive (Hardrive aanan ku dhex jirin laptopka).

5- Tayo bandhiggeedka shaashadda (Display Resolution) Tayada shaashadda badanka computerada xilligan suuqa yaal waa HD (1366 x 768) waxaana ka sarraysa Full HD (1920 x 1080) oo si qurux badan oo saafi ah aad ugu daawan kartid muuqaalada lagu duubay tayada1080p, waxa jira noocya ka tayo badan sida 4K laakiin isticmaalkooda battery-ga ayaa aad u badan waxaadna kaga maarmi kartaa Full HD.

6-Botoomada (Keyboard) ku samaysan laptopka ayaa kamid ah waxyaabaha aanan samayn is bedel muuqda jiritaanka laptop-yada hadana waa muhiim inaad doorato nooca kugu haboon tusaale ahaan hadii aad badanaa wax qortid sidoo kalana aadan qorshaynayn inaad isticmaasho keyboard banaanka ah waxa muhiim inaad tix geliso kala fogaanshaha botoomada.

7- Nolosha Battery-ga hadii aad iibsanayso laptop shaashad wayn leh oo aadan badanaa qaadanayn muhiim maaha mudada battery-gu ku haynayo laakiin hadii aad arday ama shaqaale tahay badanaana banaanka u qaadanysid waxa fiican inaad iibsato laptop battery-giisu ku haynayo 5 saac iyo wax ka badan, badanaa shirkaduhu kama run sheegaan saacadaha joogitaanka battery-ga laakiin waxa aad ka raadin karaysaa internetka iyo dadka iibsaday sida ay uga jawaab celinayaan.

8- Nooca Shirkadda  waxa muhiim nooca shirkadda aad dooranaysid taas oo ubaahan inaynu ka eegno dhinacyo badan, waxaad dib ugu laaban kartaa macluumaad badan oo la xiriira Magacyada shirkadaha ugu fiican ee soo saara laptopyada iyo isbarbardhigoodda  qormadan hore.

Kuwani waa qaar kamida shirkadaha ugu magaca dheer ee sameeya laptopyada waxyaabaha ay caanka ku yihin iyo sidoo kale nidaamyada ay ku shaqayn karaan.

Hadii aad qabto wax su’aala oo la xiriirta qodobada aan kor ku soo xusnay, waxa aad ku qori karaysaa qaybta faallooyinka ee hoose, Sidoo kalana waad daabacan kartaa ama emailkaaga u diri kartaa qodobadan adiga oo riixaya halkan.

Faallo ka bixi qormadan

  • Sidee loo doortaa nooca laptop ee kugu haboon

    Horumarka baaxadda wayn ee tiknoolajiyadda iyo tartanka shirkadaha ku hawlan soo saaritaan…
Soo daadi qormooyin la xiriira How to
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.