Waxaynu jecelnahay dhamaanteen inaynu aragno ciyaalkeena oo raacaya dhaqamada wanaagsan ee diintu inoo sheegaty. Beenta waxay ay ka mid tahay waxyaabaha ay diinteenu reebtay lakiin maalin walba waxa aad ku khasabtaa ilmahaaga inuu been kuu sheego.Caruurnimada ilmo waliba waxa uu ku jiraa nolol khayaali ah iyo riyo aan dhamaad lahayn, Riyooyinkan ilmaha yari sawiranayo ayaa ka qayb qaata koritaanka maskaxdiisa iyo awoodiisa daah-furineedna ka dhigta mid xooggan.

Waxaan isku dayayaa inaan xuso qaar kamid ah qaababka waalid walibaa adeegsan karo si uu uga hortago in ilmihiisa iyo beenta xiriir wanaagsani u dhex marin.

waydii su’aalo waaqici ah

article-new-thumbnail-ehow-images-a01-vg-ak-deal-child-who-lies-800x800

Marka uu ilmahaaga yari kuu sheego arrin ay caddahay inay been tahay ha ku deg-degin inaad beeniso ama udiido inuu sii wado hadalka ee u kaadi inta uu dhamaysanayo kadibna isku day in khayaaligan maskaxdiisa ku jira aad u bedesho mid dhab adiga oo waydiinaya su’aalo waaqici ah, tusaale ahaan hadii uu kuu sheegay inuu tagay meel ay adag tahay in la tago oo aanan la rumaysan karayn isku day inaad waydiiso inuu ka sheekeeyo goobtaas sida ay u egtahay iyo haday jirto asxaab ay israaceen iyo su’aalo kale oo ay ku adag tahay inuu u helo jawaab fudud, taas oo ku khasbaysa marka ay wado waliba ka xiranto adigana su’aaluhu wali kuu buuxaan in uu iska qirto runtana afka soo mariyo maadaama uuna dareemayn cadaadis iyo baqdin arrintuna ay isku bedeshay sheeko werin, Arrintan sidoo kale waxa ay qayb wayn ka qaadanaysaa dhismaha mustaqbalka ilmahan yar oo tababar ayay u tahay sidii uu ugu heli lahaa wado iyo xal waxyaabo badan oo ubaahan wax ka badan haa iyo maya.

Ha buun-buunin beenta

Ha ku qasbin ilmahaagu inuu miciinsado beenta isaga oo ka baqayo ciqaabtaada, ha waynayn arrimaha yar-yar, tusaale ahaan hadii uu jabiyo koob ama wax lamid ah ha canaanan ee si fudud u waydii sida wax u dheceen hadii uu run kuu sheegan abaal mari.

taasi waxa ay ku dhiiri galinaysaa inuu run sheego mar walba si loo abaal mariyo.

Ciqaab hadii uu si joogta ah u sheego beenta, Laakiin sidee?

Punish Children With Right Method_2

Hadii uu gaadho heerka beenawaas u yara hanjab adiga oo taasna aana ka badbadinayn, waxay noqon kartaa ciqaabtani in meel aad ku ballansanaydeen inaad tagtaan baajiso adiga oo sababtana u sheegaya.

taasi waxa ay ku khasbaysaa inuu run sheego si uu u helo waxa aad u diiday. ha fulin ciqaabta aad u balan qaaday marka qaabkan samayso ma aadan cafin.

wixii intaa ka danbaysana waxa laga yaabaa inuu beenta u arko mid kala dheeraynaysa isaga iyo waxyaabaha uu jecel yahay inuu waalidkii ka helo.

La sheekayso.

Ilmahaaga la sheekayso taasi waxa ay ka masaxaysaa amaradii iyo hanjabaadihii aad bixinaysay,wuxuuna kuu tix gelin doonaa saaxiibkiisa uu jecelyahay inuu u sheego waxa uu ka guuxaya maskaxdiisa.

Ha dareensiin inuu denbi galay.

Hadii uu khaldamo ilmahaagu ha liidin hana ku cel-celin inuu denbi galay uuna xun yahay ama xumaan sameeyey, taasi waxa ay ku khasbaysaa inuu been sheego si’uu denbigaa uga baxo.

daraasad uu sameeyey machad ku yaala Columbia ayaa sheegay in 90% waalidiinta u sheega caruurtooda inay yihiin kuwa wanaagsan oo fariido ah ay caruurtooda ka mustaqbal fiicnaadaan kuwa waalidkooda dhagahooda ku badiyaan canaanta aan salka lahayn iyo ku cel-celinta xumaantooda iyaga oo iska indha tiraya wanaagoodda.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Barbaarinta ubadka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.