Qiimaha uu wakhtigu u leeyahay nolosha aadanaha   waa mid aan la soo koobi karin, laakiin waxaa Laga yaabaa in aynaan sidaa u dareemin. marka aad eegto dad badan ayaa  ku qaata baraha Bulshooyinka wakhtigooda 20%  , arintan waxaa xoojinaysa daraasad cusub oo lagu ogaaday Wakhtiga badan ee dadku ku qaataan baraha internetka.

Shabakadaha internetka ayaa ah meelaha ugu badan ee wax lagu xayaysiiyo kuwaa oo laga helo Macaash fara badan oo balaayiin doolar  ah. dakhli fara badan ayay ka soo xareeyaan shabkadahani  iyaga oon caantayn u celin dadka adeegsada ee soo dhiga qoraalada  iyo muuqaalada.

Nuxurka lasoo dhigo baraha ayaa   ku dhiirigeliya dadka Badeecada loo xayaysiiyo in ay   ku bixiyaan lacago badan Laakiin waxaa jira shabakado gaar ah oo qofka lacag ku siiya Waxa uu soo dhigo .

Waxaaan isku dayi doonaa inaan sadarada hoose ku Bidhaamiyo sadex shabakadood oo  qofka lacag ku siinaya Waxa uu ku faafiyo ama uu ku qoro baraha bulshooyinka.

1-tsu: waxaa la aasaasay 2013 , shabakadan ayaa waxa ay ku shaqaysaa fikarad saami-qaybsi  ah oo macaashka laga helo xayaysiinta u qaybinaysa laba qaybood. xayaysiiska Google ayaana ah dakhliga ugu badan ee lacagta laga helo, qofka wax ku faafiya waxa uu helayaa macaash dhan 59%  Halka ay shabakadu qaadanayso 51%. laakiin waxaa qofka laga rabaa in uu soo buuxiyo shuruudo.

 2-Bitlanders:  iyana waa shabakad lacag ku bixisa qofku waxa uu soo dhigo  vedio ama qoraal,  waxaana loo ogol yahay qofka in uu shabakada Dhexdeeda wax ka iibsado ama waxaa loogu bedelayaa lacag kaash ah marka ay gaadho $ 10 .

3-Bonze me:  waxaa App-kan  aasaasay dhakhtar reer New Jersey, oo lagu magacaabo Nusbaum, Mar uu ka hadlayay arintaa  waxa uu yidhi” Facebook waxa ay  samaysay lacag xad-dhaaf, halka Dadka soo dhiga nuxurka aanay wax lacag ah ka helin waxa ay ka faa’iiidaystaan maskaxda iyo Fikrada qofka taa ayayna ka samaynyaan lacag badan”.

Youtube ayaa isna macaash farabdan laga helaa laakiin marka hore waxaa muhiim ah  in  uu qofku Samaysto Gannel dabeeto uu soo dhigo nuxur u gaar sida  fikrad cuntamaysa oo soo jiidasho leh ama fikrad gudbinyasa fariin  wax ku ool ah , Waxaa kale oo muhiim ah in uu qofku raaco sharuucda iyo qawaaniinta u degan youtube ilaaliyana  xaquuqda alifaada ama copyright IWM.

 

Xigasho: tech news

 

 

 

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Ma ogtahay?
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.