Isticmaalka  xad-dhaafka ah ee telefoonada ayaa ah mid saamaeeyay  aduunka oo dhan. Dadka ayaa Ku qaata saacado badan oo ka mid ah wakhtigooda   maalin walba.

Arintan ayaa waxaa walaac ka muujiyay xeeldheerayaasha arimaha bulshada iyo dhakhaatiirta dhinaca caafimaadka.

Marba  dhinac u rog-roga badhanka telefoonka iyo eegista cod kasta oo soo dhaca ayaa qofka ka Dhigaya mid mashquul  ah oo aan ka  warhayn xataa waxa Hareerihiisa ka dhacaya.

Habdhaqankan ayaau u muuqda mid isu badalay qabatim iyo Balwad dadka qaar lasoo derista.

Hadaba waxaa  jira daraasado ka dayrinaya isticmaalka xad-dhaafka ah ee telefoonada.

professor Larry Rosen, oo ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa  sheegaya  ” in uu soo badanayo walaaca laga qabo  isticmaalka badan  ee tefoonada”.

Larry Rosen,  oo tixraacaya daraasadahaa   ayaa  aaminsan ” hadii aanu   qofku markast  eegin telefoonkiisa  waxa uu u malaynayaa in uu wax weyni  ka maqan yahay”.

Cilmibaadhis cusub oo ay samaysay jaamacada Derby  ee England,  ayaa lagu ogaaday  xidhiihka ka dhaxeeye isticmaalka xad-dhaafka ah ee Telefoonada casriga   iyo saamaynta dhinaca nafsiga ah   ee soo wajahda dadka . waxaa kale oo  la  ogaaday markasta oo uu bato isticmaalka Telefoonku in uu qofku halis ugu jiro  in uu u noqdo balwad ama qabatim.

Waxaa  jira dhibaatooyin  aan yarayn oo laga dhaxlo isticmaalka farah badan ee Telefoonada sida ay muujinayaan daraasado badan.

1-Dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah:  waxaa ka mid ah walwal iyo murugo qofka lasoo darista Hurda xumo  , iyo amateedka qofka oo yaraada.

2- Go’doon bulsho: waxaa kale oo uu istuicmaalka badan ee telefoonkuu   sababaa  go’doon dhinaca bulshada oo qofka ka dhigaysa maqane jooge  aan ka warhayn   waxa hareerahiisa ka dhacaya.

Waxaa  lays-weydiinayaa   dhibaatooyinka caynkaa ah  yaa u nugul ?   ma da’yarta  mise dadka waaweyn?.

Sua’ashaaa waxaa ka jawaabay majalada la yidhaahdo   American journal of preventive  Medicine ,  warbixin lagu qoray sanadkii tagay ayaa  lagu sheegay in da’yarta isticmaasha 11 baraha bulshooyinka,  markasta oo ay aad u isticmaalaan  barahaa waxaa bata  dareenkooda qoqobnaanshaha

3-Wakhti lumis badan: waxaan shaki ku jiran in isticmaalka badan ee tiknoolajiyada in ay qofka ka  luminayso wakhti badan  oo noloshiisa ka mid ah weliba isaga oo aan dareemin.

Dhinaca kalana qaar ka mid ah shirkadaha tiknoolajiyada sida  Apple, ay soo bandhigay hab  qofka u xisaabinya  inta saacadood ee uu isticmaalay taleefoonka.

Waxaa kale oo ay shirkadaasi soo bandhigeen adeeg waalidiinta  u sahlaya in ay la socdaan mudada ubadkoodu isticmaalaan tiknoolajiyda taas oo u fududaynaysa  in ay ka xakameeyaan.

Balse dadka  arintan  dhaliilshan ayaa ku   ku tilmaamay  damac ay shirkadahu  ku doonayaan lacag.

Hadaba sidee ayaa loo dhimi karaa saamaynta isticmaalka faraha badan ee mobilka iyo baraha bulshooyinka? .

Khubarada  ayaa ku talinya in la raaco talaabooyin dhowr ah si looga baaqsado waxyeelada ka dhalan karta isticmaalka xad-dhaafka   waxayna ku talinayaa arimahan hoos ku xusan:

  • Samayso jadwal go’an oo aad ku socoto.
  • Bar  naftaada in ay ka nasato teknoolajiyada.
  • Bakhtiin ama yarayn ogaysiisyada badan ee telefoonka ku soo dhaca
  • Ka fogee mobilka   sariirta hurdada si aanay gacantaadu markasta u gaadhinn.
  • Wakhti badan geli howlaha dhabta ee kuu yaala.

Hadaba si kasta ay tahay tiknoolajiyadani waxa ay leedahay faa’iido aan halkan lagu soo koobi karin Sidaa oo kalana waxa ay leedahay dhibaatooyin  aan yarayn .

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Tech
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.