Daawashada telefeeshinka ee caruurta   waxaa ku xeeran arimo  badan oo halis ku ah caafimaadka iyo koritaanka ciyaalka . waxaana suuragal ah in ay saamayso  caafimaadkooda sida ay sheegayso cilmibaadhis la sameeyay oo   ka dayrisay arintaa .

waxaa xoojinaya arimahan  cabsida ay qabaan macalimiinta iskuuladu.

John Bangs oo ka tirsan ururka isutaga macalimiinta ayaa sheegay in ay ardaydu yimaadaan iskuulada iyaga oo daalan, sababtuna waxay ay tahay iyaga oo saacado badan hoos fadhiya shaashadaha talefeeshinada.

Warbaxin uu diyaariyay Dr Aric Sigman oo ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa sheegay shan iyo toban arimood oo ay soo bandhigtay cilimibaadhis arintaa ku saabsan.

Qodobada Warbixintu cuskatay

waxa ay warbixintu ka digtay cabsida sii kordhaysa ee laga qabo in uu  telefeeshinku ka qaybqaato cayilka caruurta , dhibaatada dhinaca araga ku yimaada, iyo in uu sababo isbedel dhinaca hormoonka ah .

Dr Sigman ayaa aaminsan in daawashada telefeeshinka ee caruurtu uu noqdo mid wakhti kooban ah,  waxaana waajib ah in aanay sinaba u daawan caruurta garguuranaysa  oo ay haboon tahay in laga fogeeyo .

Hadaba dhibaatooyinka kale ee warbixintu daaha ka rogtay waxaa ka mid ah: cayil xad-dhaaf ah , iyo hurdo xumi lasoo derista dhalaanka. waxaa sii dheer  in uu sababo xanuuno kale oo ay ka mid yahiin  sonkorta ama xanuunka macaanka loo yaqaano sida warbaxintu sheegayso .

warbixintu waxaa kale ay hoosta ka xariiqday cilaaqaadka ka dhexeeya daawashada TV iyo isbedelka ku yimaada  difaaca jidhka.

Dr Sigman ayaa waxa uu leeyahay ” iyada oo ay bulshadu  ka  cabsi  qabto  cuntada iskuulada ayaa  dhinaca kalana aan  indhaha ka qarsanayaan cuntada ay  ciyaalku cunaan  marka ay telefeeshinka daawanayaan. Waxaa kale oo uu qayladhaan ka muujiyay telefeeshinada u dhaxyaala  qolalka hurdada .

Mr Bangs oo madax ka ah qaybta waxbarashada ee NUT ayaa leh  macalimiintu waxay ka warqabaan dhibaatada ka dhalata daawashada TV  ee saacadaha badan . hadii ay gaadho daawashadu labada  habeenimo waxa uu ilmahu  imanyaa iskuulka  isaga oo daalan oo cagaha jiidaya”.

Waxaa uu intaa ku darayaa Mr Bangs hadii arinkaa xil ay iska saaraan  iskuuladu waxbaa  laga qaban karaa iyada oo loo marayo in lala hadlo waalidiinta iyo weliba in la kordhiyo ciyaaraha iyo jimicsiyada ay iskuuladu u sameeyaan ardayda.

Laakiin dhinaca kale Professor  Frank oo ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa  ku doodaya  in daawshada dhalaanka ee Telefeeshinadu ay hoos u sii dhacayso isaga oo sabab uga  dhigay in ay u jeesteen dhinaca Computer Game iyo internetka.

Professor  Frank isaga oo hadalkiisa sii-wata ayaa waxa uu leeyahay ” waxaa muuqata in todobaad kasta ay nasoo gaadhayaan warbixino ka dayrinya khatarta  soo wajihi karta caruurteena”.

Waxaana muuqata inaanu wax ka qaban kari la’nahay , waxaa kale oo muuqata in waalidiintu ogyahiin in caruurtoodu jeceshahay in ay ku ciyaaraan hawada furan . hadab intii sheekadan lagu soo celcelinlahaa     waxaa haboon in laga fakiro arimaha ay ka midk yahiin cayilka ama buurida  caruurta iyo xanuunka Autism loo yaqaano ayuu yidhi Professor  Frank .

 

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Caafimaadka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.