Maalin walba tallabo hor leh iyo qalab cusub ayay ishaadu qaabataa, Maanatana ha yaabin hadii ay kugu adkaato liqideedu laakiin waa run cinwaanka aad akhriday.

Khuburo dhinaca IT-ga ah oo isu tagtay ayaa maraya heerarkii u danbeeyey mashruuca Laabtoobkan oo bilaabmay sannadkii 2009, laguna hanwayn yahay inuu qaybihiisa tijaabada ah ee u horreeyaa ay soo baxaan sannadkan gudihiisa, sida lagu xusay bogga Rolltop oo ah shirkadda wada ololaha maalgelin raadinta sidii loo bilaabi lahaa soo saarida lapotop-kan.

Laptopkan ayaa isticmaalaya Teknoolajiyadda OLED-Display, Sidoo kalana ogol taabashada badan (Multi touch), Culayskiisa aya lamid ah celceliska laptop-yada caadiga ah.

Shaashadda laptop-kan ayaa ah 13 inch  (ballaca), sidoo kalana marka ad u isticmaalayso barnaamijyada nashaqadaynta ama dhismahana aad fidin karto taas oo gaarsiinaysa shaashada la isticmaali karo 17 inch.

Laptopkan ayaa shaqooyin iyo qabab badan oo kale duwan loo isticmaali karaa, sidoo kale qayb walba oo kamid ah ay shaqooyin cusub qabataa, kaagamana baahna inaad boorso ku qaadidi.

 

La wadaag asxaabtaada qormadan

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Tech Videos
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.