Arrintan oo waqti dheer ahayd hadal haynta koowaad ee internetka ayaa ku xasuusinaysa in si walba oo aad xariif u tahay maalin maalaha kamida ay khiyaanadaada banaanka imanayso oo si aadan filayn ku fadeexadoobaysid.

Nin ayaa sawirkan ka qaaday xaaskiisa kadib markii uu ka soo laabtay banaanka laakiin marnaba maskaxdiisa kuma jirin in sawirkan soo afjari doono xiriirka ay mudada soo dhisayeen ee isaga iyo xaaskiisu.

Waxa laga yaabaa inaad wareersan tahay ilaa haddana aadan garan suurta galnimada in sawirkan aad mooddo inayna ka muuqan wax ku tusinaya raadka xumaan horseedi karta kala tag lammaane laakiin indhaha hadii aad si fiican u kala furto oo aad u ogolaato in dareemahaaga araggu hawshooda qabsadaan ama aad kasoo qaadid inaad ku jirta booska nin ka shakisan xaaskiisa waxa suurta gal inaad farta ku fiiqdid halka khaladku ka jiro.

Hadii aadan wali soo qaban ii ogolo inaan ku caawiyo, soo dhawee sawirka kadibna fiiri dhamaadka dhinaca midigta sariirta waxaa kuu muuqanaya labada indhood ee qof aad mooddo inuu kaamerada eegayo oo ku jira sariirta hoosteeda.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Layaabka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.