Qofba waxbaa  la jeclaysiiyaa oo sameynteeda loo dhib yareeyaa , midbaa hami aduun iyo xoolo badan tabcashadeed la geliyaa.dadka qaarna hadaf waxay ka dhigtaan   in ay  meel fiican waxbarashada  ka  gaadhaan oo ay Aqoonyahanada bulshada dhexdeeda  ka mid noqdaan.  hadaba waa xaal aduun iyo  ninba  dhan u badi.Khoosee Albeerto  ayaa isagu intaas oo dhan ka duwan , waxa uu ahaa shaqaale nadaafadeed  dowalada hoose ee Kolmbiya in ka badan 20 sano.

Subaxa hore caasimada kolombiya  xiliga uu shaqada ku jiro waxa uu aruurin jiray  buugaagta lagu tuuro qashinka taas oo u suura gelisay in uu aruuriyo kumanaan buugaag ah.

Waxa uu inbadan howshaa  ku jiraba  Markii danbe ayay noloshiisii is bedeshay oo waxa uu noqday nin caan ah  waxaana loogu magac daray ”Ninkii Buugaagta” taasi waxa ay u suuragelisay in uu aasaaso maktabad Guud oo lag faa’iidaysto.

Mar uu ka waramayay buugii ugu horeeyay ee uu helo waxa uu yidhi ” buugii iigu horeeyay ee aan helo waxaa alifay qoraagii ruushka ahaa ee la odhan jiaray (Leo Tolstoy) waxaa kale oo aan  helay buugaag kale sidaa ayaanan ku bilaabay aruurinta buugaagta sheekooyinka , gabayada iyo buugaagta kale ee aqoonta ku saabsan”.

Sanado ka dib aqalkiisu waxa uu noqday mid la ciirciiray buugaagta Iliad  oo ahaa gabayaa weyn oo giriiga u dhashay  iyo sheekooyinkii (Sofies Verden) iyo buugaagta suugaanyahankii ( Garcia Marques) ee reer kolmbiya.

markii danbe  dad Dariska la ah  ah ayaa u soo doonan jiray in ka ergaystaan buugagta, waayo  xaafada uu degenaa waxa ay ahayd meel ay  ku yar tahay buugaagtu xiligaa.

Sanadkii 2000 ayaa Khoosiya, afadiisa iyo sadexdiisa ciyaalka ahaiba waxa ay qaybta sare ee aqlkooda  90m oo isku wareega ah ka dhigeen maktabad  waxayna oogu magacdareen ” Awooda hadalka”.

Waxa uu leeyhay Khoosee ” waxaa laga yaabaa in ay tahay makatabada qudha ee aduunka macaamiisheeda bilaash ku amaahisa buugaagta .

Caanimada maktaba” Awooda hadalka” waxa ay gaadhay dhamaan Qaarada Ameerika , Khooseena waxa uu Martiqaadyo ka helay Carwooyinka iyo Maktabadaha waaweyn ee dunida  sida macradka Saantiyeego ee  Chile iyo macradka Moontare ee Meksiko waxaanu ku guulaystay aruurinta tabarucaad badan

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Aqoon
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.