Mar ayay faduushu kuu gaysaa in aad  ka hadasho  arrin-taagan  oo u baahan in la sarsaro  si  hurgumada looga sii daayo.

Qofba si buu wax u arkaa  hab dhaqan iyo asluub  u gooni ah  ayuuna  u maraa  xaajada uu markaa u gol leeyhay.

Xilli ayuu qofku  maciinsadaa naqdin,  Laakiin waxaa suuragal ah inaanu qofkaasi   maanka ku hayn nooca naqdinta ee halkaa uga banaan.

hadaba waxaa is weydiin u baahan maxaynu wax u naqdinaa? Jawaabtu ha ii danbaysee aan marka hore   idinku jarbeebiyo laba   hab oo wax loo naqdiyo.

1-NAQDIN WAX LAGU SAXO:  taas oo ah in si  cilmiyaysan  oo farshaxanimo ku dheehan tahay wax loo soo bandhigo iyada  oo looga gol-leeyahay in khalad iyo  daldaloolo muuqda   lagu owdo .

2-NAQDIN WAX LAGU DUMIYO:  taasina waa naqdin  ku dheehan t  aargoosi si qofka wax loogu dhimo laguna dhaawaco shakhsiyadiisa.

Hadaba maxaa looga baahan yahay qofka wax naqdinaya?

  • Waxaa lagamaa maarmaan ah In uu qofku u leeyahay  aqoon ku filan mowduuca  iyo waxa uu naqdinayo, dabeetana uu si lilaahi ah uu  wax u soo bandhigo .
  • Waxaa kale oo muhiim ah  In uu qofku ku suntanaado  dhex-dhexaadnimo  runa ka sheego waxa uu naqdinayo

Aan u soo dago jawaabtii aan dib u dhigtay bilowgii sheekada.  Naqdinta iyo wax ka sheega dadka kale waa shay ku abuuran oo ku ladhan nafta aadanaha sidaa darteed waa lama huraan waxaana haboon  in aynu dulqaad u yeelano.

Sida aynu soo sheegnay hadaba waa  labadaa  nooc ee  is garab- yaala qofkastaana midda isaga lamaanka ah ayauu adeegasdaa, ee ha noqon ka adeegsada naqdinta   xun ee wax lagu dumiyo.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Aqoon
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.