Hadii aad daawatay ciyaar kubadda cagta ah, waxaad in badan aragtay caruur da’ yar oo gacmaha haysta ciyaartoyda marka ay soo galayaan garoonka laakiin ma is waydiisay sababta?

Markii u horraysay ee ay caruuri soo gashay garoon iyaga oo gacmaha haysta ciyaartoyda waxay ahayd sannadkii 1998 laakiin sawirada u horreeyey ee la hayo ayaa u laabanaya sannadkii 1999 ciyaar dhex martay Manchester United iyo New Castle oo mid waliba oo kamida ciyaartoyda uu gacmaha hayay laba caruura, Sannadkii 2000 ayay arrintan is bedel samaysay oo hal canug loo bedelay.

Munaasabadii qori toorka is reeb-reebka koobka adduunka ee 2002 ayay Fifa qaaday olole ay la kaashanayso UNICEF oo lagu magacaabay “Say Yes For Children” kaas oo dhiiri galinayay wacyi gelinta iyo wax ka qabadka nolosha caruurta ee daafaha caalamka, Iyaga oo muujinaya in ay kubbadu ka wayn tahay ciyaar kaliya ayna ka qayb qaadan karto bedelista nolosha caruur badan ayay bilaabeen in ay ciyaartoydu la geli doonaan caruur xiran funaanad ay ku qoran tahay UNICEF taas oo ay u arkeen qaabka u wanagasan ee loo soo bandhigo karo maadaama koobka adduunka ay daawanayaan malaayiin qof .

Waqti badan kadib ilaa maanta wax is bedela ma dhicin oo sidii ayay caruurtu u soo galaan garoonka waliba iyada oo aanan lagu khasbin inay la soo galaan, Waxaa jira sababo badan oo keenaya inaan arrintan la joojin mustaqbalka dhaw.

Sida aynu ognahay xadgudubyada ka dhanka ah ciyaartoyda qaarkood ayaa kamida sababaha wali looga maarmi waayay ilmo yar inay garoonka la soo galaan, si cid walba oo xumaan niyadda ku haysaa dib uga joogsato marka ay arkaan canug yar oo meesha maraya, Badanaana caruurta waxa laga soo qaataa iskuullada hoose, kooxaha yar-yar ee garoonkaas hoos taga, mararka qaarna dad ayaa lacag ku bixiyo si ciyaalkoodu qay uga noqdaan.

Waxaa jira sababo kale oo ay kamd tahay sida aan soo xusnay dhaqan gelinta Ololihii Fifa iyo UNICEF ee dhiir gelinayay is garab taagga caruurta, dhinaca kalana muuq quruxi ku dheehan tahay ayay siinaysaa kubadda marka ay soo galaan caruur yaryar. Qaar kamid ururada sama  falka ayaa uga faa’idaysta ururinta lacag si ay ugu gar-gaaraan barnaamijyada la xiriira caruurta.

Mararka qaar ayaa waxaa dhacda inay ciyaartoyda la soo galaan xayawaan ama waxyaabo kale si ay ugu soo jeediyaan indhaha dadka arrintaas ama ay deeq ugu uruuriyaan hayada ilaaliya xuquuqda xayawaanka iwm.

Raad-Raac: Wikipedia, The18

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Ma ogtahay?
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.