Sannad kasta waxaa qaybo ka mid ah caalamka ka dhaca duufaano wata dabaylo iyo baraf oo gaysta burbur xoogan.

Duufaantu waxa ay  ka abuurantaa  xaalad cimilo oo ka dhalata  oogada sare ee badda, dabeeto waxay  u jihaystaa  dhulka iyada oo ka tagta saamayn balaadhan.

Dabaylaha ka yimaada badweynta  dhacda dhulka kulaylaha ah ee dunida ayaa kiciya duufaanta. dabaylaha ka kaca badweynta baasifiga ayaa isu roga duufaan  iyaga oo ku dhufta dhinaca koonfureed ee dunida.

Duufaanta ka abuuranta (Atlantic Ocean) ee ku dhufata maraykanka waxaa lagu magacaabaa (Typhoon) sida laga soo xigtay website (Hurricane ) ee xarunta cabirka dabaylaha mareykanka.

Duufaantu waxay wadataa dabaylo aad u xoogan, hilaac iyo hanqadh, dhibcaha biyihu waxay ay gaadhaan mararka qaar 1km oo joog sare ah.

Dabaylaha xoogani waxaa ay sababaan cartanka badda iyaga oo kiciya mowjado iyo hirar aad u sareeya oo gaadha ilaa 6Mitir, taasina waxa ay sababtaa burbur waxayna dumisaa aqalada iyo goobaha kale iyada oo xididadana u siibta dhirta.

Hadaba marka uu ilayska qoraxda ku dhacdo oogada sare ee badda ayay biyuhu kululaadaan waxaana ka dhasha duufaan taa oo sii xoogaysata mar kasta  oo kaarboonku  kor u koco, waxayna hoos u dhacdaa marka ay  dhulka u jihaysto.

Halkee ayay ka soo jeedaa magac-bixinta duufaantu?

Khuburada  dhinaca cimilada ku takhasusay ayaa u magac-bixiya si loogu aqoonsado, waana magacyo horay  loo diyaaariyay oo ku socda Xuruufta Alifbeetada .

Noocyada duufaanata

Waxaa loo adeegsadaa cabir caalami ah iyada oo la eegayo xawaaraheeda  lagu qiyaaso cabirka  fujita scale oo loo soo gaabiyo F waana sidan hoos ku xusan:

Qaybta 1aad : Duufaan khafiif ah (xawaare 113-118 KM saacadii).

Qaybta 2aad: Dufaan dhexdhexaad ah ( xawaare 152KM saacadii).

Qaybta 3aad: Duufaan xoog ah (xawaare 180-210 KM saacadii).

Qaybta 4aad: Duufaan  aad u xoog badan ah (xawaare 250KM).

Qaybta 5aad: Duufaan  wax burburisa waxaa laga yabaa in ay gaadho ila ( 300km saacadii).

 

Qaar ka mid Duufaanadii ugu halista badnaa ee aduunka soo maray

Patricia

-Haiyan

– Katrina

– Wilma

– Irma 

Sources:

– National hurricane center   http://www.nhc.noaa.gov/

– Sky news https://www.skynewsarabia.com/web/article/785257/

– Al Arabiya news https://www.alarabiya.net/ar/science/2017/09/08

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Adduunka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.