Ninkan oo magiciisu yahay Wiley Day ayay luladu u xoog sheegatay kadibna dhinac u riday isaga oo taleefankiisuna garab yaal.

Sida dadka badankiisu sameeyaan Waley waxa uu ka seexday taleefanka oo ku jira dabka si uu u buuxsamo xilliga habeenimada waagu marku uu baryana uga saaro dabka laakiin habeenkani aad ayuu uga duwanaa oo qadarku wuu diiday inuu raaco dhabadii fududayd ee Waley u seexan jiray isaga oo aanan welwel iyo cabsi ka qabin meesha uu dhigayo taleefanka, aroortiina uu indhaha ku kala qaadi jiray taleefankiisa oo buuxa.

Soo dhawaadkii waaberiga ayuu Wiley ka soo booday hurdada kadib markii silsilad uu ku xirnaa qoorta ay qabsatay qayb kamida xariga korontada taleefanka gaarsiinaya oo dabacsanaa awgeed kadibna u wareejisay  dabka qaybihii ay ku marnayd ee qoortiisa.

Mar wax laga waydiiya dareenkiisa waxa uu sheegay inay ka idlaadeen ereyadii uu ku cabbiri laaha qaabka wax u dhaceen laakiin ay ahayd mid aad u cabsi badan, foolxun oo shaydaan la moodo. Waxa uu intaa ku daray in sariirta laga soo tuuray sikimo gudahood si awood badan kadibna uu dareenku ka tagay indhuhuna madoobaadeen.

Dadku waxa ay moodayaan inaan gubasho dareemay laakiin aniga waxay ii ahayd cadaadis xoog ah.

Wiley Day

Waxa soo gaadhay Wiley gubashooyin heerka labaad iyo ka saddexaad ah gacmaha iyo qoorta, Waxa uuna ka soo badbaaday geeri cad maadaama dabka qabsaday oo ahaa qiyaastii 100 – 110 Volts uu dili karo qof sida uu xusay Benjamin Fail oo ah Physician ka hawl galo magaalada Huntsville oo ah goobta arrintani ka dhacday.

Waxay u noqonaysaa cashir dad badan oo taleefaankooda kulaala habeenkii marka ay seexanayaan lagana yaabo inay gam’aan iyaga oo taleefanka gacanta ku haya ama ka ag dhaw yahay laakiin ma jirto cid u damaanad qaadi karaysa marka laga inay ka badbaadayaan geeridaa cad marka laga yimaada qadarta iyo nasiibkooda.

Hadii aad la wadaagto warkan naxdinta leh laakiin mudan in wax laga barto  qaar kamida asxaabtaada ama qaraabadaada oo aana ku  baraarugsanayn khatarta ay leedahay arrintan iyo cawaaqibta ay ka tagi karto waxa laga yaabaa in aad badbaadiso naftooda.

Raad-raac: WP

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Layaabka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.