Dahabka ayaa tusaale loo soo qaataa mar walba oo la tilamaamayo wax qaali ah ayna adag tahay helitaankiisu, laakiin Ma is waydiisay waligaa sababta?

Waxaa jira macdano kale oo dhif iyo naadir ay tahay helitaankoodu marka la bar-bar dhigo dahabka sidoo kalana isticmaalka dahabku maaha ka ugu waxtarka badan marka loo eego biraha kale.

Dahabka ayaa loo aqoonsaday waqti dheer bir qiimo badan ku fadhida, Isticmaalkeeduna kuma ekayn oo kaliya isku qurxinta ee waxa uu qayb wayn ka ahaa nidaamkii kala bedelashada walxaha, waxay aamin sanaayeen dadkii hore inuu yahay mid aana la jajabin karin si fudud sidoo kalana aanan ku milmin aashatada hydrochloric intaasna ay usii dheer tahay isaga oo aana bedelin midabkiisa iyo culayskiisa.

Socodka ayaamaha iyo koboca aqoonta aadamuhu ma bedelin ra’yigeennii ku aadanaa dahabka ilaa maantana ma lumin tixgelintiisii iyo sumcaddii waynayd ee uu haystay, waxa uuna ka qiima badan yahay lacagta, sidaa darteedna maalgashadayaasha iyo dadka mustaqbalka eegayaa lacagtooda waxay ku aaminaan dahabka marka xaalad qalalaase dhaqaale ay jirto, taas oo u ballan qaada inayna waxba khasaari doonin si walba oo lacagta qiimeheedu isu bedelo.

Dahabka ayay adag tahay helitaankiisa iyo soo saariddiisuba, waxaana ku baxa kharash badan iyo sidoo kale helis nafeed sidii looga soo bixin lahaa godadka la qoday boqolaal mitir dhulka hoostiisa, marar badan dumitaanka godadkaas ayaa keena dhimashada shaqaale badan, Sidaa darteed dahabku maaha macdan fadhiga ku timaada sidoo kalana dadaalkaga badani kuuma ballan qaadayo inaad helayso ee nasiibkaaga iyo samirkaaga oo lagu daray oo kaliya ayaad ku soo hoyan kartaa guriga adiga oo buljoon dahaba gacanta ku sita.

Dahabka ayaa ah xiriiriye korontada oo aad u awood badan loona isticmaalo qaar kamid ah qalabka elektarooniga ee ubaahan xiriir xoog badan oo la isku hallayn karo, qaybta laga maamulo amarada kambuyuutarka (CPU) iyo injiinada satelite-yada ayaa tusaale u ah goobaha dahabku waxtar badan leeyahay.

Marka la barbardhigo macdanaha kalana tusaale ahaan Aluminum iyo Iron waxay yihiin 13% qolofka sare ee dhulka halka dahabku lagu qiyaasay  3.1×10-7% oo kaliya, Dhinaca kalana macdanaha qaarkood ayaa daxalaysta marka ay muddo dheeer joogaan halka kuwa kalana culays ku kordho sida Naxaasta (Copper) laakiin dahabku ma bedelo culayskiisa iyo dhalaalka quruxda badan ee isha meesha fog ka soo jiitta.

Maalin maalinta ka danbeesa qababka isticmaalkiisa iyo dalabkiisu wuu si badanayaa waxana suurta gal ah in mustaqbalka uu saamayn toos ah kugu yeesho oo qayb kamid ah noloshaada aad uga maarmi waydid.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Ma ogtahay?