Cabsida ugu badan ee soo wajahda rakaabka diyaaradu  markastana ay maanka ku hayaan  waa in ay burburto iyada oo hawada sare ku jirta taasina hadii ay dhacdana waxaa ka dhalan kara  masiibo aan yarayn. laakiin maxaa dhacay hadii la furo albaabka diyaarada xiliga ay duulimaadka ku jirto?.

Hadaba Mid ka mid ah rakaabka diyaarada Delta Bong 767  ayaa 6 july isku dayay in uu furo albaabka Diyaarada xili ay  ku jirtay hawada sare, taas oo argagax iyo cabsi ku abuurtay rakaabkii Diyaarada saarnaa oo ku khasbay ninkii in uu fadhiisto ka dib markii gacan ka-hadal uu dhexmaray isaga iyo rakaabkii kale.

Diyaaradaasi waxay  ka baxday magaalada Seattle ee dalka maraykanka waxayna  ku sii jeeday Magaalada Beijing ee dalweynaha shiinaha .

Dhibka ugu weyni  waxa uu ahaa   ninka musaafirka ah oo aan wax aqoon ah u lahayn culuumta Fisigiska, Waayo waxa uu u baahnaa 23600 rodol oo xoog ah si uu u furo albaabka diyaaradda.

John Clark oo ah macalin injineeriyada diyaaradaha ee machadka tiknoolajiyada ee Georgia ayaa waxa uu leeyahay “Cadaadiska gudaha diyaarada kama hoos-maro 8000 fuudh marnaba”.Waxa uu intaa raaciyay “wax ka sareeya 8000 fuudh cadaadiska gudaha diyaaradu waxa uu noqonayaa mid ka badan cadaadiska dibeda”. Sidaa darteed ayaa diyaarada loo sameeyaa hab aan albaabka gudaha laga furi Karin marka uu xidhan yahay.

Diyaarada  oo dhexdeeda ay ka dhalatay fowdo ayaa markii danbe cagadhigatay  , taasina waxa ay keentay in  police ay jeelka  u taxaabaan  Hoodic oo ahaa ninka isku-dayga sameeyay.

 Markii danbana waxaa la soo taagay maxkamada Seattle  waxaana lagu soo oogay in uu carqaladeeyay hab u socodka diyaarada oo ah danbi laga yaabo in uu gaadho ilaa 20 sano oo xadhig ah.

Hadaba hadii la furo albaabka waxaa hoos u dhacaya heerkulka hawada taasina waxay sababi kartaa dhibaato xoog leh oo soo wajahi karta diyaarada .

Isku dayo noocan oo kala ah ayaa dhacay sanadahii u danbeeyay  arintana waxay noqotay mid marar badana soo noqnoqota taasina waxa ay halis gelin kartaa nolasha rakaabka.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Layaabka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.