Mark Zuckerberg oo ah maskaxda ka danbaysa abuuridda madasha ay bulshadu ku xiriirto ee Facebook ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo xaaskiisa Priscilla ay deeq waxbarasho u fidinayaan Dreamers oo ah caruur waddanka maraykanka ku yimid qaab aan sharci ahayn iyaga oo yar ilaa ay immika noqdeen dad waawayn, Magacooda ayaa u taagan (Horumarinta, Gargaaridda, iyo waxbarista shisheeyaha) waana iskaashato uu dhidibada u taagay Garaham oo ahaa qoraa ka soo shaqeeyey wargayska Washington Post sidoo kalana noqday xubin ka tirsan guddiga sare ee Facebook.

Warka arrintan shaaca looga qaaday ayaa lagu soo qoray bogga Zuckerberg ee Facebook.

Priscilla iyo Aniga waxa aan waxbarasho ugu deeqaynaa 400 oo arday dhigata kolleejyada kana tirsan ama hoostaga iskaashatada TheDream.US…

Sidoo kale qayb kamida warkan waxa uu ku xusay hadalkii uu ku jeediyay xafladdii qalinjabinta ardayda jaamacadda Harvard ee 2017.

At Harvard Commencement, I shared the story of a young man I mentor whose parents brought him to America at a young age. He wasn't sure he'd get to go to college because he's undocumented. He wasn't sure they'd let him in, or that he could afford to go.Priscilla and I are providing 400 college scholarships to Dreamers in partnership with TheDream.US. This fall, 139 new scholars will be heading to colleges across the Bay Area. And we'll keep working to improve education and build stronger communities for everyone.We need a government that protects Dreamers. But for now, Priscilla and I hope these scholarships will help more young people pursue their purpose, contribute to society, and make our country stronger for all of us.

Posted by Mark Zuckerberg on Thursday, June 29, 2017

Ma aha markii u horraysay ee madaxa fulinta shirkadani uu malaayiin lacaga ku bixiyo sidii uu u gacan qaban lahaa ardayda ka soo talloobay dalal qalaad, marar badan waxa uu ku celceliyaa in mudnaan la siiyo dhalinyarta soo haajirtay si ay u helaan fursado qaybna uga noqdaan horumarka dalka.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Teknoloji
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.