Waxaan ku soo gudbinaynaa qormadan liiska shirkadaha ugu magaca dheer marka ay timaado soo saaritaanka laptopyada lagu ammaano xawaaraha sare iyo isku hallaynta.

Maalin walba nooc cusub iyo shirkad calaamadeeddu hor leedahay ayaad suuqa ku arkaysaa oo adeegyo aaadan maqlin waligaa iyo ballan qaadyo waawayn ku siinaya laakiin waxaan ku salaynay qormadan aragtida togan ee ay ka qabaan macaamiisha iibsaday laptopyadani.

Waxaan soo gudbinaynaa liiska 5-ta calaamadood ee aad ka xulan lahayd laptopka aad rabtid inaad iibsato annaga oo mid walba raacinayna sababta aan hore u soo fadhiisinay.


1-Dell

Shirkadda Dell oo laga leeyahay dalka maraykanka muddo dheerna ku jirtay ganacsigan ayaa caan ku ah soo bandhigidda laptopyo wata adeegyo casri ah iyo muuq wanaagsan taas oo ay u dheer tahay  xawaare sarreeya , isku hallayn iyo qiimo jaban marka loo eego noocyada kale.


2- Apple

Koombuyuutarada shirkadda Apple oo ay kamid yihiiin silsilada laptobyada ee macbook ayay fududahay isticmaalkoodu, Cabbirka shaashad bandhigeedka oo sarreeya, dhagaysiga cod saafi ah iyo qancinta macaamiisheedda inkasta oo shirkaddan lagu tilmaamo inay ka badbadiso qiimaha laptopyada marka loo eego kuwa lamidka ah ee suuqa yaal.


3- Asus

Shirkaddan oo haysata macaamiil badan ayaa caan ku ah laptopyada xawaaraha sare leh ee ogolaanaya isticmaalka dhamaan noocyada kala duwan ee Games ee u baahan Processor awood u leh inuu render gareeyo isla markaano soo bandhigo muuqaal tayo sare leh.


4-Acer

Shirkaddan oo laga leeyahay Taiwan ayaa sannadihii u danbeeyey magaceedu ku fidiyay daafaha caalamka iyada oo kamidna ah shirkaddaha soo saara laptopyada buuxin kara liiskeenan, waxay caan ku tahay xawaare sare iyo sidoo kale iyada oo ah shirkadda ugu wayn ee soo saarta laptopyada ay ku duuban yahay nidaamka Chrome.


5-HP

waa mid kamid ah calaamadaha ugu caansan markay timaado laptopyada, marka laga yimaado xawaaraha iyo adeegyada kale waxay  caan ku yihiin qiimo jaban kaas oo u soo jiidda macaamiil badan oo daafaha calmaka ah.

 

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Tips & Tricks
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.