Berisamadkii inta qalinlayda ah ee wax qori jirtay, intii suugaanta curin jirtay, inta codkooda heesaha ku qaadi jirtay iyo intii murtida iyo madadaalada ku caan baxday, intuba Waxay ahaayeen kuwa Dadku wada majeerto oo bulshadu ku qanacdo kuna raaxaysato fankooda, balse fankii milgaha iyo Maamuuska wacnaa xiligiisii la soo dhaaf.

Waxaa soo baxay duul cusub oo badankoodu alifbeetada fanka aan si fiican u dhigan oo aan la jarabarin.

Sidaa darteed fankii dahabiga ahaa ee soomaalidu lahayd waa gabaabsi marka aad ka eegto dhinacyo badan. Waxaana soo batay fanka raqiiska ah ee bilaa ujeedada ah, bilaa qiimaha iyo bilaa nuxurka ah.

Yaab iyo amakaag ayaa ku dilaya marka aad maqasho Heesaha qaarkood  iyo halka uu gaadhay heerkoodu, midhahooda iyo habdhacooda run ahaantii  waa mustawe Aad u liita  oo aan hadda  ka hor fanku soomaalidu abid gaadhin. Waxaana  suuqa soo galay  heeso aan dux iyo dhadhan-toona  lahayn kuwaa oo ceegaaga barta muuqaalada baahisa ee Youtube .

Waxaa kale oo ay heesaha qaarkood meel kadhac ku yahiin dhaqanka iyo garaadka  bulshada waxaana ku Jira muuqaalo yaq-yaqsi leh oo ah dhaqan bi’is iyo anshax-xuma Baahsan oo la faafinayo.

Hadaba hadii uu cabirkii fanku noqday soo caanbax loo marayo Wado liidata  iyada oo aan dookha  bulshada la ixtiraamayn waxay ila tahay waa khasaare iyo dhaawac weyn oo soo gaadhay fanka soomaalida oo ah fan hodan ah. Qani ka ah murtida , qani ka ah maansada, qani ka ah dhaqanka qani ka ah anshaxa suuban.

Waxaan tix gaaban oo uu ku tilmaamayo in aanu  fanka ku haboonayn xoog-xoog iyo iska keenkeenid ee uu yahay deeq alla baxsho  ka soo dheegtay alla ha unaxariistee abwaan Dhoodaan waxaanu yidhi:

  • Dirqi gabaygu kuma fiicniyo,waan darooryamiye
  • Kaga dayasho door kuma noqdiyo,xaraf ladoondoone
  • Darsi ma aha lays baro xigmadi, way da’a weyn tahaye
  • War waa deeq ilaah baxshiyo, doobir gooni ah’e.

Haa waa dhab  qofna dirqi iyo istus kuma noqon karo heesaa ama allifaa ee waa doobir iyo hibo gooni ah oo aan cid kasta loogu roonaan ee dadka qaar alle hibo u siiyay.

Dhalan-rogga fanku waxa uu ku socdaa xawaare dheeraynaya hadaba dadka doonaya in ay ku soo caanbaxaan sidaa iyaga oo ka aradan cod la dhagaysto iyo hibo kalaba  hadana kusii indha adag  waxay illa tahay inaan marnba laga ogolaan laakiin  la waaniyo  loona caqli celiyo. Waayo fanku Waa Dhaxal umadeed oo uu jiilba jiil u gudbiyo waajibna ay tahay in la ilaaliyo lana dhowro laguna faano.

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.