Waxaa loo adeegsadaa bidix iyo midig mark laga Hadalayo siyaasada waaa soo gaabin sharaxaad ka bixinaysa  fikirka iyo Kala aragti-duwanaanshaha siyaasadeed  iyo ka  Aydoolajiyadeed ee  siyaasiyiintu kala aaminsan yahiin.

Waxayna ka turjumaysaa laba garab oo siyaasadeed , Maramarka qaarna waxaa jira  bidix dhexe iyo midigta fog.

Midigta fog waxaa  lala xidhiidhiyaa faashiistaha  Waxaa ku xigta aydoolajiyada muxaafidka ah, iyo Libiraaliyiinta. Dhinaca bidixna waxaa ka farcama ishtiraakiyiinta .

Dhinaca kalana qolada midigta waxa ka farcama Xoogag  diidan isbedelka nidaamka siyaasadeed iyo Ka bulsho . halka ay qolada bidixdu doonayaan isbedel Siyaasadeed iyo mid bulsho in lasameeyo.

Waxaana labadooda u dhaxeeya qola kele oo liydhaado dhexdhexaad oo iyaguna aaminsan in Isbedel lagu sameeyo hanaanka siyaasadeed iyo ka Bulsho si tartiib tartiib ah.

Goorma ayay soo shaacbaxday adeegsiga bidix iyo midig

Waxay bilaabatay toradii faransiiska ka dib 1789 waxayna ahaayeen koox ka tirsan mudanayaasha Arimaha siyaasada iyo bulshada ee baaralamaanka dhaxdiisa .

Kuwa muxaafidiinta ah sida dadka  indheergaradka  iyo wadaadada kaniisadu waxay fadhiisan jireen dhinaca midig marka laysugu yimaado golaha Shacabka sidaa ayaana midigta loogu bixiyay.

Halka ay kuwa u olaleeya isbedel nidaamka Boqortooyadu ay fadhiisanajireen dhinaca bidix,  iyana Sidaa ayay bidix kula baxeen.

Intaa ka dib markii ay soo baxeen kooxa siyaasadeed oo hor leh   waxay la yimaadeen magacyo cudub sida:

Midigta xag jirka ah iyo bidixda xagjirka ah, bidix dhexe iyo midig dhexe. Hadaba markii ay sidaa  u sii kala faliidhmeen ayaa kooxha cunsiriyiinta waxaa la baxeen  midig xag jira. Halka kuwa shuuciga ahna lagu magacaabay bidix xag jir ah.

Waxaa kale oo iyna bidix dhexe lagu shanbadeeyay kooxaha shuuciyiinta u janjeedha dimuquraadiyada.

Dhexe ama dhexduna waxa uu juujinyaa xisbiyada libiraaliyiinta iyo kuwa muxaafidiinta.

waxayna arimahaasi horseedeen isbedel dhaqaale horumarka dhaqaale ee wadamadaasi oo 70% dadka xoogsatada ah ay mujtamaca matalaan  taasina waxa ay horseeday  in ay noqdaan dabaqada mujtama ugu saamayn badan marka ay yimaadaan doorashooyinku.

Dhamamaan dowladaha dimuquraadiyadu ku dhaqma maanta badanaa waxaa ka taliya bidix dhexe ama midig dhexe . waxaana laga cabsi-qabaa in ay xukunka  qabtaan bidix fog, ama midig fog sida imikaba yurub ka taagan , waana kooxo ku caanbaxay soo galeeti muslim nacayb.

Wadamada yurubta galbeed gaar ahaan faransiiska waa meesha ugu badan ee abtirsiga xisbiyada noocaas ah ay ka jiraan.

 

Faallo ka bixi qormadan

  • Macnaha midig iyo bidix qaamuuska siyaasada

    Waxaa loo adeegsadaa bidix iyo midig mark laga Hadalayo siyaasada waaa soo gaabin sharaxaa…
Soo daadi qormooyin la xiriira Siyaasad
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.