Kaarisma waa Eray  asal ahaan ka soo jeeda  afka giriiga  oo macnahiisu yahay (HIBO EEBE) taas oo ah sifo lagu Ladho  shakhsi leh soo jiidasho iyo sifooyin hogaamiye oo ka duwan dadka intiisa kale. waxaa kale oo calaamadaha Kaarismaha  ka mid ah in uu yahay  shakhi saameyntiisa  bulsho iyo siyaasadeed ay si xoogan   u muuqato , awoodana   furdaaminta  arimaha kuwooda adadag, run ahaantiina waxaas oo dhami    waa sifooyin badhaxla’a oo lagu yaqaano  hogaamiyaha dhabta ah.

Hadaba  qof kasta oo inaga mid ah waxa uu leeyahay shakhsiyad u Gaar  ah oo uu dadka kale kaga duwan yahay .

Laga yaabe  in dadka qaar  rumaysan yahiin     sifooyinka caynkaas ah    in  lagu manaystay  dad gooni ah.

Hadaba waxaa inoo banaan in aynu is-wediino kaarisma ma wax loo dhashaa mise  waa la kasban karaa?  Inkasta oo ay tahay dood dheer hadana aragtiyaha doodaa ku xeeran si dulmar aha ayaynu   sadaradan hoose ugaga  hadli doonaa   inaga oon hoos u sii quusin doodaas.

Kariisma miyaa lagu soo dhashaa mise waa la kasbadaa?

Waxa ay  dad badani  aaminsan yahiin  in kaarismadu   tahay sifooyin lagu   soo dhasho  halka ay culumada arimaha bulshdu sheegayaan  in ay tahay sifo la baran karo. balse si taa loo gaadho  ay haboon tahay in la    kordhiyo wacyiga iyo garaadka  qofka   , lana xoojiyo     xidhiidhka dadka kale iyo la dhaqankooda  .

Xaqiiqduna waxay ay tahay dhamaanteen waxaynu leenahay awood inagu abuuran   sidaa darteed ma aha hibo Gooni ah iyo deeqo dadka qaar loogu roonaaday , laakiin waa sifooyin la kasban karo lana baran karo.

Tababarka nafta iyo laylinteeda  ayaa hadaba ka qayb-qaata  in uu  qofka   ku guulaysto hadafkiisa  taasina waxa ay Dahaadhka ka qaadysaa  inta ay le’egtahay awooda qofka.

Qofkii ugu horeeyay ee adeegsada ereyga  kariisma

Max Waber  oo ahaa caalim jarmal ah  oo dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasada ku takhakhusay  ayaa isagu ahaa qofkii ugu horeeyay adeegsada kaariisma  isaga oo farta ku fiiqaya in ay tahay awood qofka ku duugan  oo uu ku saamayn Karo dadka intiisa  kale.

Qayb ka mid Calaamadaha  lagu garto qofka kaarismada leh

  • Isku kalsooni
  • Awood qancineed
  • Dulqaad dhagysi ee araada kala duwan
  • Awood Saamayneed
  • Awood kasbasho dadka kale
  • Awood hogaamineed

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Aqoon
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.