Dadka badankiisu marka ay maqlaan aqoonyahan, caaqil, hanad iyo magacyo kale oo badanaa ka tarjumaya qof xanbaarsan aqoon ka sarraysa ta dadka caadiga ah waxay sawirtaan qof waxbarashada aad ugu sarreeya, fadhiya xafiis qurux badan, u hoyda guri ay joogto gabadhii riyooyinkiisa sidoo kalana ku nool farxad joogta ah laakiin sawirkaas waa mid gabi ahaanba khaldan.

Dadka maskaxda wayni ku rakiban tahay arrimo badan oo qofka caadiga ahi  biyo u kaban ayaa iyaga ula muuqda buur oo fanashadeeda iyo fuuliddeeda inta ay kari waayaan isu dhiibaan nolosha sidaana ku aqbalaan.

Arrimaha soo socda ayaa ka mida waxyaabaha badanaa dhib ka soo food saaro dadka noocan ah.

1-Hadalka gaabani wuu dhibaa

Badanaa marka aad la sheekaysanayso qof caadi ah ama aad dhawaan is barateen waxay u badan tahay inayna jirin dhacdooyin badan oo aad isla jeex jeexi kartaan sidaa darteed ayaa hadalkiinu u jan jeedhaa xusidda arrimo guud sida Caafimaadka qofka, jawiga cimillada, waxyaabaha kugu hareeraysan  markaas, taas ayaana keenta in maskaxdaada la ciir ciiraysa aqoonta ay ka xanaaqdo qofkan u diidan inay tufto macluumaad badan sida isha biyahana u burqato.

2-Waxaad ka fiirsataa hadalka inta aadan odhan

Badanaa inta aadan bixin jawaab waxaad isku daydaa inaad ka fiiriso dhinacyo badan raadka uu ka tagayo hadalka aad dhihi doonto taas oo mararka qaar keenta inaad sawirato dhacdo xun oo jawaab celintaadu ku hagi karto qofkan ku hor taagan sidoo kale hadii ay dhaawici karto ama laga yaabo inay nabarro hore xoqayso, sidaa darteed ayay kaa qaadataa waqti inaad jawaab u qalanta qofka siiso.

Mararka qaarna hadii aadan garanayn jawaabta ugu habboon waad ka gaabsataa isku dayga iyo tuurista jawaabo aad ogtahay inayna saxnayn.

3-Shaqadaada xiisa badan uma haysid

Hadii ay shaqadaadu tahay mid caadiya oo ka madhan taxaddiyo iyo xallinta caqabado maalinle ah waxa laga yaabaa inaad lumiso xiisaha ayna disho awoodahaagii hal abuur iyo daahfurnimo taas oo ku galinaysa caajis iyo fadhiidnimo dad badan oo aan ku garanayn ayaa u qaadanaya inaad tahay qof habacsan oo waxba qaban karin.

4-Mararka qaar waad ka caga jiiddaa qabashada hawlaha

Waqtigan aynu joogno dadku waxay jecel yihiin inaad baxdo oo hawsho qabato laakiin kuuma ogolaanayaan inaad la wadaagto aragtidaada una tilmaaanto sida adiga kula haboon ee hawshan loo qaban karo, Waxa laga yaabaa in maskaxdaada ay ka buuxaan fikirado badan oo sugaya in la hawl galiyo, dadka badankiisuna ay diidaan inay dhagahoodu ku amaahiyaan si aad ula wadaagtid waxa maskaxdaada ka guuxaya, arrintani waxay kaa qaadaysaa furfurnaashihii aad shaqada u haysay maadaama aad dareensan tahay inay jirto boqolaal qaab oo ka sahlan, ka qurux badan, ka horumarsan, kana macaash badan laakiin ayna gacmaha sare kuu ogolayn inaad farta ugu fiiqdid.

5-Bulshada dhexdeeda waji gabax ayaad la kulantaa

Hadii arrimaha aan soo xusnay sida nacaybka hadalka yar, la daahidda jawaab celinta, ku caajisid shaqada maalinlaha ah ee aadan wax cusub arkayn iyo ka caga jiidka hawlaha aad mooddo inay mudan yihiin in laga gudbo oo fikiradaada cusub weel loo dhigto, hadaba ha la ashqaraarin marka ay dadku il xun kugu fiiriyaan iyaga oo ku salaynaya go’aankooda muuqaalkaaga sare laakiin gudahaaga waxa ka guuxaya aanan war u hayn, mararka qaar hadii ay kugu tilmaamaan qof habacsan oo aan hawl kar ahayn ha ka dhagaysan oo ha u ogolaan inay dareenkaaga gudaha bedelaan naftaadana kugu diraan.

6-Way kugu adag tahay inaad ku dhacdid jacayl

Ugu danbayntii baadi goobkaaga lamaane aad wadaagtaan mustaqbal dheer maaha mid ku jira maskaxdaada dhaw ama badanaa aad ku lumisid waqti sawirashadiisa, Maadaama aad tahay qof u fiirsada dadka iyo dhacdooyinka kana eega xaglo kala duwan waxaa caqabad kugu noqonaysa helitaanka qofka kugu habboon, waxaad akhridaa gabadh walba maskaxdeeda kadibna inta aydaan xodxodosho gaarin ayaad ka boodaaa, taas marka laga yimaadana waxaad jeceshahay inaad u madax banaanaato go’aanadaada shakhsiyeed waxaadna u aragtaa samaynta qof kugu weheliya noloshaada inuu hadidayo arrintii madax banaanidda ee muqaddaska ahayd.

Waxaad u janjeedhaa inaad dhagaha ka furaysato baahida dareenkaaga jidh ahaaneed ee raba meel uu ku nasto.

 

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Cilmi baadhis
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.