Aan hadalka kala qalo oo aan  hormarsado arartaydayda  inta aanan u daadagin dulucda hadalkayga.

Alifbeetada siyaasada ayaa ina baraysa in cilaaqaadka dowladuhu ku dhisan yahay   maslaxad iyo dano wadaag ka dhexeeya laba dhinac.

Sooyaalka taariikhduna waxa uu inoo sheegayaa inaan xoog iyo quwad lays amaahin.

Hadal isna aan ka soo dheegtay falaasifadii hore ayaa odhanaya

“adiga ayaa ah qofka qiimaynaya naftiisa  Hankaaga hoos ha u dhigin marka aad aragto haybada  dadka Kale, hadii uu halbeega wax lagu qiimeeyaa yahay kafad ama Miisaan, dhagaxaanta ayaa ugu qiima badan lahayd”
.

Hadaan intaa dulmaray aan u soo dego sadarada Sheekadayda oo aan u malaynayo in aad is weydiinaysaan Hordhacan waxaan uga jeedo.

Arinta soomaalidu waxa ay noqotay mid gole walba lagaga Haasaawo oo cid kasta  faraha la  gasho, taana waxaa ugu wacan filiqsanaata siyaasada iyo caatanimada laga Dhaxlay burburkii  oo  wadanka  ka dhigtay   mid u  nugul faragelinta siyaasada iyo ka milateri ee shisheeye.

Damac aan qarsoonayan ee shisheeyahu ku doonaya in uu uga faa’iidaysto habacsanaanta ayaa sii Laba-jibaarmay sanadahii la soo dhaafay.

Hurdadii soomaali la  seexshayna  weli kama aany  soo kicin. Balse nin alle leh looma dardaarwersho, ee aan ku soo halqabsado odhaahda abwaanka murtida iyo maansada looga hadhay  ee sangub Markii uu lahaa. “ diinkii waxaynu nahay hilbuhu dibad ka yaaleen,ee habar dugaagu u tashaday inay Daliigaan, hadana daa’yim amarkiisa-weyn saanta loo diray”.

Wadmo islaanimo inagu beerlaxowsanayay ayaa maanta u soo tafaxaytay dhaca , boobka, iyo waxyeelaynta umada soomaaliyeed. dhulkii, badii iyo khayraadkii  soomaali-lahayd ayaaba laysku haystaa ?

Waxaa iyaga ka sii daran kuwa la adeegsanayo ee midabka iyo muuqaalka soomaalida leh ee qadaadiic yar oo carabi u tuurtay dalkoodii dhaafsanaya ee marna shaadh qabiil  soo xidhanaya marna shaadh dowladeed,oo kaaga darane  baarlamaanka soo dhex fadhiya.

Hadaba haday arintu sidaa tahay inana yaynaan waxba xeerin oo  saaxiibtinimo iyo islaanimo mar danbe laynagu hodin .

Waxaase isweydiin  u baahan  sidee  ayay soomaaliya kaga dabaalan kartaa faregelinta qaawan ee kuwa guuldarada la jeceli wadaan ?. hadaan ka jawaabo malahayga dhowr qodob ayaa ugu muhiimsan.

  • Ta koowaad waa la imaanshaha  siyaasad taabagal ah oo mudnaanta  siisa danaha ummda soomaaliyeed.
  • Adkaynta  wadajirka iyo isku duubnaanta soomaalida si looga hortago damaca kuwa aynu soo sheegnay .
  • In badda iyo beriga soomaalida  laga ilaaliyo haawayda doonaysa in ay la wareegto .
  • Xoojinta cilaaqaadka wadamada soomaaliya waxtarka u leh sida  dowlada turkiga.
  • In umada la tuso badkana la soo dhigo kuwa shishiiye kalkaalka ah  ee marna shaadhka dowlada soo xidhanaya, marna shaadhka qabiilka ee carabta u  dilaalaya.
  • In dowladu ka faa’iidaysato shacbiyada balaadhan ee meel kasta looga soo baxay   iyo niyad wanaaga shacabku u muujiyay.
  • In dowladu la timaado istiraatiijiyad cad oo wax lagaga qabnayo dhinacyada amniga iyo dib u heshiisiinta dadka sokeeye ah ee  kal baaday.
  • In hogaanka dalku  sumad u noqdo ,hufaan, daacadnimo, iyo in  mudnaanta la siiyo  ka hormarinta wax kasta maslaxada dalka iyo dadka.
  • In  ay dowladu talada badsato oo ay nin jeclaysiga iyo hebel waa saaxiibkay iska dayso ,  qofkana  dadnimadiisa , daacdnimadiisa iyo aqoontiisa lgu xusho.

Intaa hadaan sadareeyay waxay ila tahay in soomaaliya rajo ka muuqato rajadaana in laga faa’iidaysto ay waajib tahay. Ilaahay waxaanu uga baryaynaa in soomaali quluubteeda isu keeno oo naxliga, xumaanta, qabyaalada  iyo colaada  ka saaro.

  • Macnaha midig iyo bidix qaamuuska siyaasada

    Waxaa loo adeegsadaa bidix iyo midig mark laga Hadalayo siyaasada waaa soo gaabin sharaxaa…
Soo daadi qormooyin la xiriira Siyaasad
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.