Hooyadan uurka lahayd ayaa ku umushay gudaha diyaaradda Emirates xilli ay xiimaysay hawada sare, Arrinta ayaa ahayd cinwaanka hore ee qaar badan oo kamida mareegaha wararka ee caalamka. Warkan ayaa waxa xaqiijiyay xafiiska guud ee shirkadda oo laga leeyahay UAE.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta shirkaddani gabadh ayaa ka tirsanayd rakaabka duulimaadka nambarkiisu ahaa  EK075 oo ka baxay Dubai maalinti shalay kuna wajahnaa magaalada Paris ee France.

Shirkadda ayaa sheegtay inay si nabad galyo ah ugu umushay hooyadani gudaha diyaaradda iyada oo caawimaad ka heshay shaqaalaha diyaaradda, sidoo kalana ay diyaaraddu samaysay dagitaan aana hore u qorshaysnayn arrintan darteed waddanka Cyprus.

Waan caawinay inta hawshani socotay, ilaalinta caafimaadkeeda iyo amaanka ayaa ahaa muhiimadda koowaad

– Emirates –

Arrintan aya keentay in Flight-ka ku hakado Lenarco International Airport muddo 5 aac ah kadibna markii ay shidaal ka qaateen ay mar labaad u jihaysatay dhinaca Paris.

Maaha markii u horraysa ee hooyo uur leh ku umusho gudaha diyaarad, sannadkii 2012 diyaarad ay ledahay isla shirkaddan Emirates oo ka kacday Dubai kuna wajahnayd Manila-Phillippines ayaa la dareemay culayska ilmo yar oo ku soo kordhay rakaabka diyaaradda.

Cyprus Airport ayaa boggooda twitterka ku daabacay muuqalkan hoose.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.