Curinta  fikrad dhaxal gal ah  oo waxtar leh  waxa  ay ka soo maaxtaa  qof leh  hal abuurnimo  iyo Hoodo gooni ah. Astaamaha caynkaas ah ee lagu ladhay aragtida  fayow  dadka qaar ayaa  loo hibeeyay waxayna adduunka ku soo kordhiyaan farsamo cusub oo aayatiin leh . Run ahaantii  marka aad eegto dadka awoodda iyo aqoontaa  noocaa ah la siiyayay  waa fara ku tiris.

Si kasta ay tahay   gabadh lagu magacaabo Melanie Perkins ayaa iyada oo da’yar hal abuurtay fikrad Ganacsi oo isu bedeshay mid xaqiiqo ah.

Sanadkii 2014 ayay aasaastay shirkadda Canva oo saldhigeedu yahay magaalada Sydney ee dalka Australia.

Aasaasaha Canva  Melanie Perkins

“Waan ogahay inaanu leenahay maalgashi lagu qiyaaso hal Bilyan,  laakiin waxaan jecelahay inaan idiin  sheego waxaanu Weli nahay shirkad soo koraysa waxaana nagala rabaa inaan Qabano howl badan si aanu u  kobocno”.

 

 

Waxa uu hamigu ku dhashay iyada  oo 19 jir ah oo dhigata jaamacada Western Austaralia, xiligaa oo ay aragtay baahi ay dadku  u qabeen helida Hab fudud oo ay ku nashqadeystaan waxyaabaha ay daabacayaan.

Xataa  maanay dhigan qaabka wax loo nashqadaeeyo markii ay jaamacad ku jirtay , laakiin shaqadan ayay jeclayd taa ayaan u suura gelisay in ay ujeedadeeda gaadho.

Fikradii Melanie halkaa ayay ka sii laba kaclaysay ilaa ay a ka mid noqotay  dumarka da’da yar ee leh shirkad ku fadhida macaash lagu qiyaasay   $1 bilyan oo doolar.

Shirkadda Canva oo nashqadaynta iyo graphics ku shaqaysa ayaa leh bog kuu suuragalinaya in aad Sameyso nashqado kala nooc ah si weliba farshxanimo ku dheehan tahay waxaana lagu sameeyaa Daqiiqad walba 10 nashqadood.

Agaasimihii hore ee Google Cameron adams ayaa shirkad la noqday gabadhan isaga oo ku Maalagaliyay bilowgii aduun dhan $3 milyan oo doolar.

“Inkasta oo waxyaabaha aasaasiga ah ee bogu yahay lacag la’aan hadana Waxoogaa kharash ah ayaa laga rabaa dadk isticmaalaya barnaamijyada Aadka u horumarsan ee caanva”.

Dad ka badan laba boqol oo qof ayaa Canva u shaqeeya waxaanay leeyihiin safar dibedda oo bilaash ah, iyada oo  loo ogol yahay in ay shaqeeyaan saacadaha ay rabaan iyo weliba gunno dheeri ah Marka ay  gutaan shaqada u danbaysa.

Canva waxaa laga adeegsadaa 190 dal waxaanay ku hamiyaysaa in ay kor u sii qaado shaqadeeda. Sida muuqata ujeedada shirkaddu waa in ay gaadho 3 Million sanad maaliyadeedka.

Qofka adeegsanaya waxa uu awoodaa in uu barnaamijka Canva ka dhex doorto sawirada uu rabo.

Hadaba Melanie dedaal ayay halkaa ku gaadhay, qofkasta oo dadaalaana hamigiisa wuu ka Gungaadhaa.soomaaliduna horay ayay ugu maahmaahday dadaalaa xaaji cabaas wuu gaadhaa.

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.