Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday dib u habayn weyn oo looga gol-leeyahay  adeegsiga barta Facebook in  uu noqodo mid taabo gal ahoo  macno leh.

Waraysi lala yeeshay Mulkiilaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in bogga wararka ee facebook uu  noqoday mid la ciirciiraya  xayaysiinta shirkadaha ganacsiga iyo warbaahita. Waxa uu yidhi “Waxaanu aaminsan yahay in ay taasi   baal marsan tahay ujeedada aasaasiga ah ee shirkada facebook oo ah kulminta qoysaska iyo saaxiibadda.

Taa badalkeeda waxa uu ku dhawaaqay in mudnaanta la Siinayo fariimaha asxaabta , iyo  qoysaska oo  ay ka soo Muuqdaan bogga kowaad .

Arintan ayaa imanaysa iyada oo Shirkadda Facebook ay la Kulmeyso dhaleecayn doorka ay ku leedahay xoojinta Dhibaatada ka dhalata arimha bulshda iyo weliba siyaasada, taa oo ay ka mid tahay faafinta warar  been abuur ah.

Isaga oo arintaa ka jawaabaya Mr Mark, waxa uu sheegay “in uu doonayo in loo adeegsado facebook  goob madadaalo iyo maaweelo”.

Dhinaca kalana John Hegeman, oo ah maamulaha Boga facebook ayaa intaa ku daray in isbedelka la Samaynayo uu yahay mid balaadhan oo la  xadhiidha  arimaha bulshada. Waxayna shirkadu ku tala Jirtaa  in hoos loo dhigo wakhtiga lagu qaato barteeda, taa bedelkeedna ay  noqonto arintu mid faa’iido Badan u leh qoka adeegsanaya iyo shirkada facebook lafteeda . Shirkada ayaa sheegtay in isbedelka Cusub la dhaqangelin doono totobaadada soo socda .

Virgin website, ayaa sheegay in ay shirkada facebook ay go’aansatay in ay laasho adeega kaalmada ee loo yaqaano”M” oo ah kalkaalye gaar oo dadka   caawiya  kaa oo ay  ka faa’iidaystaan  2000 oo Qof  gudaha gobolka kelefoorniya ee maraykanka degan. Adeegani waxa uu soo bandhigaa  talo-bixin Sida: habka lacagaha online looga bixiyo , hoteelada  lag cunteeyo , iyo sida fasaxyada looga Faa’iidaysto.

Hadaba dadka  ayaa si caadi ah ula qabsaday  barta fecebook  in ay ku jiraan wakhti badan taa oo laga-yaabo in ay ka dhalato saamayn  dhinaca Maskaxda dadka qaar la soo derista.

Xeeldheerayaasha arimaha bulshada ku takhasusay iyo dhakhaatiirta dhinaca caafimaadka labaduba waxa ay ka dayriyeen mudada dheer ee uu qofku hoos fadhiyayo shaashada facebook, waxayna ku talinyaan  in u jeedada loo isticmaalo bartani ay noqoto mid xadidan.

Waxaa xusid mudan in facebook oo la aasaasay 2004 , in ay tahay barta bulsho ee in kabadan 2 bilyan oo qof ay  adeegsadaan bil kasta , taas oo ah Wax ku dhadhow sadexmeelood meel dadka aduunka ku nool.

Xigasho:  mirror

 

Soo daadi qormooyin la xiriira Aqoon
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.