Xawaaraha ay tiknoolajiyaddu ku socoto maalinba maalinta ka danbaysa ayay sii xoogaysanysaa, lamana saadaalin karo waxa mustaqbalku soo wado. waxaa hubaal ah in tiknoolajiyadu ay habnolodeedka bulshooyinka wax weyn ka badashey.

Dhawaana  dalka shiinaha waxaa laga furay dukaan isagu is iibinaya oo aan shaqaale u baahnayn, lagana yaabe inaad dukaanka noocaa ah maalin xaajadu kuu geyso oo aad wax ka iibsato.

Arday magaciisa la yidhaahdo Wei Li, oo dhigta Hefei University, ayaa markii ugu horeysay arkay gaadhi u eg bas , laakiin ah dukaan wareega oo isagu is gadaya. alabaabka dukaanku waxa uu u shaqeeyaa hab electronic ah.

Mr Wei Li,  ayaa taabtay bottonka laga furo dukaanka isaga oo mobilkiisa adeegsanaya, markii uu galay waxaa soo dhaweeyay  robot leh waji lagu sameeyay tiknoolajiyada 3D  oo marba dhinaca u soconya laakiin aan bixinayn wax sanqadh ah .

Wei Li, aad ayuu ula ashqaraaray markii uu galay dukaanka waxaana soo jiitay waxyaaba yaala dukaanka. arinta kale ee uu la dhaygagay waxay ahayd  sida dhibta yare ee  uu uga dukaamaystay meherad  aan cid bili-aadan ah iibinayn.

Dukaankan waxaa lagu magacaabaa Moby Store,  waxaan  furtay shirkadda  Wheelys oo xarunteedu tahay Stockholm. Suuqan oo lagu bilaabay kafeega ayaa waxaa la wareega gaadhi waxaana loo adeegsadaa tiknoolajiyad casri ah .

shirkadda ayaa u dooratay dalka shiinaha in ay dukaan noocan ah ka furto  laba sababood: ta hore ayaa ah dadka ku nool dhulweynaha shiinaha oo ay  aad tiradoodu u sii kordhayso. Arrinta labaadna waa iyada oo dadka telefoonadooda wax ku gata ee wadanka shiinuhu ay iyana sare u kacayso.

Hadaba iyada oo laga taxdarayo dhinaca amniga ayaa waxaa arintaa iska kaashaday shirkada Wheelys iyo jaamacada Hefei,  si loo hormariyo nidaam ku shaqeeya dareenka taa oo lagu ogaanayo habka dukaanka wax looga iibsanayo.

Sidaa darteed qofka macmiilka ah waxaa laga rabaa in uu soo gudbisto Arji si uu u helo account u gaar ah.

marka uu qofku qaado alaabada dul-taala marfashka dukaanka, waxa markiiba tiknoolajiyada loo adeegsaday dukaanka ay soo gudbinaysaa xogta iyo macluumaadka qofka wax iibsanaya, isla marka uu qofka lacata bixiyana waxaa si otomaatik ah isu tirtiraya macluumaadkii qofka.

Habkan casriga ah waxa uu kuu suura-gelinyaa inaad soo dejisato Application u gaar ah  shirkada Wheelys, si ay kuugu fududaato inaad wax ka iibsato dukaanka.

Shirkadu waxa ay rajaynaysaa in ay ku soo kordhiso adeegeeda tiknoolajiyad cusub oo u fududaynaya macaamiisheeda in ay wax ku gataan.

waxaa kale ay rajaynaysaa dhaqangelinta hab lagu aruurinyo xogta macaamiisheeda iyo sida ay u dhaqmayaan marka ay dukaanka wax ka iibsanyaan  waxaana la taxliilin doonaa xogtaa si ay mulkiilayaasha dukaanku u ogaadaan waxyaabaha loo baahan yahay iyo weliba noocayada  badeecadaha loogu iibsiga badan yahay.

Xigasho: Technology Review

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.