Wax walba waad haysataan, ma garanayo wax idinka maqan, dad yar baa tihiin oo khayraad ciiddaa ka badan ayaad leedihiin, isku af baad tihiin, isku dhaqan baad tihiin, isku diin iyo isku dal baad tihiin, wax walba waad haysataan ee maxaa idinka maqan?.

Aniga ayaa garanaya, waxaa inaga maqan inaan ilaahay unoqonaa oo aan ilaahay barinaa, una tawbad celinaa danbiga iyo waxa uusan raalliga ka ahayn ee aynu dhex mushaaxaynana ka dhex baxnaa.

Waa inaan aqbalnaa in adduunyadu inala yaabantahay, inakana aan is dhibaataynayno oo meel walba Qarax iyo xabad isula taaganahay.
Waa inaan ilaahay ugu shukrinaa nimcada uu ilaahay ina siiyey, inakoo soomaali ah oo aynaan ka abaal ka dhicin.

Waxaan idinka codsan lahaa iyada oo maanta aynu joogno meel Allah loogu mahad-naqo, oo dawladnimadu isasoo tarayso inaynu ku ballanno in aan dawladnimadeena ka wada shaqayno.

Waa inaan aqbalnaa inaan isla xisaabtami karno oo dadka soomaaliyeed ee dalkan ku nool ay dalkan wada leeyihiin oo aan la kala xigin.

Waa inaan aqbalno sida kaliya ee aan horumar ku gaadhi karno inay tahay inaan Qabyaaladda ka baxno oo oo meel iska dhigno.

Adduunyadu waxay ka fikkiraysaa Tobanka iyo Boqolka sano ee soo socda horumarkooda halka uu gaarayo, inakana waxaan ka fikiiraynaa saacadda soo socota ma Qarax ayaa dhici dona, ma lagu dili doonaa , mase soo nabad noqon doontaa gurigaaga maanta markaad suuqa uga baxdo.

Waa in aan wakhtigii isaga ahaa ku baddilnaa wakhti qarannimo, waa in aan oggolaanaa in aan dalkeena ushaqayno oo aan cadawga ka difaacno.

Waa in aan isu dulqaadanaa sanadkan, kan ku xiga iyo kan kusii xigaba, waa in aan yeelanaa dulqaad.

Dawladnimadu maahan bil, sanad, laba iyo saddex toona, dadkeenaan waawayn oo farriintaydaan akhrisanaya, waxaan rabaa inaad ogaataan inaad waddankan idinku leedihiin.

Dhallinyarada soomaaliyeed ee tirada badan oo halkan igala socda ee shaqo la’aanta ah, iyaga oo shaqo la’aan ah ayaysan haddana helin dalkii ay xaqqa ulahaayeen.

Waa in dib looga fikkiraa mustaqbalka dhallinyaradan ee cidwalba iska indho-tirtay, waa in madaxda Soomaaliyeed ee meel walba la taagan “Dhallinyaradu waa madaxda Berrito” ay joojiyaan oraahaha xun-xun ee aan maangalka ahayn ee dhallinyarada lagu niyad jebinaayo.

Dib waa inaan ufikirnaa, oo aan uga fikirnaa sidii dhallinyaradaan yaryar shaqo loogu abuuri lahaa.

70% bulshada Soomaaliyeed waa dhallinyaro, waxaan aaminsanahay in wax ka yar boqolkiiba toban ay shaqeeyaan.

Waa in aan iswaydiinaa wax ka iman kara shaqo-la’aanta dhallinyarada ee heerkaas gaarsiisan iyo dhibaatada ay dalkeena ku keeni karto.

Waxaan hubnaa haddii shaqo loo abuuri waayo inay iyagu dhib ku noqonayaan bulshada, fursadda ugu wayn ee aan waddankeena haysanaa waa dhallinyarada, waad dareemi kartaan Ayaan filayaa haddii aan dayacno fursaddaas, khatarta ugu wayn ee aan leenahayna waa iyaga haddii shaqo loo abuuri wayno.

Haddii aanay dareemin inay dalkan wax ku leeyihiin, waxaad ka garan kartaan sida looga faa’iidaystay dhallinyaradeenii shaqo la’aanta ahaa oo ay naftooda ugu halligayaan meel walba oo ay dantu ku khasabto.

Waad la socotaan inaan joogno heer aan ilmihii uusan waalidkii ku nabad gelinayn waalidnimo isaga oo aaminsan caqiido si khaldan looga dhaadhiciyey, waxaasoo dhan waxaa sabab u ah dayaca intaas le’eg ee shaqo la’aanta dhallinyaradeena haysta.

Waa inaan ka fikirnaa sidii dhaqaalaha waddankan loo kobcin lahaa, dadkoo dhamina usimanyihiin oo qaar yar oo inaka naga mida aysan ku koobnayn dhaqaalihii waddanku.
Qof kastaa waa inuu ganacsi abuurto oo uu yeesho awood uu ku ganacsan karo waddankana ugu faa’iidayn karo, Waa in uusan qofna dawladda ka biqinin oo uusan ka walwalin in xukuumaddu laaluush ka qaadi doonto, waa in inagoo isla wada jirna aan musuq-maasuqa meel ugasoo wada jeesanaa.

Waa in aan nabad-gelyada wax ka qabanaa, halkan aad hadda fadhido ama taagantahay ayaad ka walwalaysaa in qarax dhaco oo dad uun ehelkaaga ahi wax ku noqonayaan, waaba haddii aad adigu ka badbaadide.

Qof walba oo idinka idinka mid ah, qofna ma jecla in ehelkiisa iyo ciddiisa toona ay dhibaato soo gaarto, sidaasi darted waxaan jeclaan lahayn in aad ilaahay usoo noqotaan oo aad ka tawbad keentaan dadkii masaakiinta ahaa ee macno-darrada aad ugu layseen meelo kala duwan, waa kuwiinan hanuunka ubaahan Allah haidin hanuunshee.

Waxaa caado noo noqotay in Qarax inta meel ka dhaco laga wada yaaco, in qof meel lagu dilo oo lawada fiirsado, in qof hantidiisa la dhaco oo aan iska aamusno, in caddaalad darro jirto oo aan wada aqbalno in caddaalad darro aan ku jirno.

Haddii kuwo idinka idin ka mid ahi ay aaminsanyihiin Dawladnimada waxay ku iman kartaa Madaxweyne, Raysul-wasaare, Guddoomiye Baalamaan iyo iwm waad khaldantihiin, maxay tahay sababta aan dhawr qof oo kaliya aan uga sugayno inay dawlad dhisaan oo aan inana ku fiirsanno.

Walaaleyaal aan idiin sheegee taas waxaa la dhahaa madaxnimo ee maahan dawladnimo, dawladnimadu waan in laisla xisaabtamo, waa in qof walba uistaago dawladnimada, waa in qof walba gaarkiisa udhiso dawladnimada, waa in anagoo wada jirna aan la dagaalnaa cadawgeena, haddii kale alkaas Ayaan taagnaanaynaa waligeen.

Haddii aan dhaqaalaha waddankan la kobcin shaqo lama abuuri karo, dhaqaalena ma kobcayo inta shakhsi kasta oo xukuumadda katirsan uu leeyahay ugu yaraan saddex Akoon, Labo Baasa-Boor, waa in dadku hal meel ka wada bilaabaan dawladnimo la wada leeyahay oo dhaqaalaha waddanka ay wasiirka iyo ardaygu usimanyihiina la wada bilaabaa.

Shaqo lama abuuri karo haddii aan amniga wax laga qaban, Aminiga lama sugi karo haddii aan shacabku is-garab taagin dawladda oo aan la shaqayn.

Soomaaliyeey waxaan soo moodnay 30 sanadood oo dalkeena ka khasaartay, waxaa na hortaagan fursaddii ugu waynayd oo nasoo martay marka sanado badan lagasoo tiriyo maanta.

Waa fursaddan aan isleenahay waxay iskusoo dhawaysay dawladdii iyo shacabkii oo aan ujeedno ingacmaha lais qabsaday, waa fursaddan himilada iyo ididiilada ku abuuraysa Abwaanada iyo murti meerka Soomaaliyeed ee hore uga quustay waddankan, waa fursaddan soo kicisay dumarka iyo raga Soomaaliyeed, waa fursaddan dadkii Soomaaliyeed ee dibadda nooga maqnaa ay yiraahdeen dibadda waa isagasoo tagaynaa oo dalkeena Ayaan kusoo noqonaynaa, waa fursaddan dhallinyaradii hore uga niyad jabtay dalkeenan ay maanta diyaar garow ugu jiraan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen dib-udhiska ciidamada Qalabka sida, ufaa’iidaynta dalkooda hooyo oo aanay awal ku qanacsanayn iwm.

Waxaan rabaa hadda oo aad farriintan fiirsanayso inaan is ogaysiino cidda la rabo inay uga faa’iidayso umadda soomaaliyeed, maahan cid kale waa inaga oo idil, cidna ha ka reebin, Keena madaxda ah iyo keena shacabka ahba yar iyo wayn.

Waxaan aaminsanahay in qof kasta uu yahay madax, dhammaanteen waxaan anahay madaxdii qaranka Soomaaliyeed.

Haddii aad Haween tahay oo aad farriintan akhrisanayso waxaad tahay madaxdii Dumarka Soomaaliyeed, Haddii aad tahay dhallinyaro oo aad farriintan akhrinayso waxaad tahay madaxdii dhallinayarada Soomaaliyeed, haddii aad tahay Oday ama Islaan waxaad tahay madaxdii Qaranka Soomaaliyeed, Madaxdii aqoonyahanada Soomaaliyeed, dhallinayaro tiro badan oo Soomaaliyeed oo wax soo baratay, dad badan oo qaybaha bulshada ka mid ah oo waddanka ku nool ama dibadda jirta dhammaantiin waxaad tihiin madaxdii Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxnimadu maahan inaad wasiir tahay, raysul wasaare tahay ama Xildhibaan tahay, ee waxay tahay hadba meeshii aad bulshada uga jirto iyo inta aad ku leedhay bulshadada waxtar.

Haddii aad dhallinyaro tahay oo aadmagaalada jidadkeeda nadiifinaysid waxaa tahay madax, Haddaad dumarka ka mid tahay waxaad tahay madax, Qof kasta oo bulshada ka mid ah oo halkan fiirsanaya waxna kala garanaya waa Madax.
Maadaama aad idinku tihiin madaxdii Qarankan Soomaaliyeed, waxaa la rabaa inaad ogaataan waajibka idin saran oo aad la xisaabtan taan Madaxwaynaha, Raysul-wasaaraha iyo Baarlimaanka.

Haddii aydaan idinku usoo istaagin malahan cid kale oo shacabkiina usoo istaagaysa.

Haddii aad aqbashaan in maalin kasta qarax dhaco oo tacsi uun aan ku kaaftoono, oo madaxdeenii aysan tallaabo tacsida dhaafsiisan qaadin, haddii aan ogolaano in maalin kasta qof la dilo oo meel loo raaco la garan waayo, loogana haro oo kaliya Al-shabaab ayaa dishay, Haddii maalin kasta waddo xirantahay oo caasimaddii umadda Soomaaliyeed sidaas kusii jirto, ma sidaasaan rabnaa Soomaaliyeey inaan ahaano?…
Haddii aydaan rabin inaan sidaan ahaano, waa inaan samaynaa sidaan si ka duwan.
Haddii aad Professor jaamacad wax ka dhiga tahay, waxaa ku saran waajib ah inaad dalkaaga u adeegto, waxaa la rabaa inaad aqoontaada ugu hiiliso waddankaaga oo aad dadka jahligu biyo-dhugay wax ugu sheegto oo ku hanuuniso dawladnimada iyo waxa ay tahay.

Haddii aad mediaha ka tirsanatahay waxaa ku saaran waajib, waxaa lagaa rabaa inaad ilaahay ka baqdid oo aad dadkaaga usheegtid waxa xaqqa ah oo aan beenta ahayn.

Haddii aad tahay qayb kale oo bulshada ka mid ah ama aad Culimo tahay, waxaa la rabaa inaad bulshada usheegto sida cadawga Soomaaliyeedi dalkeena ubaabi’inayaan, diinteenana ugu been abuuranayaan.
Haddaa tihiin haweenka Soomaaliyeed ee Hormuudka u ahaa Umadda Soomaaliyeed, waa inaad mar labaad usoo istaagtaan Qaranimada Soomaaliyeed.

Sidaa daraadeed inagoo isku wada dhan oo ah umaddii Soomaaliyeed oo gacmaha is wada haysanna, inaan wax isu oggolaano marka hore, inaan isu dulqaadano, inaan madaxdeena ixtiraamno, inaan iscafino haddii aa dambi hore ukala galnay oo aan wax kala tabanaynay, inaan aqbalno in dawladnimadu aysan ku imaanayn sahal iyo dheeldheel, in jiilka naga dambeeya ay xaq nagu leeyihiin oo haddii aan xaqqaas kasoo bixi wayno aysan ilmaha aan awoowaha iyo ayeeyada unahay heli doonin dal ay ku noolaadaan, inaan ka wada shaqayno Qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, inaan dhammays tirno sharciyada noo dhiman, si dadka kala duwan ee baahiyaha khaaska ah qaba ay xuqquuqdooda u helaan.
Waxaa la rabaa in guryihii iyo jidadkii aan gacmeheena ku duminay inaan mar labaad ku dhisno, inaan samayno iskaa wax u qabso, inaan waddankeena u istaagno oo qof walba waxa uu ku bixin karo uu ku bixiyo.

Waxaa la rabaa inaan gacanta ku qabano shakhsiyaad danleyda ah ee raba inay iftiinka inoo baxay ee dawladnimada ah u dumiyaan danohooda gaarka ah, iyagoo kusoo gabanaya arrimo xukuumadda dhexdeeda ah.
Waa nagu dembi haddii kuwaasi ilaa maanta ay Baarlamaanka noosii dhex fadhiyaan oo wali dad Soomaalyeed kicinayaan, iayagoo uisticmaalaya wajii Qabyaaladeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan garanayno halkii uu baddeena ku faasaxay iyo qiimihiin liitay ee uu qarankan baday ayaa maanta raba inuu haddana dumiyo dugsiga dawladnimada ee Farmaajo iyo khayre dadkan u horseedeen.

Ma Mahad salad, oo aan garanayno inuu ahaa uadeegihii cadowga ummadda Soomaaliyeed ee maalinba meel kusoo raaxaysan jirey iyagoo shacabka Soomaaliyeed lagu xasuuqaayo jidadka Muqdisho, Ayaan maanta ka dhagaysanaa, Qalbi-dhagax baan u hiilinayaa oo Somaalinimo ugu Hiilinayaa, wallee Waa Abadan.

Axmed Fiqi iyo dhawrka miskiin ee kale ee lagu adeeganayo ee wax ma garatada ah Ayaan dhegaysan karnaa, waar dalkani madax buu helay oo wakhtigiinii wuu dhamaaday ee iska nasta.

Shan wiil oo isku Qoys ah oo caadifadda Qabiilku kulmisay Qaranka waxba kama qaadi karaan, awalba shufto dadka Kantaroollada ku baarata ayay ahaayeen.

Haddii aad fiirsato khalad waddanka dhexdiisa ka dhacaya oo aad ka aamusto, waxaad ogaataa inay dembi kugu tahay, haddii aad ogatahay meel Shabaab looga hortagi karo oo aadan sheegin, waxaad ogaataa inay dembi kugu tahay.
Haddii aad leedahay aqoon aad dalkan ku hagi karto oo aad la aamusto, waxaad ogaataa inay dembi kugu tahay.

Madaxdeena waxaan ka codsanaynaa kulamada tirada badan ee ay yeelanaayaan inay shaqo ku baddalaan oo dalkan loo adeego, si anaka oo shacabkiinii ahna aan idiinku dayanno.

Waxaan Ilaahay ka baryaynaa inaan noqonno kuwii Qarranimada waddankooda ka hormariya Danaha Qabiilka, Inaan noqono kuwii dalkooda uistaaga oo dalkooda dhista.

Waa ilaahay mahaddii waxaan haysanaa fursad aan dadkeena iyo dalkeenaba dhibka uga saarno, waxaan haysanaa Xukuumad iyo Madxweyne diyaar u ah inay inala shaqeeyaan oo inoo shaqeeyaan, waxaan rajaynayaa inan qaadan doono qaybta waajibka nagu ah oo aan dalkeena dhibtan uga saari lahayn.

Mahadsanid Akhriste.

Waxaan Umahadcelinayaa Raysul-wasaarahayga Xasan Cali Khayre oo hadallo uu leeyahay ay igu kiciyeen xamaasadda inaan qoro Qormadan.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.