Shuban Biyood (Cholera)

Cudurkan (Cholera) waa mid halis badan oo keena Matag iyo shuban-biyood ba’an, taas oo qofka uu haleelo ama uu ku dhaco keenta inuu fuuq-baxo hor iyo gadaal, xataa dhimasho sababi karta haddii aan la daweyn.

Waxaa  sababa in la cuno ama la cabo biyo ku wasaqeysan Bakteeriyada ama jeermiska il ma aragtayda ah ee loo yaqaano Vibrio cholera, Xanuunkan ayaa weli halis badan ku haya caalamka gaar ahaan bulshada nadaafadoodu hoosayso, meelaha dadku ku badan yihiin iyo meelaha dagaalada, abaaraha iyo macaluushu ka jiraan.

Cilmi Baadhis ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) ayaa ku qiyaastay in sannad kasta ay jiraan 1.3 ilaa 4.0 Milyan xaaladood oo Cudurka shuban-biyoodka ah, iyadoo sannad walba  21,000 ilaa 143,000 xaalad dhimasho sababo xanuunkani adduunka oo dhan. Sidaan ka soo xiganay Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

 

Maxaa sababa shuban biyoodka?

Bakteeriyada Vibrio cholerae aynu kor ku soo xusnay ayaa keenta shuban biyoodka, waxayna soo raacdaa cuntada iyo biyaha ku wasakhaysan Jeermiskan, kuwaas oo ka yimaada saxarada ama mataga qofka xanuunka qaba.

Meelaha ugu badan ee laga qaadi karo waxa kamida:

  • Meelaha bulshadu biyaha ka helaan sida (Barkadaha, Ceelasha, Baliyada, Togaga IWM)
  • Biyaha fadhiista wadooyinka wakhtiyada Roobabka.
  • Cuntooyinka jidadka lagu iibiyo amaba cunto kasta oo aan si fiican loo ilaalin.
  • Khudrada ka baxda meelaha bulaacadaha  ama lagu waraabiyo biyaha suuliyada.

Waxaa wax lala yaabo ah in Isla marka uu qofku cuno cuntada ama uu cabo cabitaanka ku wasakhaysan bakteerayda Vibrio cholerae in isla markiiba ay ku sii dayso midhicirada sun (toxin) loo yaqaan (CTX) taasi oo keenta shuban halis badan.

Calaamadaha Shuban Biyoodka:

Waxa uu qaataa inta u dhaxaysa 12 saacadood iyo 5 maalmood, si ay uga soo muuqdaan qofka calaamadaha xanuunkan, kadib marka uu liqo cunto ama cabo biyo ku wasakhaysan bakteeriyada Vibrio cholerae. Xanuunkani waxuu saamayn karaa carruurta iyo dadka waaweyn wuuna dili karaa qofka saacado gudahood haddii aan laga daaweyn.

waxaa dhacda in dad badan oo qaba ama sida bakteeriyada Vibrio cholerae ayna isku arag wax calaamado ah, inkasta oo ay bakteeriyadu ku jiri karto saxarada mudo 1-10 maalmood ah kadib markii uu haleelay cudurkani qofka, taasi oo ka qayb qaadata inuu xanuunkii dad kale ku sii faafo.

Dadka calaamadaha xanuunkani ka muuqdaan intooda badan waxay leeyihiin calaamado khafiif ah ama dhexdhexaad ah, halka tiro yar na ay yeeshaan fuuq bax aad u daran oo keeni kara dhimasho haddii aan la daweyn.

Calaamadaha cudurkan waxa ka mid ah:

  • Wadne garaac badan.
  • maqaarka jidhka oo awoodi waaya inuu isku noqdo marka la kala jiido.
  • xuub dheecaanka jidhka oo qallala sida: kuwa gudaha afka, cunaha, iyo sanka.
  • Shaqada wareega dhiiga oo hoos u dhac weyn ku yimaado.
  • Haraad ama Oon.
  • Muruqyo xanuun
  • Shuban lama filaan.
  • Lalabo
  • Matag
  • Fuuq-bax fudud ilaa mid daran.
  • Kaadida oo yaraata fuuq baxa awgiis.
  • Miisaanka oo hoos u dhaca
  • Tamar daro amaba daciifnimo
  • Indhaha oo god gala

Sidee looga Hortagtagi karo Cudurka Shuban Biyoodka?

Habka looga hortagi karo faafitaanka cudurkan waa iyada oo la joojiyo qaababka uu ku gudbo.

  • Gacmaha oo lagu dhaqo saabuun, dambas ama dareere koloriin ah.
  • Waa in gacmaha la maydhaa ka dib isticmaalka suuliga/musqusha.
  • Ka hor inta aan cuntada la cunin.
  • Keliya in la cabbo biyo nadiif ah. Waxa biyaha lagu nadiifin karaa iyada
    oo La karkariyo, Dareeraha Koloriin lagu daro.
  • in si fiican cuntada loo kariyo.
  • Maacuunta(Weelka) jikada oo lagu dhaqo (Maydho) saabuun, dareere koloriin ah ama biyo kulul.
  • Mar walba waa in jikada iyo hareeraheeduba ahaadaan kuwo nadiif ah.
  • Saxarada iyo mantaggaba waa in lagu aaso meel ku habboon oo ka fog goobaha biyaha leh.
  • Isticmaal suuli/musqul haddii la heli karo. Ha ku dhex saxaroon biyaha.

Daaweynta Shuban biyoodka

Shuban biyoodku waxa u baahan yahay daaweyn deg-deg ah, maxaa yeelay, waxuu sababi karaa dhimasho saacado gudahood.

Tallaabooyinka ugu waaweyn ee lagu daaweyn karo cudurkan waxaa ka mid ah:

  1. Fuuq celinta (ORS),

In la daweeyo lagana hortago fuuqbaxa si bukaanka loo badbaadiyo, Taas oo ah in sida ugu habboon ee saxda ah bukaanka loogu sameeyo fuuqcelis si jidhkiisa loogu soo celiyo biyihii iyo macdantii ka baxday, waxaana si fudud loogu daaweyn karaa in bukaanka loo sameeyo fuuqcelis iyadoo la isticmaalayo ORS (Cusbada fuuq celinta afka laga qaato).

*Waa muhiim in lagu jaangooyo ORSta qofka buka da’diisa iyo xaaladdiisa caafimaad, lana siiyo qiyaas ku habboon.

  1. Meelaha aan lahayn goobaha iyo xarumaha caafimaadka sida miyiga ama baadiyaha waxa lagu isticmaali karaa cabbidda biyo ku celinta (fuuqcelis) ay dadku samaysan karaan, Waxay ka samaysan karaan iyaga oo isku daraya biyo la kariyey, sonkor ama malab, milix ama cusbo
  2. Noole Dilayaasha (Antibiotics),

In haddii loo baahdo ama ay noqoto lagama maarmaan la daweeyo cudurka laftiisa iyadoo la isticmaalayo noole dilayaasha (antibiotics) si loo dabar gooyo, si aynan bakteeriyadu ku korin, kuna tarmin mindhicirka, oo aan cudurku u sii fidin.
Inta badan, noole dilayaasha looma baahna in loo isticmaalo daaweeyn ahaan waxana ka haboon in lagu dedaalo sidii qofka bukaanka ah biyihii ka baxay si deg deg loogu soo celin lahaa.

*Isticmaalka noole dilayaashu (Antibiotics) haddaan loo baahnayn waxay dhiirigelisaa kakanaanta (Adkaysi) bakteeriyada.

Tixraac (Reference):

  • http://www.webmd.com/a-to-z-guides/cholera-faq#1
  • http://www.mayoclinic.org/diseases-conditions/cholera/home/ovc-20311183
  • http://www.who.int/mediacentre/factsheets/fs107/en/
  • https://www.humanitarianresponse.info/system/files/documents/files/120708%20What%20is%20AWD%20Cholera_SOM.pdf

 

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Caafimaadka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.