Caqliga caafimaadka qaba waxa uu ku jiraa jidhka caafimaadka qaba,   tani  maaha odhaah qudha Laakiin waa natiijo la gaadhay daraasad iyo baadhitaan dheer ka dib taa oo lagu ogaaday xidhiidhka Ka dhaxeeya labada dhinac iyo sida ay isula falgalaan.

Daraasadahaa ayaa  lagu ogaaday faaii’dada mugga leh ee  jimicsiga u leeyahay jidhka bini’aadamka.

Laakiin waxaa xiiso leh in jimicsiga  joogtada ah ee  dadka waaweyn ay difaac u noqon karto jidhka iyada oo ka hor tagi Karta caabuqa sida ay sheegeen seeynisyahano.

Daraasad ay ku sameeyeen 125 qof  oo gaadhay da’da 80 jirka  Kuna  ordi jiray baaskiilada ayaa  lagu ogaaday  in Habka difaaca jidhkoodu la mid yahay qofka da’da 20 jirka ah .

Prof Janet Lord oo daraasadda qeyb ka diyaarisay ayaa tiri “Habka difaaca jidhka waxa uu hoos u Dhacaa boqolkiiba 2 illaa 3% sanad kasta laga bilaabo marka da’da qofku gaadho 20 sano  waana Sababta dadku ugu nugul yahiin caabuqa iyo shuushka” .

waxaa kale oo lagu ogaaday dadka cilmi baadhista lagu sameeyay inaanay lumin murqyadooda iyo Habdhiska jidhkooda iyo weliba in aan laga dareemin wax naaxid ama cayil ah . Naaxidda ama cayilka ayaa ah calaamad bilowga halis caafimaad oo qofka  soo wajahda.

Sidee ayay hadaba isu saameeyaan caqliga iyo jidhku marka caafimaadka laga hadlayo? . waxaa la odhan karaa waxaa ka dhaxeeya wadashaqayn weyn oo midaba midka kale ayuu saamaeeyaa .

Tusaale ahaan sida lagu ogaaday daraasadaha  dadka qaba xanuunada dhinaca jidhka waxaa soo Food saara khatar in uu ku dhaco xanuun dhinaca maskaxda ah si ka badan marka loo eego dadka Jidh ahaan caafimaad qaba. Hadaba waa laba mataano ah si loo hagaajiyo caafimaadka guud waa in La raacaa talabixinta dhakhaatiirta caafimaadka.

Talo-bixinta ayaa aalaaba dhakhaatiirtu sheegaan  in ay laga maarmaan  tahay si loo hagaajiyo Caafimaadka guud in la wanaajiyo marka hore  habnololeedka qofka,   waxayna ku talinyaa in la Sameeyo jimicsi joogto ah  , cunto isu dheeli tiran oo wax tar u leh jidhka ,   hurado ku filan qofka iyo Weliba ka fogaanshaha  balwadaha sida dhuuqida sigaarka .

Waxaas oo dhan waxa ay ka qaybqaataan wanaajinta caafimaadka guud  iyo in laga hortago Xanuunada taa ayaana qayb ka qaadan karta caafimaadka guud ee bulshada.

Xigasho: Scientific  Magazines

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Caafimaadka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.