Waxa uu aha safar aan in muda ah  maskada ku hayay bal inaan  mar uun socdaal ku gaalaa-bixiyo Asiada bari.

waxa aan shandadahayga xidhxidhay maalin arbaca ah bishuna tahay 09  MAY 2018.

1: 00 duhurnimo ayaan galay Airpork balse  diyaaradii aan raaci lahaa oo tirsigeedu ahaa SV 1039  ayaa wakhtigeedii dib uga dhacday; maalintaa  waxaa la Kansalay jadwalka diyaarado badan sababta oo ah waxaa Cirka hadheeyay dhas ama siigo xoog badan oo aragu Himbiriirsi yahay.

Hadaba goor aan dareemay waxoogaa caajis ah ayuu codbaahiyaha  madaarku nagu wergeliyay inaanu diyaarada korno.

Dhabaha ay diyaaradahu ka haadaan waxaa sanka isku hayay diyaarada badan ,  mudo dabadeed ayay diyaaradii  aanu la soconay isku liishaantay hawada sare.

Sideed saacadood ka dib waxaanu  caga dhiganay  Kuala Lumpur International Airport. Tirminalada Airporka waxa lagu kala socdaa Tareen waxaan halkaa ka fahmay in uu yahay madaar aad u weyn .

Waxaa markiiba igu soo dhacay warbixin aan dhawaan akhriyay taa oo ka hadlaysay cilmibaadhis Lasameeyay oo lagu ogaaday marinka ugu saxmada badan aduunka in uu yahay ka isku xidha Kuala lumpur, iyo Singapore, diyaaradahuna ay   u kala safreen in ka badan sodon kun oo jeer mudadii u Dhaxaysay sanadkii hore iyo  ilaa bishii February ee sanadkan  sida laga soo xigtay OAG Aviation oo ah waaxda diiwaangalisa duulimaadada   diyaaradaha.

Markii aan dhaafay Waaxda socdaalka  ee aan gaadhay meeesha dadka lagu  sugo waxaa la ii sheegay in gabadh  soomaali ah  ay saraakiisha socdaalku u diideen in ay wadanka gasho. hadaba Waa bixise  saacado badan oo  waraysi iyo baadhitaan  lagu hayay  dib  ayaa loo  celyay.

Waxa aan wadanka galay subax lagu kala baxay doorashada oo uu marlabaad  xukunka ku soo noqday 92 jirka Mahatir,  oo isagu  ahaa bud-dhigaha  horumarka ay Malaysia ku talaabsatay; markaa ayaan soo xasuustay maahmaahdii soomaalida ee odhan jirtay  Rugcdaagii soo Rogaal celi.

Posted by Mohammed Ali Bihi on Sunday, June 3, 2018

Hadaba inta aanan idiin gelin meelihii aan booqday aan marka hore  waxoogaa idinku jarbeebiyo Waxna ka taataabto  arimaha bulshda, siyaasada iyo dhaqaalaha wadanka.

Bulshada ku nool wadanka

Malaysi waa wadan muslim ah inkasta oo ay ku nool-yahiin dadyow diimo kale aaminsan.

Waxaa degan dad kala jaad ah oo kala qoomiyada ah waxaana ugu badan qoomiyda malaay oo ah muslim dhulkana asal u leh waana qoomiyada xukunka haysa tira ahaan  waa 50.1%.

Waxaa ku xiga dadka ka soo jeed shiinaha   oo lagu qiyaasay 22.6%  celcelis ahaan.

Dadka ka soo jeeda hinida  iyana waxaa lagu qiyasaa 6.7%. waxaa kale oo jira qowmiyado yaryar.

inkasta ay yahiin dad kala duwan hadana waxa ay ku  guulaysteen in ay si nabad ah kuwada Noolaadaan.

Marka aad eegto dhinaca dadka iyo habdhaqankooda  waa dad qunyar-socod ah oo aan lahayn adyad ama afxumo, hadal yar  kala danbeeya oo is maqla  ixtiraamka iyo qadarinta loogu roonaaday.

Daqaalaha wadanka

waa wadan dhaqaalahiisu soo kobcayo sanadkii 2017 cecelis ahaan ayuu kor u kacay 5.8   sida laga Soo xigtay IMF.

Wadanku waxa uu u  jihaystay wax soo saar ku dhisan dhinaca  tiknoolajiyada, xataa waxa ay samaystaan gawaadhida inta badan wadanka laga wato waxayna dhoofiyaan Looxa , Balaastiga, Saliida cuntada ,  Shidaalka , Dharka , agabka  Electerooniga iyo waxyaabo kale.

Dhinca Siyaasda

Siyaasada ahaa waa dal xasiloon  waxaana dhawaan  ka dhacday doorsho uu xukunka ku soo noqday Mahatir, Raysalwasaarahii wadankaa dhaqaalahiisa dhisay oo siyaasda ka maqnaa tobaneeyo sano.

Dhinaca dalxiiska

Waa wadan ku haboon dalxiiska, qurux badan,   habeen iyo maalin  roobku da’o oo  bilic wanaagsan .

Intii aan joogaya waxa aan la ashaqaraaray dhirta hamashka iyo dhulka dooga ah ee ilaahay ku Manaystay waa meel cimila ahaan diiran .

Waxa ay magaaladu la ciirciiraysaa dalxiisayaal isaga yimi daafaha dunida waana magaalo siraadan Habeen iyo maalin.

intii aan joogay magaalada waxaan xasuustay Aayadii Qur’aanka Kariimka ee Alla ku yidhi :

( لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِيَ دِينِ) waayo huteelkii aan dagnaa waxaanu ka saxuuran jirnay  4: 00  habeenimo dadka aan Muslinka ahayna waxa ay ka quraacan jireen  6:30 -10:00 subaxnimo.

Hadaba markii aan laba maalmood joogay waxaanu u baxay xeebta loo tamashlaha tago oo ka fog Magaalada .  Maalin dheer oo aanu biyaha iyo xeeliga bada ku qaadanay ka dib  casar gaabadkii ayaanu dib u soo carownay anaga oo daalan laakiin si xarago leh  u soo dalxiisnay.

Waxaan marnaba la dhaafi karin booqshadaydii daaraha cirka ku shreeran ee magaaladu caanka ku Tahay halkaa oo aad ku arkaysid  dadyow kala duwan oo u soo dalxiis tagay. daarahan oo loo yaqaano Petronas Towers, ayaa ah meelaha ugu caansan uguna bilicda wanagaasan magaalada waxaana dalka u yahiin calaamad lagu soo hirto sidoo kalana waxa ay oo xareeyaan dakhli badan.

Waxaa kale oo aan booqday jaamacada soomaalidu ugu badan tahay oo loo soo gaabiyo IIUM  University, waxaa intii aan dhaxmushaaxayay indhahaygu qabteen arday somaali ah qaarna ka yimaadeen dalkii kuwa kala dhina khaliijka. Waxaa kale oo la ii  sheegay in soomaalida jaamacadan   Dhigtaa guud ahaan  ay tacliinta ku wanaagsan yahiin  .

Soomaalida ku nool

Waxaaa ku nool soomali aan yarayn laakiin u badan qoysas degan  iyo arday wax ka barata; Waxaa Jira iyaguna dad malaha u jooga in ay ka sii tacbiraan .waxayna soomaalidu dagan yahaiin Xaafada Gombak.

Waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynyaa waxaa haboon in soomaalidu wax ka barata dhulka ay u Hiloobeen  in  waxii fiican ee wadanka anfacaya  ay  dib ugu soo celiyaan.

Waxaa kale oo aan odhan lahaa war sida aad u ilaalisaan sharuucda iyo qawaaniinta wadamada aad tagtaan u ilaaliya  sharciga marka aad joogtaan wadankiinana.

 

 

 

 

 

 

 

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.