Xanuun walbaa waxa uu leeyahay marxalado bilow ah kuwaas oo badanaa saadaaliya in qofkan ku soo food leeyahay xanuunka uu astaamihiisu isku arko, sidaa darteed maaha inaad fudaydsato isbedel walba oo caafimaad oo ku dhaca jidhkaaga, mararka qaar madax xanuun yar ayaa laga yaabaa inuu astaan u yahay xanuun wayn oo aanan waxba laga qaban karin mustaqbalka hadii aana hadda la xakamayn, mar walbana ka hor taggu waxa uu ka wanaagsan yahay is dawaynta.

Waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa qaar kamida calaamadaha ugu muhiimsan ee qofka fayraskani dhiigiisa ku faafo dareemo marxallada bilowga, badanaa hadii uu tallaabada saxan qaado waxaa laga yaabaa in dib loo dhigo ama la hakiyo xawaaraha uu ku fidiyo fayraskani ama  la siiyo dawooyin kor u qaadaya habdhiska difaaca jidhkiisa uguna deeqaysa sannado dheeraad ah inuu sii noolaado.

1- Qandho

Qandho lama filaan ah xilliyada qaar waxa laga yaabaa inay tahay hargab fudud laakiin hadii ay soo laalaabato ama si joogto ah aad u dareento waa inaadan waqti lumin oo aad samaysaa baaritaan, waxay ka mid tahay astaamaha ugu waawayn ee bilwgan xanuunkan.

2- Daal

HIV waxa uu si toosa u saameeya awooddaada u adkaysiga xanuunada waxa uuna yareeyaa heerka tamarta jidhkaaga.

3- Muruq Xanuun

Nin muruqu xanuunayo

Waxa aad xanuun ka dareentaa is goysyada, lugaha iyo dhabarka oo waxa kugu adkaanaya qabashada hawlaha caadiga ee maalin laha ah.

4- Madax xanuun & Dhuun xanuun

Gabadh madaxu xanuunayo

Habdhiska iska caabbinta ee jidhkaaga ayaa daciifaya taas ayaa fudaydinaysa in xanuunadu ku soo weeraraan. Badanaa waxaad cuncun ka dareentaa hunguriga waxaadna leedahay madax xanuun  joogto ah maalintii ilaa habeenkii mararka qaar.

5- Dildilaaca maqaarka

Maqaarka ayaa afhayeen u ah jidhka, Hadii ay maqaarka ka muuqdaan dilidilaacyo cuncun wata waxay tilmaamaysaa inaad xanuunkan dhibane u tahay.

6- Miisaanka oo yaraada

Hadii cuntadii aad jeclaan jirtay inaad cunto iska kaa soo xirto jidhkaaguna bilaabo inuu lumiyo miisaanka waxay kamid tahay astaamaha HIV.

7- Qufac qalalan

Hargab qalalan oo wata dhegdheg ku hadhaya cunaha waa calaamadaha ugu waawayn ee HIV.

8- Dhididka habeenkii

Habeenkii waxaad u rafaadaa sidii aad u heli lahayd hurdo fiican, is rog roggaaga labada dhinac ayaa badan adiga oo ay ku adag tahay neefsashadu, daalkaas badan ee ka dhalanaya waxa uu keenaa dhidid joogto ah heer kul kasta.

9- Ciddiyo jabaya oo aan caafimaad qabin

Ciddiyaha qofka ayaa dabca oo billaaba jabitaan sidoo kalana waxay yeeshaan midabka jaallaha.

10- Waxa kugu adkaanaya fahanka iyo u fiirsashada

Jidhka aan caafimaadka qabin waxa uu kugu hagayaa maskax aan caafimaad qabin, waxaad si joogto ah u dareentaa daal dhinaca maskaxda ah waxaana aad ku adag fadhiisinta maskaxdaada xilliga shaqada.

Astaamahaa aan soo xusnay hadii aad isku aragto latasho dhakhtar inta aadan go’aan qaadan.

Qormadan la wadaag asxaabtaada iyo reerkaaga, Farxad iyo caafimaad ayaan idin rajaynayaa.

Tixraac: WebMD

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Caafimaadka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.