Immisa jeer ayaad seexatay habeen adiga oo dareemaya caajis awoodina wayday inaad ka tirto wajigaaga is qurxinta (Make Up) ? Hadii aad doorbiddo inaadan raacin qaabka saxda ah oo aad ku daysid Make Up foolkaaga waxaad filataa wax yeello halisa oo ku soo food leh wajigaaga yaree subaga ah maanta.

Waxaan idin la wadaagaynaa qaar kamida sababaha kugu khasbaya inaad maydho oo ka tirto wajigaaga bootarada iyo is qurxinta kale inta aadan dhinaca dhulka dhigin habeenkii.

1- Ka hortagidda finanka

Hadii aad aaminsan tahay in findoobkaagii raacay caruurnimadii o dib u soo laabashadiisu ay adag tahay waa malahaaga oo kaliya ee dhabtii hadii aadan dhaqin wajigaaga wuu soo noqon karaa, badanaa daboolista dalooladda wajigu waxa ay abuurtaa finan iyo barar muuqda.

Hadii aad ka cabanaysid finan ama aad hore u lahaan jirtay waxaad isticmaali kartaa nooca aan dufanka lahayn ee waji qurxinta kaas oo ah mid si fudud loo tiri karo.

2- hakinta gabawga wajiga 

Waxa cilmi ahaan la xaqiijiyay in jidhkaagu habeen walba dib isu cusboonaysiiyo, hadii uuna nadiif ahayn waxaa dhacaysa inuu hore u gaboobo. Jidhkaagu iskama caabin karo dabaca, wajigaaguna si degdega ayuu u bilaabayaa inuu laablaab sameeyo.

Daqiiqado yar oo aad galiso maydhidda foolkaaga ayaa ilaalin karta dhalinyaranimadaada iyo dhalaalka wajigaaga, mana filayo  inay jirto cid jecel inay fool xun meelahaa la taagnaato.

3- Nafaqaynta wajigaaga

Unugyada maqaarku si dhakhso ah ayay isu cusboonaysiiyaan habeenkii, sidaa darteed adiga oo ka faa’idaysanaya fursaddan inta aadan dabka damin habeenkii, tiritir is qurxinta oo isticmaal dufan antioxidant ah, wax ka fiican ma jiro inaad sariirta tagto adigoo leh waji nadiifa, qabaw oo firfircoonina  dareemaya.

Waxaad mar walba ogaataa in isticmaalka is qurxinta ama make up qaali ah muhiim u yahay caafimaadkaaga halka is qurxinta rakhiiska ah ay dhaawac halisa gaarsiin karto maqaarkaaga sare.

4- Ka hortag midab doorsoonka maqaarkaaga

Hadii aad ku aragto foolkaaga baro ama dhibco madaw oo aadan qarin karin si walba oo aad u isticmaashid saldhigga is qurxinta, waxay u badan tahay inayna ahayn mid ay sababeen falaadhaha qorraxda ee tooska ah ama socodka waqtigu (gabawga), waxa laga yaaba inay tahay xasaasiyad ka kacaysa isticmaalka qaar kamida kiimikooyinka ku jira is qurxinta ee wajigaaga la fal galaya, hadii aadan si haboon u dhaqin wajigaaga kadib isticmaalka make up waxa laga yaabaa halkii aad qurux dheeraada oo isha dadkoo idil soo jiidanaysa ka filaysay inaad ka heshid dhuumasho iyo guri joog kadib markuu burburiyo quruxdii dabiicigii ahayd ee wajigaaga.

5- la dagaalanka xasaasiyadda

waxa laga yaaba in wajigaagu u nugul yahay xasaasiyadda, xitaa hadii aadan wali isku arag calaamado muuqda ama aadan dareemin wax isbedela. Ku seexashada is qurxintu waxay wajigaaaga ka soo saari kartaa cambaar iyo xanuuno kale oo astaamahooda laga yaabo inaadan ku baraarugin xilli hore laakiin hadii aad joogtayso waxaad isku arki doontaa casaan, gubasho iyo cuncun wajiga ah.

6- Bishimahaaga ka ilaali qallaylka

hadii ay kula tahay marka aad tagto sariirta inayna jirin wax lipstick oo ku haray dabnahaaga waad khaldan tahay xitaa hadii ayna kuu muuqan, lipstick marka looga tago dabnaha muddo dheer waxay bilawdaa qallajinta maqaarka sare ee jilicdasan taas oo sababta dildilaaca dabnahaaga.

7- ka badbaadi baalasha indhaha daadashada

waligaa ha kaga tagin xirribahaaga maskaradda baalasha indhaha la marsado marka aad sariirta tagayso, way qalashaa habeenkii marka aad seexto waxayna sababtaa daal indhaha ah oo aad dareemi karto marka waagu dilaaco ee aad hurdada ka soo kacdid.

waxaan kugula talinaynaa inaad isticmaasho mid aan biyaha iska caabinayn oo la maydhi karo, badanaa marka aad tiraysa isticmaal cudbi adiga oo si jilicsan gacanta u marinaya, hadii aad marmarto ama qaab wareega isku daydo inaad u masaxdo waxay keenaysaa in xirribuhu kaa daataan.

Qormadan la wadaag asxaabtaada kale.

 

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.