Ayaamahan danbe waxa aynu aragnaa ama ku soo badanaya bulshadeenna kala taga dhalinyarada mudada yar lamaanaha ahaa, marna ma is waydiinay maxay la kala cararayaan? Maxay isu fahmi la’yihiin?, sidoo kale ma raadinay xal taaba gal ah mise waxa aynu isku hawlnaa side aynu ukala furi lahayn, kharash ka badan kii arooskooda galayna u bixinaa???

Su’aalahan iyo kuwa kale oo ka guuxaya maskaxdaada waxa aan in isku dayaynaa inaan soo koobno jawaabahooda.

Daraasado meelo kala duwan oo caalamka ah lagu sameeyey ayaa nuxurka ka soo baxay qodobadan hoos ku soo socda isugu biyo shubanayaa.

  1. In mid walibaa wax ka sheego ka kale. Ma aha in gabadha ama ninku kaftankiisa ku daro waxyaabo dhaawacaya qalbiga ka kale sida muuqaalkeeda/kiisa, arrintani waxa ay dhalisaa karaahiyo niyadda ah. Intaa ka dibna waxa bilaabanta buuq iyo qaylo taas oo ku biyo shubata inay kala tagaan labadan qofi.
  2. Mid walba oo ka mid ah labada qof waa inuu ixtiraamo ka kale. Waa inaad ogaataa karaamada iyo sharfidda uu kaa mudan yahay sayigaagu/marwadaadu, waa inaad difaacdaa si kalsooni ku jirto mar walba si’aad u gaadhaan guul, guushana maraba laguma gaadho faalleynta waxyaabaha taban(Negative) ee midi leeyahay ama aaminsan yahay .
  3. In arrimo kale laga ahmiyad siiyo qofkan aad wacadka gasheen. Ma aha inuu ninka cidleeyo gabadha oo ay dareento wehel la’aan, weliba hadii ayna hayn wax ay qabato. Taasi waxa ay keenaysaa inay raadiso cid ay ka helayso daryeel iyo boholow, taasina waxa ay keentaa khiyaanada guurka markaa dhinaca gaabiyaa waa inuu garowsadaa.
  4. Masayrka xad dhaafka ah. Hinaasaha badani waxa uu gilgilaa xidhidhka lamaanaha heer uu gaadhsiiyo cidhib xumo aan laga soo waaqsan karin. Waxaana timaada kala shakin iyo been isu sheegid, waana mid ay adag tahay labada dhinac ka ay la soo deristaa inuu si sahlan ku aqbalo, marka danbana waxa ay keentaa kala-tegid.
  5. In dad kale aad dhagaysato. Inaad dhagaysato saaxiibada xaaskaaga ama gabadhu dhagaysato saaxiibadeed oo ka sheekaynaya nimankooda ma aha inay keento is afgaran waa, dadku ma sina dhinaca aqoonta, jeebka iyo caqliga toona. Adiga ayaa doortay oo yidhi: wallee kani waa faaraxii riyooyinkayga, xidhiidhka guurka ee dadkuna isku mid ma aha, sidaa darteed mid waliba waa inuu ilaaliyo siraha ka kale.
  6. In mid ka mid ah lamaanuhu guriga afduubto. Qaar badan oo ka mid ah ragga ayaa aaminsan gacan ku haynta, ku amar taaglaynta iyo bixinta amarada gurigu inay u horseedayso raaxo iyo rayn-rayn. Waxa jira sidoo kale dumar aaminsan arrintan laakiin hadii mid waliba ka kale ixtiraamka uu leeyahay siiyo waxa ay astaan u tahay guul wayn iyo farxaddii meesha kale laga raadinayey oo la gartay halka ay ku dhuumanayso.

Nolosha guurku waa nolol laba qof ka dhaxaysa mid walibana waxa uu xaq u leeyahay inuu qabto waajibaadkiisa, soo bandhigo ra’yigiisa helana xuquuqdiisa diini iyo adduunba.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.