Waa silsilad maqaaxiyo cuntada fudud ah oo ku yaalla dalka Maraykanki gabi ahaanna ah mid aana u baahnayn inaad la hadasho shaqaale kaa qaada dalabka kadibna kuugu keenna miiskaaga.

Nidaamka ay ku shaqayso Eatsa ayaa ah mid ka kooban sanduuqyo ay ku xiran yihiin muraayado casri oo ku shaqaynaya taabashada isla markaana arag gudbiya ah oo aad dhinaca kale ka arkaysid dalbkaaga marka uu yimaado.

Tallaabada koowaad waxa aad galinaysaa Magacaaga iyo dalabkaaga mid kamid ah looxyada elektarooniga ah ee ku dhagsan darbiyada maqaaxida,  Adiga oo isla markaana bixinaya lacagta, marka dalabkaaga la dirana waxa aad helaysaa tiro-sumadeed gaar ah.

Muddo kadib marka la diyaariyo cuntada aad dalbatay waxa ay shaqaalahu u dirayaan mid kamid ah sanduuqyada aan soo xusnay, Magacaaga ayaa ka muuqanaya muraayada elektrooniga ee sanduuqa, kadibna si fudud ayaad ugala bixi kartaa cuntada.

Maaha markii u horraysay ee maqaaxi qaabkan u shaqaysay la soo bandhigay taariikhda, fikirka maqaaxiyaha noocan ah ayaa u laabanaya bilowgii hore ee qarnigii 20aad.

Faallo ka bixi qormadan

  • Project Soli

    Faallo ka bixi qormadan …
  • Guri Machine 3D lagu daabacay!

    Hadii aadan hore u maqlin mashiinada Daabacaadda 3D ee walxaha yaryar, waxaad ku laaban ka…
  • Laptop la duubi karo sida salliga

    Maalin walba tallabo hor leh iyo qalab cusub ayay ishaadu qaabataa, Maanatana ha yaabin ha…
  • Nooc cusub oo gaadiid ah

    Shirkad lagu magacaabo Daahir Insaat oo samaysa nashaqadaha kala duwan sida dhismaha, wers…
  • Qaab dukaamaysi casri ah

    Faallo ka bixi qormadan …
Soo daadi qormooyin la xiriira Tech Videos