Nobel prize waa aabaal-marinta  uga caansan adduunka  marka la eego qiimaheeda iyo macnaha ay xanbaarsan-tahay.

Waxaa lasiiyaa  shakhsi ka soo dhalaalay  takhasusaadka lagu bixiyo abaal-marinta sidaa awgeed  ilaa hada waxaa ku guulaystay culumo badan oo muujisay  howlkarnimo iyo  shaqo dheeri ah.

Yaa aasaasay abaal marinta  Nobel ?

Alfred  Nobel ayaa ah shakhsiga ay fikradaasi ka soo maaxatay  waxaanu ka  soo jeedaa dalka sweden isaga oo gacan ka gaystay horumarinta cilmiga Chemistry  iyo Engineering-ka .

Waxay abaal-marintu ka kooban tahay bilad dahab ah iyo hal milyan dolar  oo cadaan ah mararka  qaarna waxa lagu abaalmariyaa laba qof iyo wax ka badan  dabeeto lacagta ayaa loo qaybiyaa .

Xafladii ugu horeysay ee abaal marinta loo qabto waxa ahayd  1991 magaalada Stockholm ee dalka Sweden  takhasusaadka   Caafimaadka, Chemistry , Physics  iyo Suugaanta ayaana lagu abaalmariyaa dadka  culuumtaa wax ku soo kordhiya. Sannad kasta  waxaa bixiya  boqorka dalka Sweden marka lag reebo abaal-marinta nabadda oo lagu bixiyo  magaalada Oslo ee dalka  Norwey.

Shuruudaha lagu bixiyo abaalmarinta Nobel

  • Abaal-marinta lama-siiyo qof dhintay si kasta ay tahay shaqada uu qabtay, waxaa kale  ka mid ah sharuuda in uu qofku nool yahay.
  •  In-kabadan hal jeer ayaa  qofka  lasiin karaa abaal-marinta Nobel.
  • Waxaa loo sharixi-karaa abaal marintan  macalimiinta iyo culumada iyagu gacanta ka gaysta Sayniska, Suugaanta iyo xubnaha u shaqeeya hay’adaha iyo xataa dowladaha ee loo arko in ay mudan yahiin.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Aqoon
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.