Iyada oo aynu ognahay in caqliga dhiman uu ulaabanayo sababo badan oo ay kamid tahay in aad dhaxal u heshid oo cid aad dhiig wadaagtaani ka caban jirtay xanuuno dhimirka la xiriira ama qadarta eebbe keentay inaad dhibane u noqotid xanuunada maskaxda dheelligeeda lumiya qofkana ka kaxeeya noloshiisii caadiga ahayd mid kale oo dhaanta gaynin, Laakiin Rumayso ama halkaa ha ka qaadin waxa jira cuntooyin la xaqiijiyay inay  saamayn wayn ku leeyihiin Kororka iyo dhimista maskaxdeenna.

Qaar kamid cuntooyinka maskaxda raad taban ka tagi kara ayaynu halkan ku arki doonnaa.

Macmacaanka

waxa ay saamayn wayn ku yeelataa cunista waxyaabaha macmacaan sida buscuits, chocolates, candies(nacnacyo) qaarkood shaqada maskaxda iyaga oo daciifiya maadada Insolin-ta uu jidhka ka gubta sonkorta saa’idka ah.

Milixda

waxa ay caddeysay cilmi baadhis la sameeyey in milixda oo lagu badiyo cuntada ay yareeyso shaqada maskaxda iyo awoodda fikirka iyada oo ay intaa u dheer tahay xanuunada kale ee ay keento sida kor u kaca dhiigga iyo xanuunada wadnaha.

Cuntooyinka fud-fudud

cuntooyinka fudfudu sida baradhada shiilan, burgerka iyo wixii la mid ah waxay badiyaan wal-walka sidoo kale waxa ay sabab u noqon karaan caqliga oo qofka ka taga ama xanuunka Alzheimer (Xanuun maskaxda ku dhaca oo qofka xasuusta ka qaada, awoodiisa fikirkana daciifiya).

Cuntooyinka duban

waxa ay ka mid yihiin cuntooyinka fud-fudud ee ay wax yeeleeya maskaxda, waxayna ku talinayaan dhakhaatiirtu in la cuno cuntada la kariyo ama la shiilo saliid la’aan iyaga oo sheegay in cuntooyinka qaar marka saliid lagu shiilo ay isu badalaan sun.

Nicotein

maadadan ayey culimadu u aqoonsadeen inay ka mid tahay waxyaabaha caqliga hoos u dhaca ku keena iyada oo sababta in maskaxda qofku isku soo uruto, waxay leeyihiiin culimadaasi sigaarka jooji cabiddiisa hadii kale khatar ayaad ku jirtaa.

Alcohol

alcohol-shu wxaay si toos ah wax u yeellaysaa maskaxda iyada oo baabisa unugyo badan oo maskaxdu leedahay waxayna hoos u dhigtaa IQ-ga qofka iyada oo keenta maskax la’aan qayb ah taas oo badanaa keenta inuu ilowgu ku bato dadka isticmaala alcohol-ka.

Faallo ka bixi qormadan

  • Faa’idooyinka ay timirtu leedahay

    Ilaahay ayaa xumaan oo dhan ka nasahan waxa uu quraankiisa ku yidhi “Ma waxaad moodeen ina…
  • 8 Cunto oo caqligaaga hoos u dhigaya!

    Iyada oo aynu ognahay in caqliga dhiman uu ulaabanayo sababo badan oo ay kamid tahay in aa…
Soo daadi qormooyin la xiriira Cuntada
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.