Gabdhuhu waxa ay caan ku yihiin qarrinta arrimaha la xidhiidho noloshoodda, ma jecla in la ogaado inay murugaysan tahay in jacayl hayoiyo inay rabto ciyaar gogoleed, markay timaado guurkana way ka sii xagjiraana oo waxay ku dadaalaan sidii aana looga dareemi lahayn inay xaas leedahay iyo inkale gaar ahaan dadka aanan aqoon hore u lahayni.

Nasiib xumo hadii aad ku dadaasho inaad qariso waxa ku jira qalbigaaga waxa aadan awood ulahayn inaad ku khasabto jidhkaaga iyo qaab dhaqankaagu inay kugu raacaan beentaas badanaana waa ay diidaan iyaga oo raacaya dabeeecadda bin-aadamka ee daciifnimadu ku salaysan banaanka ayayna soo dhigaan wax walba oo aad qarinaysid.

Waxa aan ku soo qaadan doonaa qormadeenan 9 calaamadood oo si kuu sahlaya inaad si fudud gacanta u soo qabatid nambarkana ka reebtid gabadha aan kuu tilmaami doono.

 

1- Badanaa waxa ay xirataa dhar badan

Waxa ay caan ku yihiin dumarku inta ayna reer yeelan inay aad isu dhisaan waqti badanna galiyaan sidii ay guriga uga soo bixi lahaayeen iyaga oo dadka oo dhami farta ku fiiqayaan ama ishu si fiican u qabnayso Labiskoodda iyo widhwidhka wajigoodda xitaa hadii ayna tagayn xaflad ama munaasabad kale, halka gabadhu marka ay wiil la socota ama reer leedahay ayna dan ka gelin waqti ku bixinta soo jiidashada ragga banaankaa maraya.

Hadii aad dukaanka gurigiina u dhaw isugu soo gashaan gabadh aad u labisan waxay u badann tahay inayna u socon arrin muhiim ah kale ee  ay E-voucher card meeshan ka qaadayso kadibna toos uGu laabanayso guriga ka soo horjeedda dukaanka, sidaa darted fursaddaas ha iga sii daynin hadii damac kaaga jiro gabadhaas.

 

2-Badanaa ragga ayay daba gashaa sidii ay ogaan lahayd sirahooda

Hadii aad gabadh ishiinu isku dhacday kadibna dagdag ay u foorarsatay iyada oo xishoonaysa, waxay u badan tahay inay keli tahay adigana ay ku damacsan tahay, maxaa yeelay gabadhu marka ay lamaane haysato isheeddu badanaa waxa ay ku mashquulsan tahay meel kale hadii hal mara indhaha isku dhufataana kaama foorarsanayso ee iyada oo aana dareen ku jirin ayay hore isaga sii socotaa.

 

3-Badana saaxiibaheed ayay ku dhex jirtaa

Hadii ay badanaa ku maran tahay gabdho kale, ishaaduna ayna qaban iyada oo keli ah taas waxay caddaynaysaa in boos ka banaan yahay, Badanaa gabadhu marka ayna lamaane haysan waxay isu dhex qarisaa asxaabteeda kale si ay u dareento wehelka iyo dareenka ay haysato gabadha saaxiibka ama xaaska leh inkasta oo ayna marnaba isku dareen ahayn.

Ayaamahan danbe ee adduunku is daba rogay waxyaabo badan oo aynaan dhaqan iyo diin ulahaynina soo kordheen,  ha ku dagdagin gabadh walba oo gabadh kale ama koox gabdhaha ah ay badanaa wada socdaan, gaar ahaan hadii aad ku nooshahay wadamada ree galbeedka waxa suurta gal ah inay iyagu is weheshadaan oo qaaar wacad leh ku jiraan. Inkasta oo ay yartahay arrintani marka la eego heer caalami ama Soomaaliyeed hadana waxa mudan inaad dhug u lahaato oo aadan  raacin wanaagga qalbigaaga ku Jira ee aana sawiran Karin xiriirka noocan ah inuu Jiri karo.

 

4-Dad badan ayay isha ku haysaa

Gabadha doonan ama xaaska ahi dan kama gasho waxa ay dadku leeyihiin ama sameenayaan laakiin hadii ayna wali heerkaa gaarin waxyaabaha yaryar ee ninku ku hadlo ama horteeda ku sameeyo wax wayn ayuu uga dhigan yahay, wax walbana waxay mooddaa in iyada loola dan leeyahay taas oo marar badan keento inay iska dhaadhiciso in qofkani jecelyahay laakiin marka ay u cadaato inuuna jeclayn waxa uu sameeyeyna uuna darteed u samayn ee iyadu isu qaadatay oo kaliya ay murugo la jiifsato kuna eedayso in uu jacayl been ku abuuray qalbigeeda saafiga ah ayna cafinayn waligeed.

Dhinaca kale gabadha  reerka leh hadal walba oo ka soo baxa ninka afkiisa dagdag ulama booddo ee miisaan ayay saartaa waxana u kala cadaata runta iyo ismoodsiinta.

 

5-Badanaa kuma mashquulsana taleefankeedda

Gabadhan inta aad wada fadhidaan ma jiro taleefan badan oo soo dhacaya mana laha saxiib ay badanaa is waydaarsadaan farriimo ama ay uga dhex baxdo dadka ay ku dhex jirto si ay ula hadasho, Hadii ay dhacdo oo ay furto ama eegto taleefankeedana si dagdaga ayay dib ugu celisaa oo ugu soo laabataa sheekada.

Halka gabadha wiil ama ka badan ay wada sheekaystaani ay daqiiqad walba hubinayso inay farriin cusub u timid iyo inkale, Hadii ay farriin u timaadana way ku daysay oo waxa ay galaysaa sheeko kale.

[yuzo_related]

6- Cudur daar ma bixiso markaad la joogtid

Hadii aad ku dhiirrato la hadalkeeda kadibna aad ballamiso inay kugula kulanto Cafeteria ama goob kale oo sheeko idin dhex marto badanaa gabadhani ma sheegato cudur daar si ay sheekada usoo afjarto meeshana uga galbato ee dhagta ayay raaricisaa iyada oo qalbigeedduna joogo. Taasi waxay si cad u tilaamaysaa inay gabadhani kugu casuumayso inaad kula kulanto marka xigta wadnaheedda aadna halbowlayaasha dhiiggeedda marba mid u dalxiis  tagtaan.

 

7-Dhinacyada ma fiiriso markay kula hadlayso

Badanaa gabadhu marka ay xiriir ku jirto waxa ay cabsi ka qabtaa in lagu arko iyada oo nin kale la hadlaysa sidaa darteedna inta badan waxay eegtaa hareeraheeda iyada oo hubinaysa inayna cidi u jeedin, laakiin hadii ay si dagan kuula sheekaysato iyada oo aana dan kalahayn dadka kale hadii ay fiirinayaan iyo hadii kalaba waxa hubaal ah inaadan ku qadayn hadii aad sharad kula gashid saaxiibkaad inaad soo xaranaysid gabadhan.

 

8-Way kuu dhoola cadaysaa

Gabadh walba oo kuu dhoolla cadaysa ha moodin inay ku jeceshahay ama ayna haysan cid kale oo ay u dhoolla cadayso, Marar badan ayaa cadawgaagu kuu muusooddaa si aad dabinkiisa kado ugu gashid, Soomaaliduna waxay ku maahmaadaa Nimaad qali qamuunyada u qari oo foolasha u qaawi”.

Adiga oo taa xasuusan hadana hadii aad u dhoolla cadayso gabadhan kadibna iyada oo aana hadlin ay kugu jawaabto dhoola caddayn iyada oo yara xishoonaysa baalalka indhaheeduna aad mooddo inay hoos fiirinayaan kolna dib wajigaaga ugu soo laabanayan, Taasi waxay ka tarjumaysaa rabitaanka qalbigeedda cidlada ah waxa ayna kugu dhiiri galinaysaa inaad hore u soo socotid oo aadan qajilaadda u ogolaan inay idin kala fogayso.

Dhinaca kale gabadha xiriirka ku jirta ma jecla inay kuu furto albaab, marka aad u dhoolla cadaysana badnaaa way iska dhaga marisaa  inay ka jawaabto codsigaaga oo ay kugu dhiiri galiso inaad tallaabado soo boodsiiso kadibna aad haadaan ka dhacdid iyada oo indhahaagu iyada ku maqan yihiin.

 

9-Waxay ku jartaa khadka dadka kale ee soo wacaya

Hadii ay dhacday adiga oo la fadhiya in taleefankeedu soo dhacay kadibna inta ay eegtay ku jartay qofka soo wacayay iyada oo taleefankana dib ugu celinaysa boorsada ama daminaysaba si ay adiga kuu siiso qalbigeeda iyo dhagaheedaba, Ha iga sugin inaan ku dhaho gabadhani waa Keli lamaanana ma laha ee adiguba iska garo oo tallaabada xigta u gudub.

Hadii ay qormooyinkani ku xiise galiyeen ama aad jeceshahay inaad hesho isla marka aan daabacno, Fadlan rukumo boggan oo ku xiriiri E-mailkaaga ama Like-saar bogga aan ku leenahay Facebookm iyo Twitter ee Somali Paper.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider