Daraasad lagu sameeyey dalka Brazil ayaa sheegtay 8 arrimood oo ay u badan tahay in ilmaha yar mooralkiisa wax u dhinto, taas oo keenayso inuu ka dhex baxo barwaaqadii iyo niyad samaantii galana cadaab iyo hoog arrin yar oo carruurta oo dhami samayso darteed.

waana kuwan soo socda ee si wacan u dhuux aabbe/hooyo.

  • inaad uga tagto maskaxdiisa inuu danbiile yahay in badana ay ku jirto.
  • inaad siiso magacyo xun sida “cilin, coon” hadii uu gaaban yahay oo laf yar yahay ama “lax..iwm” hadii uu buuran yahay iyo magacyo kale oo aan fiicnayn sida “dhago dheere, fanax, badhi…iwm ee wayeela ilmaha yar nafsad ahaan.
  • Ereryada dhaawaca dadnimada ilmaha yar sida: tuug, khaa’in, fulay, wasakh… dameer hadii uu fahakiisu adag yahay, ereyadani waxa ay ka dhigaan ilmaha yar inuu isku arko inuu dadka liito mustaqbalkana waxay ku keenaan fulaynimo.
  • Ciqaabitaanka jidhka ee xun, waalidka qaar ayaad moodaysaa inay qof eedaysana ah oo guantonamo ku jira  sir ka soo saarayaan marka aad aragto sida ay ubadkooda u dilayaan, waalidkaas uma qalmo in aabe/hooyo loogu yeedho ilamana aha in ilmahan yari uu si niyada ah u dhihi karo aabe/hooyo gaar ahaan hadii uu ciqaabtan lagu bilaabay isaga oo yar ama aan haysan caqli ku filan.
  • In loo diido wax uu u baahan yahay adiga oo kaga aargoosanaya wax uu samayn waayey ama sameeyey, arrintan waxaa ka mid ah  hadii ilmahaaga kabuhu ka dhamaadaan ma aha inaad u diido adiga oo raba inaad tusto awoodda aad leedahay iyo sida uu kuugu baahan yahay kadibna marka uu niyad jabo aad u iibiso… aabahaasi muxuu ilmihiiisa u faa’ideeyey oon ahayn murugo iyo calool xumo.
  • Hanjabaadda joogtada ah ee xilli walba taagani waxa ay kaga tagtaa ilmaha yar ee aan haysan caqli ku filan saamayn xun iyada oo u horseeda inuu noqda mid fulay ah oo aan jawaab u celin karin inuu iska celiyo iska daaye  ciyaalka faciisa ah…ileen waalidkii ayaa guriga ku soo dhufaanee.
  • Ciqaabta xun ee nafsadda ilmaha dhibaysa sida inaad ku xidho qol madaw ama sida waalidiin badan oo soomaali ahi sameeyaan in ilmahooda banaanka usaaran xilliyada fiidkee si ay u cabsi galiyaan, waxa intaas oo dhan isku fuuq-fuuqsaday noqonaysana ciqaab nafsadeed ta u daran inaad ku celiso dhagaha ilmahaaga yar inuu xun yahay mar walba.
  • In loo diido waxyaabaha uu xaqa u leeyahay sida inuu la ciyaaro asxaabtiisa, laakiin mar walba oo ilmaha yar loo diido arrintan waxay xanuun u gaysan kartaa maskaxdiisa, waxayna ka dhigaysaa mid looga dhaartay inuu ku qaato marxaladiisa caruurnimo si farxad leh.

waxaan ka codsanayaa waalidku inayna u ogolaan caruurtoodu inay samayso xumaan, laakiin waxaan leeyahay tixgaliya qodabada aan kor ku xusay, waalidkuna ma sinna waxa jira qaar saaxiib la ah caruurtooda oo yaqaan sida ay  u tarbiyadayn lahaayeen iyaga oo aan wax dhaawac ah gaadhsiin.

Farriintaydan waxa ay ku socotaa dhamaan waalidiinta aan xilka waalidnimada ka soo bixi kari waayey ee caruurtoodu silcayso maskax ahaan, ma jecli anigu inaan noqdo aabbo xun ama caruurtaydu tiraahdo marka ay la sheekaysanayso asxaabtooda kale “Wallaahi hebelow aabbe fiican ayaad haysataa” taasi waxa ay ka dhigan tahay inaan anigu gudan waayey waajibkaygii waalidnimo caruurtaydiina dareentay in la iga fiican yahay.

Hadii aad jeceshahay inaad la wadaagto  talooyinka asxaabtada iyo Family-ga ama aad ku share gareeso bogagaa bulshada riix guluusyada baraha bulshada ee hoos yaal.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Barbaarinta ubadka
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.