Badanaa wax walba marka uu cusub yahay waxaa jira dad badan oo ka faalooda saadaal togan iyo mid tabanba ka bixiya, qofba qaabka uu arko ayuu uga dhiibtaa aragtidiisa isaga oo ku salaynaya aqoonta uu u leeyahay shayga ama bar-bar dhigaya adeegyo lamida oo suuqa ku jira kuwaas oo guul ama guul-darro la hoyday, marar badan ayaa jirta oo fagta horeba loo sacab tuma la iskuna raaco shayga cusub waxqabadkiisa oo cad awgeed laakiin taasi maaha mid dhacda marar badan.

Sida jinsiga aadumuhu u samaysan yahay waxay u badan tahay in marka hore ay diidmo ku wajahaan aragtiyaha iyo waxyaabaha cusub ee ku soo kordha noloshooda iyo deegaankoodaba laakiin si tartiib ah ayay ula qabatimaan oo marka danbana uu noqdaa qayb kamida noloshooda iyo dhaqankooda.

Waxaan arkaynaa qaar kamida adeegyada iyo qalabka elektarooniga ah ee khubarada iyo dadwaynuhuba u saadaaliyeen guul darrada laakiin ka gudbay xarigii oo xaqiijiyay libin cid walba amakaag ku riday.

WEB

Image result for web

WEB oo ah shabakadda suurta gelinaysa inaad internetka wararka iyo macluumaadka ka raadiso adiga oo qoraya sumadda u gaarka ah mareegta aad rabto inaad booqato, waxaa laga soo gaabiyay World wide web iyada oo markii u horraysay uu daah-furay Tim Berners-Lee  sannadkii 1989-kii.
Dadka badankiisa uma muuqan ujeedada cad iyo waxtarka uu yeelan doono mustaqbalka fog sidaa darteed ayay cid waliba duraysay oo faallo taban ka bixinaysay iyaga oo ku andacoonaya inayna suurta gal ahayn in dib loogu celiyo tababarka malaayin shaqaale ah.

Waxaa jiray khubaro badan oo ka dayriyay sidoo kalana aanan la dhacsanayn fikraddan cusub, waxayna ku cel-celinayeen inayna jiri doonan wax bedelaya joornaalada iyo maktabadaha xogta warqadda ahi ku kaydsan yihiin, waxuuna ula muuqday ganacsiga iyo wabarashada elektarooniga ahi mid ku kooban madaxa qofka riyoonaya oo kaliya.

Bilowgii hore internetka xawaarihiisu aad ayuu u gaabinayay, mana hawl yarayn oo aqoon dheeraada ayuu u baahnaa si qofku u isticmaalo sidoo kalana mayna jirin adeegyadan mareegaha xogta ku jirta lagu raadiyo sida Google, Yahoo…iwm, laakiin kacaa kuf badan maanta qof waliba waxa uu si fudud iyo qiime jaban ku gali karaa shabakaddan oo mareegtuu rabo raadin karaa isaga oo aan u baahnayn khibrad dheeraad ah iyo aqoon la xiriirta dhinaca shabakadaha, waxayna noqotay qayb kamida nolosha oo aan laga maarmi karin.

iPad

Related image
Markii u horraysay ee shirkadda Apple soo saartay taleefankan ballaaran waxay keentay in dad badani ku jees-jeesaan maadama ayna arkayn baahi  wayn oo loo qabo, dadku waxay ku qanacsanaayeen noocyada laabtoobyada ee qiima ahaan jabnaa sidoo kale waxay haysteen taleefan kaga filan hawlaha yar-yar.
Waxaa la yaab noqotay in shirkaddani sagaalkii bilood ee u horraysay soo xaraysay dakhli dhan $10 milyan kadib markii ay iibisay in ka badan 15 malyan oo xabbo. Waxaa soo baxay nuskhado cusub oo taleefankan ah laga soo bilaabo 2010 oo ahayd xilligii ay suuqa keeneen, dakhliga ka soo xaroodayna waxa uu gaarayaa $300 milyan.

Bitcoin

Image result for bitcoin

Bitcoin waa lacag cusub oo laga yaabo inaadan hore u maqlin, waxa uu u shaqeeya qaab u dhaw adeegyada lacagta la isugu diro ee soomaaliya sida Zaad, Sahal iyo EVC , lacagaha ayaa la isugu diraa qaab elektaroonik  ah laakiin waxa uu kaga duwan yahay adeegyada aan xusnay inayna jirin xarun dhexe iyo cid la socota dhaq-dhaqaaqaaga lacagahaaga, labada qof lacagta si toosa ayay isugu dirayaan iyaga oo aan sii dhex marin cid kale.
Adeeggan ayayna caddayn cidda ka danbaysay ama fikradiisa lahayd laakiin koox wadatay magaca  Satoshi Nakamoto ayaa hirgeliyay sannadkii 2009.
Adeeggan ayaa ku shaqeeya xisaabo bedela qiimaha uu leeyahay 1 Bitcoin xilli walba, dadkii lacagahooda u bedelay Bitcoin sannadkii 2015 oo qiimaha 1 Bitcoin ahaa $200 immika waxay xaqiijiyeen macaash badan maadaama uu kor u dhaafayo 1 Bitcoin in ka badan $8000 xilligan aan qorayo.
Adeegan cidna ulama muuqan bilowgiisii inuu guulaysanayo oo dad badani hantidooda dhigayaan bankiyo ayna ogayn xarumahooda sidoo kalana ay maamulayaan xisaabo aan la saadaalin karin s bedelkeeda.

Bitcoin inkasta uu caan yahay gaadhayna heer alaabaha yar-yar lagu kala iibsado wadamada qaar hadana waxaa jira wadamo badan oo aan ogolayn adeegsigiisa maadaama ayna dawladdu ogaan karin oo laga yaabo in looga faa’idaysto qaabab sharciga ka hor imanaya.

Whatsapp

Image result for whatsapp

Wixii ka horreeyey 2010-kii adeegsiga farriimuhu wuxuu ahaa mid aan muuqan oo dadka badankiisu waxay doorbidi jireen inay ku hadlaan taleefanka maadaama adeegyada SMS/MMS ay ahaayeen kuwa kharash badan cunaya sidoo kalana aanan horumarasanayn. Markii u horraysay ee adeegan Whatsapp soo gallay suuqa cidina ma filayn inuu qayb wayn ka noqon doona noloshooda inbadanna ay qoraalo gaagaaban is waydaarsan doonaan asxaabtooda iyo qoyskoodaba, waqti yar gudihii waxa uu helay soo dhawayn wayn maadaama uu si quman u daboolayay baahida dhinaca farriimo is waydaarsiga oo ka dhigay mid sahlan sidoo kalana aanan u baahnayn kharash badan kuuna suurta galinaysa inaad cod iyo muuqba dirtid.
Sannadkii 2014 ayay shirkadda Facebook ku iibsatay Whatsapp lacag dhan $19 Bilyan.

Spotify

Related image

Adeegan oo suurta galiya dhagaysashada noocyada kala duwan ee heesaha qaabka online-ka lacag la’aan waxa bilaabay koox dhalinyaro Swedish ah iyaga oo gurigooda jooga sannadkii 2008, marnaba lama filayn inuu suuqa ka saari doono shirkadihii waawaynaa ee suuqa muusikadu u xidhnaa sida Apple oo bixin jirtay adeegyo lacaga.

Adeegan ayaa sannado gudahood caan ka noqday yurub isaga oo markii danbana waqooyiga maraykanka iyo qaybaha kale oo caalamka ah ku fiday, immika waxa uu leeyahay in kabadan 140 milyan adeegsade oo 50 milyan oo kamida ay rukunteen qaybta hormarsan adeeggan ee lacagta ah.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.