Ram Singh Chauhan waa 56 jir ka soo jeeda Rajashtan – India, waxa uu bilaabay korinta shaarubihiisa Sannadkii 1982 kadib markii uu dhiiri gelin ka helay nin kale oo ay saaxiibo ahaayeen, maalintaa laga soo bilaabana ma jarin shaarubihiisa marka laga reebo qaybo kamida dhinacyada oo hagaajin ku smaeeyo.

Waxa uu aaminsan yahay inay shaarubuhu yihiin calaaamad raganimo sidoo kalana ay tahay wax laga xumaado in  dhalin yarta maanta ay dagaal kula jiraan shaarubaha.

Dhibka ugu wayn ee soo waajaha Singh ayaa ka yimaada ababinta sharubihiisaa, Maalin walba waxa uu galiyaa laba saac nadiiifinta iyo saliid ku duugistooda. Singh waxa uu caan ka yahay dalka India iyo qaybo badan oo kamida adduunka uu dalxiis ku tagay.

Sannadkii 2010 ayay u aqoonsatay diiwaanka dunida ee Guinness inuu yahay ninka haysta shaarubaha adduunka ugu dheer oo gaaraya dhererkoodu 4.2 Mitir.

Faallo ka bixi qormadan

  • Milly, Ayga ugu yar adduunka

    shares Milly, Ayga ugu yar adduunka http://somalipaper.com/milly-ayga-ugu-yar-adduunka/ Fa…
  • Shaarubaha ugu dheer Adduunka

    shares Shaarubaha ugu dheer Adduunka http://somalipaper.com/2731-2/ Facebook Twitter Googl…
Soo daadi qormooyin la xiriira Diiwaanka Guinness
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.