Ardayda maanta ayaa aad uga nasiib badan dhigooddii sannadihii tagay, raadinta macluumaad walba oo lagaa rabo ayaan u baahnayn tagitaanka maktabad fog ama raadinta qof ay xirfaddiisa tahay si uu garab kuu siiyo taas oo laga yaabo mararka qaar inaad ku bixiso waqti badan iyo  lacag xilliyada qaarkood.

Maanta adduunka wax badan ayaa iska bedelaya ardaygu kama walwaliyo waxyaabaha aan soo xusnay oo badanaa raadinta iyo soo ururinnta macluumaadku kuma qaadato saacado hadii uu awoodo helitaanka koombuyuutar ku xiriirsan internetka isticmaalkiisana wax yar ka yaqaan laakiin diyaar garawga, habaynta waqtigaaga, qorshaynta waxa aad qabanaysid, tuujinta maskaxda, curinta qoraalada iyo hellida bulsho kale oo aad isku dar ka dhaansanaysaan iskana kaashan kartaan shaqooyinka laguu diro qaarkood ayaa u baahan qalab gaar ah.

Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa mareego iyo barnaamijyo lagu sticmaali karo taleefanka oo kaa caawinaya waxyaabaha aan soo xusnay badankooda.

Koofers

Koofers waxa uu ku fudaydinayaa u diyaar garawga imtixaanadda iyo helitaanka jawaabaha imtixaanno hore, waxa aad galin kartaa qoraalada xilliga fasalka aad samayso sidoo kale waxa aad samayn kartaa flashcards ku saabsan mawduuc ama maaddo. waxaadna sidoo kale ka heli kartaa qoraallo iyo Flashcards diyaarsan oo la xiriira mawduuca aad rabtid ama dhigatid.

Alarmy (Sleep If U Can)

Hadii ay kugu adagtahay ka toosidda hurdada aroortii waxaa sidoo kale kugu adag tagitaanka fasalada aroorta hore ah taa macnaheedu waxay tahay waad neceb tahay maaddooyinka aroorta hore ah, hadii aad nacdo maaddo waxa kale oo aad nacaysaa akhrinteeda taasna waxay dhashaa inaad imtixaankeed dhibco hoose ka keentid hadaba inta aynu hawshaadu heerkaa gaarin soo dejiso Alarmy oo kaga duwan saacadaha kale inayna si fudud u joojinayn qaylada ilaa aad qabatid hawlo badan oo kugu khasbaya inaad sariirta ka kacdid.

OpenStudy

Hadii aad kamid tahay dadka aanan kaligood imtixaan diyaarin karin Open Study waxa uu kaa caawinayaa inaad hesho kooxo dad ah oo aad iskaashan kartaa dhamaan maaddooyinkaaga sida xisaabta, physics, chemistry…iwm.

Audible

Marka aad rabtid inaad buug akhrido laakiin aad daalan tahay ama aad ku jirto shaqo Audible waxa uu kaa caawinayaa inaad dhagaysato buugga aad rabtid, xilligan waxa uu ku jira in ka badan 180,000 buug. waxa uu kuu ogolaanayaa 30 cisho oo bilaash ah wixii ka danbeeyana lacag yar ayuu khidmad ahaan kaga qaadayaa bishiiba hal mar.

Xilligan ma jiraan website kale oo  gabi ahaanba lacag la’aan ah lehna tayada warinta buugta iyo tirada Audible leeyahay laakiin waxaa jira qaar ay dad waynuhu ku taburceen warinta buugta mana badna tiradoodu waxa kamida LibriVox  iyo Project Guternberg.

InstaGrok

Waxa uu kuu fudaydinayaa inaad raadisid mawduuca aad rabto isaga oo u soo bandhigaya qaab sida geedka u habaysan oo kaa caawinaya inaad si fudu u fahanto maskaxdaaduna si dedega u soo xasuusan karta marka ay u baahato.

Studious

Waxa laga yaabaa in hal mar ka badan taleefaankaagu soo dhacay adiga oo fasal ku jira taas oo badanaa keenta inaad ka xanaajiso macallinka ama ardayda kale tashwiish ku furtid laakiin barnaamijkan marka aad galiso saacadaha aad maaddo leedahay waxa uu awood u leeyahay inuu aamusiiyo ama xiro taleefankaaga saacadaha aad leedahay muxaadiro si toos ah.

StudyBlue

Waxa uu kaa caawinayaa samaynta flash cards  oo ah kaadhadh aad ku qoraysid macluumaad kooban oo la xiriira mawduuca aad akhrinaysid si uu kaaga caawiyo inaadan u baahin dib u akhrinta buugga mar labaad marka aad ku samaynayso dib u eegis, sidoo kale waxa uu awood ku siinayaa qaadista qoraaladda fasalka gudihiisa iyo banaankiisaba.  Waxaad ka helaysaa kuwo dad kale ka diyaariyeen isla mawduucaaaga.

SelfControl

Marka aad wax qorayso ama diyaarinayso imtixaan badanaa waxa tashwiish kugu fura kaana dhex gala hawsha aad wado baraha bulshadu ku xiriirto kuwaas oo sida daroogada dhiiggeenna u dhex qaaday inagana dhigay kuwa aanan go’aan ka qaadabn karin fara ka qaadistooda sidaa darteed barnaamijyada ay kamidka yihiin Self  Control waxa uu kaa xirayaa dhaman mareegaha tashwiishka kaa galinaya amada dareenkaaga ka kaxaynaya waxbarashada.

Waxa uu barnaamijkani ku shaqaynayaa Mac , hadii aad isticmaalayso windows barnaamijkan ku duub akhriyaha chrome.

Dragon Dictation

Hadii qoraalkaagu yahay afka English barnaamijkani waxa uu kaa caawinayaa in halkii aad waqti badan garaaci lahayd botoomada koombuyuutarkaaga inaad u yeeriso isla markaana uu barnaamijkani u bedelo qoraal ahaan.

Quizlet

waxa ay kaa caawinaysaa barashada ereyada, afafka iyo waxyaabo badan oo kale lacag la’aan, waxay ku siinaysaa qalab aad si fudud waxa ugu baran kartid qaab madadaalo ku jirto.

Dictionary.com Mobile

Mararka qaar hadii aad fahmi waydo erey cilmiyeed macalinkaagu yiri ha fadhiyin adiga oo wareersan ee isticmaal barnaamijkan oo raadi ereyga macnnihiisa muddo gaaban wareerkana ha u ogolaan inuu kugu qanciyo in dhibaato ku haysataa tahay afka.

RealCalc

Hadii aad xisaabiyahan soo dejisid wax auu ku badbaadinayaa lacag kamana walwalaysid inaad soo ilowdid hawshana sideeda ayuu u qabanayaa mana tabi doontaa xisaabiy cilmiyeedka caadiga ah.

Ice Cream Apps

Ice Cream Apps waxa uu ku siinayaa barnaamijyo kaa caawinayaa samaynta muuqaalada iyo soo bandhigiddooda, bedelidda noocyada muuqaalada iyo codadaka, u bdelista qoraaladaada pdf, ku darista ama ka jirista qoraal warqad pdf ah, duubista  iyo qabashada muuqaalada shaashadda koombuyuutarkaaga iyo adeegyo kale oo marar badan aad u baahanaysid xilliga aad ardayga tahay.

Flvto

Badanaa qof walba suurta gal uma aha helitaanka internet xawaare badan ama kharash badan ayaa kaga baxaya hadii uu rabo inuu daawado tusaale ahaan muuqaal aqooneed dheer oo ku jira youtube laakiin hadii aad gasho boggan Flvto waxa aad galinaysaa URL (Linkiga bogga uu muuqaalku ku jiro)  isaga ayaana si fudud ugu bedelaya cod Mp3 ah oo internet la’aaan ku dhagaysan kartid meeshaad rabtid.

Pocket

Marar badan ayaad aragtaa qormooyin xiisa leh laakiin hadii aadan waqti u hayn waad ka gudubtaa sidaas ayaadna isku ilowdaan laakiin haii Pocket isticmasho waxa aad kaydin kartaa maqaalada qiimaha leh ee aad aragto si aad hadhaw u akhrin kartid qaab offline ah isaga oo sidoo kalana kuu ogolaanaya inaad dhagaysato muuqalka hadii uu ku qoran yahay English, French iyo dhawr af oo kale.

Grammarly

Marka aad qormo afka english ku qoran galinaysid bogaaga Facebook iyo baraha kale ee bulshada ama aad faallo ka bixinaysid muuqaal aad daawatay waxa uu kaa caawinayaa Grammarly inuu kugu baraarujiyo khaladaadka dhinaca higaadda iyo macnahaba isaga oo kuu sheegaya ereyada kaga haboon isticmaal ahaan kuwa aad qortay. Grammarly xilligan waxa aad ku isticmaali kartaa koombuyuutarka kaliya adiga uu ku daraya Chrome.

Hack College

Waxaad ka helaysaa maqaalo badan oo la xiriira nolosha gudaha dhismaha jaamacadda.

My Study Life

Barnaamijkani waxa uu kaa caawinayaa habaynta jadwalakaaga, diiwaan gelinta waqtiyada imtixaanada iyo mashruucyada kale ee lagaaga baahan yahay  si aadan u ilaawin, waxa uu bixiyaa adeegyo kale oo badan.

Cam Scanner -Phone PDFCreator

Hadii aad rabto inaadan buugga mar walba qaadan waxaad si fudud sawir uga qaadi kartaa bogaga aad u baahan tahay, Cam Scanner waxa ay ka saaraysaa hadhka iyo hummaaga iyada oo ka dhigaysa mid si fudud loo akhrin karo lana mid ah kii asalka, hadii warqaddaadu ku qoran tahay qaar kamida afaka sida english waxa ay isku dayaysaa inay aqoonsato ereyada kadibna u bedesho qoraal aad koobbi ku samayn karto.

Hadii aad ka heshay xogtan fadlan, la wadaag asxaabtaada kale adiga oo rixiya botoomada baraha bulshada ee hoose.

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Arday
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.