Waxaa laga yaabaa inaad ka dharagsan tahay sheekooyin ku saabsan xayawaanada dilaaga ee duur joogta ah sida Libaaxa oo soomaalidu calool xumo badan u hayso, sheekooyinka laga soo wariyaana isugu jiraan kuwa tilmaamaya geesinimadiisa iyo gacanta sare ee uu ku leeyahay boqortooyada xayawaanka iyo kuwa kale oo ka tarjumaya sida uu illinta uga daadiyay reero badan oo xoolahoodii iyo mararka qaar dad ka laayay dabadeedna iyaga oo warmaha u lisanaya gabayo ka sii daayay.

Marka aad akhrido liiska xayawaanadan iyo tirada dadka sannad walba dartood god u gala waxa laga yaabaa inaad wax badan oo aad ka aaminsanayd xayawaanka duur joogta ah dib u fiirin ku samaysid Libaaxana aad kala laabatid haybaddii zaa’idka ahayd ee aad u qabtay, Waxaan soo badhigaynaa 20-ka xayawaan ee ugu dad dilista badan inta la og yahay.

  #20   Harimcadka: 29 qof/sannadkii

Harimcadku waa mid kamid ah xayawaanada duur joogta ah ee loo yaqaan bisadaha waawayn, waxa uu ku badan yahay bariga afrika iyo qaybo kamida Asia. Harimcadku sannad walba waxa uu sababaa dhimashada ku dhawaad 30 qof.

  #19   Quraanjada: 30 qof/sannadkii

Quraanjada oo ah xayawaan yar badanaana noolaada muddo todobaado ah ayaa leh boqorad sida shinnida shaqadeeduna tahay dhigidda kumanaan ukun ah laakiin xayawaankan yari waxayna dad badani ka war hayn inuu uu galaaftaa nolosha 30 qof sannad walba.

  #18   Jellyfish: 40 qof/sannadkii

Jellyfish waa xayawaan badeed maqaar jilicsan oo qaabka dallada u samaysan leh, Xayawaankan ayay culimada saynisku sheegeen inuu la wareegi doono badda mustaqbalka dhaw maadaama uu sii badanayo sannadba sannadka xiga, Xayawaanka ayaa leh gacmo badan kuwaas oo marka ay qofka qabsadaan gaarsiiya dhaawac laga yaabo inuu sababo dhimasho.

  #17  Shinnida: 53 qof/sannadkii

Shinnada oo ah xayawaan duula badanaana raxan raxan u socda ayaa caan ku ah samaynta Malabka macaan ee marar badan carrabkaagu leefay laakiin sannad walba waxa u dhinta qaniinyada shinnadan dad ka badan 50 qof.

  #16  Deerada: 130 qof/sannadkii

Waxaa laga yaabaa inaad qaadan la’dahay warkan hadana maskaxdaadu ku leedahay “malaha geesahaas ayay balo ku wadataa” waana suurta gal laakiin dhimashadan aan soo xusnay waxay badanaa timaadaa marka darawaladu ku safrayaan waddooyin waawayn ee ka baxsan magaalooyinka iyaga oo xawaare sare ku socda wadada ay soo goyso deero yar oo biyo raadinaysa taas oo darawalo badan ku khasabta inay naxdinta darteed ka saaraan gaariga wadada kuna wayaan naftooda.

  #15  Lo’ Gisi: 200 qof/sannadkii

Lo’ Gisida gaar ahaan nooca loo yaqaan African Cape Buffalo oo u socota raxan raxan ayaa labkoodu yahay mid feejigan oo dagaal diyaar u ah xilli walba badanaa dadka ugaarsatada ayaa u noqda dhibane hirdidiisa dooxatada ah.

  #14  Libaax: 250 qof/sannadkii

Libaaxa oo ah xayawaan hilib ku noole ah loona yaqaan boqorka kaynta ayaan kaaga baahnayn inaad immika baratid maxaa yeelay awoowyaday ayuu is baray oo kadibna ilaa yaraantadii kaaga sheekaynayay ayaa. Libaaxu waxa uu ku tiriyaa hilibka dadka mid u qalma eryashada  gaar ahaan hadii uu mid aan carbisnayn.

  #13  Maroodi: 500 qof/sannadkii

Maroodiga waa xayawaan jecel nabad galyada kalana fogaado dhibka qofka aana isaga khalad ka galin laakiin marka dalxiisayaasha iyo ugaarsatada foolashiisa damacu ka galo u soo dhawaadaan ma naxariisto.

  #12  Jeerta: 500 qof/sannadkii

Jeerta waa xayawaanka saddexaad ee ugu waawayn naasalayda marka laga yimaado Maroodiga iyo Wiyisha, Waxa laga helaa wadamada dhaca sub-saxaaraha Afrika gaar ahaan webiyada iyo harooyinka, badanaa maalintii waxay ku jirtaa biyaha si ay uga gabato kulaylka habeenkiina way ugaar tagtaa.

Muuqaalka jeerta ee la moodda inay hurdo dhex muquuranays yuusan ku dagin, cecelis ahaan 1 qof ayay dishaa jeertu maalin walba.

  #11  Yaxaaska: 1000 qof/sannadkii

Yaxaasku waa xayawaan ilko badan  iyo qolof adag kana tirsan xamaaratada, waxa uu ku nool yahay webiyada, waxa uu cunaa kalluunka, shimbiraha iyo sidoo kale dadka hadii ay indhihiisu kugu dhacaan isaga oo gaajaysan. Yaxaasku waxa uu adeegsadaa ilkihiisa badan inkasta oo murqaha daamankiisa ee xira afka ay yihiin kuwo aan awood badan lahayn oo qof caadiya kala qaban kara hadana waa xayawaan dilaa ah gaar ahaan goobaha cidlada ah sida tuulooyinka.

  #10  Tapeworms: 2000 qof/sannadkii

Waa nooc kamida gooryaanka oo loo yaqaan cestodes badanaa waxa uu ka dhashaa cabitaanka biyo aanan nadiif ahayn.

  #09  Ascars Roundworms : 2500 qof/sannadkii

waa nooc kamida gooryaanka ama dirxiga oo wareegsan dhererkiisuna mararka qaar gaaro 35 cm, waxa uuna la wadaagaa qofka cuntada.

  #08  Dib qallooc: 3250 qof/sannadkii

Nooc walba oo dib qallooc ahi ma laha awoodda sun dili karta dadka laakiin waxa jira laba nooc oo laga helo Palestine iyo Brazil oo qaban kara hawshaas culus gaar ahaan dadka waawayn ee difaaca jidhkoodu daciifka yahay.

  #07  Xaaxeeyo: 10,000 qof/sannadkii

Xayawaankan yar oo laga helo dhulka kulaylaha ah ayaa ku sii daaya biyaha dulin sababa Schistosomiasis oo keena xanuuno ku dhaca dheefshiidka, kansarka kaadi haysta sidoo kalana wax yeeleeya taranka qofka cabba biyahaas.

  #07  Assassin Bugs: 10,000 qof/sannadkii

Cayayaankan yar oo u eg kutaanka laakiin leh qolof sare oo adag ayaa ah cadaw helis ah, Waxa uu badanaa gaadmo ku dilaa cayayaanada, Shimbiraha, Xamaaratada iyo naaslayda sidoo kalana dadka ayuu qaniinaa isaga oo ku sii daaya sun loo yaqaan saliva taas oo hadii uu dhibanuhu noqdo cayayaan sida baranbarada ku dhinta wax ka yar 3 sikin.

  #07  Tsetse fly: 10,000 qof/sannadkii

Waa nooc kamida daqsiga oo laga helo badanaa afrika gaar ahaan wadama dhaca dhul badaha, sannad walba waxa uu sababaa khasaaraha balaayiin doolar dadka beeralayda ah ee ku sugan  Afrika, Noocyo kamida duqsigan ayaa wata sun seexisa xayawaanka iyo dadkaba oo ka dhigta kuwo aan firfircoonayn sanando kadibna dullin uu kaga tago dhibanaha ayuu u dhintaa.

Duqsigani wuu ka wayn yahay duqsiga caadiga ah ee badnaa guryaha ku aragno, labka duqsigan ayaa badanaa weerara dadka halka dhediggu jecel yahay xayawaanada kale ee waawayn, Cimriga daqsigan ayaa gaara sannad sidoo kala waxa uu dhalaa ku dhawaad 12 jeer sannadkii.

  #04  Ayga 25,000 qof/sannadkii

Xayawaankan dab joogta ah sidoo kalana ah saaxiibka garabkaaga taagan markaad u baahato, Ma rumaysanaysaa in sannad walba ay dartii god u galaan 25,000 oo qof qaniinyo ka soo gaartay Ay xanaaqsan.

  #03  Maska: 50,000 qof/sannadkii

Waxa uu kamid yahay dhimashooyinka laga hortagi karo hadii aad helayso goob caafimaad degdega fulisa laakiin dadka aana haysan waa dilaa halis ah.

  #02  Dadka: 475,000 qof/sannadkii

Gacanteena ayaa ku jirta nambarka labaad ee xayawaanada sababa dhimashada dadka u badan ee adduunka sannad walba.

  #01 Kaneeco: 1 Million qof/sannadkii

Sida ay daabcaday hay’adda WHO sannad walba waxa qaniinyada Kaneecada u dhinta ku dhawaad hal milyan oo ku nool Afrika iyo wadamada kale.

MUHIIM: Magacyada qaar kamida xayawaanadan/Cayayaanadan waxaa lagaa yaabaa inay soomaalidu ku kala duwan tahay  sidoo kale magacyada saxan ee qaarkood  ma aanan helin , Hadii uu ku jiro magac aan si khalad u isticmaalnay ama kuwa aanan xusin magacyadooda fadlan ku tabarruc sixidda magaca adiga oo ku qoraya qaybtan hoose ee faallooyinka (Comments).

 

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Ma ogtahay?
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.